Wednesday, September 11, 2013

Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo loo diiday inay galaan magaalada Baydhabo, maxay tahay sababta loogu diiday?



Ka dib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyeen in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya aysan imaan karin magaalada Baydhabo, ayaa waxaa loo diiday in magaalada baydhabo gudaha ugalaan, wafdi ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee dowladda Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa la filayay inay kaga qaybgalaan Baydhabo xiritaanka siminnaar la siinayay in ka badan 80-macallin oo ka mid ah kuwo ay dowalddu u tababaraysay inay wax ka dhigaan iskuullada ay dowladdu dalka oo dhan ka furayso ee qaabka lacag la,aanta ah caruurta soomaaliyeed wax loogu barayo.
Sida warku sheegayo xubnahaasi ka socday dowladda ayaa lagu amaray inay dib ugu laabtaan magaalada muqdisho oo ay markii hore ka amababaxeen, iyadoo loo sheegay in dowladda soomaaliya ay arrintaasi iyadu ka mas,uul tahay sidaa owgeed ilaa go,aankii ay qaateen odayaasha iyo wax garadka beelaha digil iyo mirifle laga xalinayo aysan  deegaanada beelahaasi imaan Karin cid ka socota dowladda Soomaaliya.
Khilaafka u dhaxeeya dowaldda Soomaaliya iyo waxgaradka Baydhabo ayaa wuxuu ka dhashay kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiis si rasmi ah la saxiixatay maamulkii Sheekh Axmed Madoobe  markaasi oo ay ku dhawaaqeen odayaasha goboladaasi ay degaan beelaha digil iyo mirifle inay xiriirka u jareen dowladda soomaaliya iyagoo ku dhawaaqay inay qabanayaan shir maamul loogu sameynayo 6 gobol oo ay ku jiraan kuwa axmed madoobe madaxda looga dhigay,waxayna odayaasha goboladaasi ku eedeeyeen dowladda soomaaliya inay dhulkoodii bixisay oo ay siisay axmed madoobe ,waxaana waqtigii ay dowladdu heshiiska lagashay sheikh axmed madoobe Magaalada baydhabo ka dhacay  banaanbaxyo loogu soo horjeedo shirkii Addis Ababa, kaasoo madaxda dowaldda Soomaaliya ay ku tilmaameen inay tahay mid lagu xallinayo khilaaf xooggan oo ka taagnaa maamulka gobolada Jubbooyinka.
Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa hadda maamula gole  ay ku mideysan yihiin malaaqyada Digil iyo Mirifle; kuwaasoo wadashaqeyn la leh maamukii waqtigiisu dhamaaday oo wali hosha siiwada inkastoo loo sheegay in waqtigiisu ku egyahay marka uu furmo shir looga tashanayo sidii maamul loogu sameyn lahaa 5 gobol ee la isku yiraahdo gobilada k/galbeed ee Soomaaliya.
Golaha malaaqyada ayaa waxay magacaabeen guddi kasoo shaqeeya sidii loo qaban lahaa shirweynaha maamul u sameynta Koonfur-Gabeed ee Soomaaliya, iyadoo guddigu ay wadaan abaabul iyo u gogol-xaaridda shirweyne oo lagu qaban doono xaruntii Baarlamaanka ee Baydhabo.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin diidmada la sheegay in wafdiga ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee dowladda soomaaliya loo diiday inay gudaha u galaan magaalada baydhabo , kuwaasoo kaga qaybgeli lahaa Baydhabo xiritaanka tababar in muddo ah la siinayey macalimiin loogu talo galay inay wax kdhigaan iskuulo cusub oo ay dowladda Soomaaliya dhisayso.

No comments: