Thursday, June 20, 2013

PROF SAMATAR: “FROM SOOMAALI TO SAMAROON” - Maqaal aad u XIISO !!! badan wuxuu maskaxdiisa Ka soo maaxday Qoraa Sare A/qadir Oromo

Qoraa Sare A/qadir Oromo iyo Proff. Samantar


Qurba-joog ambadayoo, af-qalaad la wacan yahay
Aayadaha Qur’aankiyo, Axaadiista Nabigiyo
Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga gaar
Midaan hoos u eegine, idilkood la liitaan
Odayada mid quursada, aqoontooda aan rabin
Ummaddaan muxuu taray, aqoonyahanna ugu yahay?
In ogaal aqoon yahay, aqoonina ogaal tahay
Kan ogina abwaan yahay, kaan aqoon engegan yahay
Inan-yahow ma moog tahay, mise waad ogsoon tahay?

Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday ugaarsi, ayaandarro wax-daaca oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan. Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuuna teedin jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo. Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay:

dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey. Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oo dabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaran wuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.

Maalintii xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon isla markaana so’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta addin ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiinaayey magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraahdaa MUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah BISAD, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah YAANYUUR, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku yiri BASHO, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DURMAD, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalisanaa oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay.

Markuu tegay suuuqii magaalada dadkii ayaa soo wada eegay, taasina si weyn bey u farxad gelisay oo wuxuu is-yiri dadka kusoo wada eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo wanaagga xayawaankaani leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay, is hadal hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta ayaa Guulle ku gargaaray oo aad gaawaha u culatay: horweyn geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido gorod madow. Ayaandarro Soomaalidu war ma qarisee, runtii ayaa loo sheegay oo iyadoo la qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa keentay lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri waa bahal magacyo badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun ka bax, intii aan suuqa u soo siday jaaqdeedii iyo cidiyaheedii ayaa wax walba iiga daran.

Manaafacaad la’aanta iyo magacyada badan ee bisadda waxaa la mid ah aqoonyahan isku sheegga aaminsan afkaarta shisheeyaha iyo siyaasi beeleedka sebenka fowdada soo ifbaxay. Waxaad maqli: Prof hebel, Dr hebel, wuxuu bare-sare ka yahay jaamacad hebel, wuxuu haystaa shahaado sare “PHD”, waa aqoonyahan, waa indheergarad wax walba odorosi kara.

Ha-yeeshee markey arrintu ficil iyo wax-qabad gaarto waa magac qurxoon iyo muunad la’aan, waa hungo iyo haan-maran, waa aqoon la’aan ku wajahan baaxaadegga siyaasadda, waa faham la’aan dhaqan dhaqaalaha bulshada iyo ku hagista hillinka toosan. Waxaan aaminsanahay haddiiba Soomaalidu aqoonyahan leedahay waa suugaanleyda Eebbe hibada u siiyey hal-abuurka maansada. Tusaale heesta “af qalaad aqoonta miyaa” ee Cali Sugulle allifey iyo heesta “dadweynaha hanuuninaa hasaawinaa danta u hagnaa” ee Xasan Sh. Muumin allifey, filimaayo aqoonyahan kasoo  qalinjebiyey “Harvard University” inuu curin karo erayadaas oo habkaas bulshada u abaabuli karo.

Derbiyada gudaha Madxafka Qaranka waxaa lagu xardhay magacyada indheergaratadii alliftey qoraalka farta Somaalida, waxay ka koobnaayeen (17 nin iyo Xaliimo Maxamed Cali), waxay kala ahaayeen 3 soo bandhigtay xuruuf Laatiin ah, 4 soo bandhigtay xuruuf Carabi ah iyo 11 soo bandhigtay xuruuf Hebrew ah. 18kaas indheergarad ama aqoonyahan filimaayo midkoodna inuu kasoo qalinjebiyey jaamacadaha reer Galbeedka, waxayse ahaayeen maskax-maal iyo suugaanley hibo u leh wax curinta.

QURBA-JOOGTA  QAFIIFTAY

Dalku waa isu furan yahay, shacabkana colaad ba’ani ma dhextaal, walow ay weli jiraan, jirina doonaan dagaalladii reer miyiga ee ka dhalan jirey ku hardanka: biyaha iyo baadka, barta iyo beerta iyo wixii soo raaca. Ayaandarro dagaal siyaasadeed aan dhammaad lahayn ayaa dalka ka oogan, waxaa daadihiya qurba-joog mar lebbisan shaati aqoonyahan, marna lebbisan shaati siyaasi beeleed, marna lebbisan shaati FEDERAL iyo Soomaali kala geyn. Dagaallada sokeeye waxaa dabkooda huriya oo Soomaalida waalay waa koox isku magacaawday “Diaspora” balse lagu suntay “dayuusbaro”. 

Siday ila tahay Prof Axmed Samatar waa horyaalka qurba-joogta qafiiftay, waxaa asiibay qulub iyo jago jacayl. Muddo dheer kadib Prof Samatar oo caafimaad doon ah waxaa Xamar loogu sheegay dhaqtar ku xeeldheer daweynta cudurka qulubka iyo hoggaan u qafiifka.

Dhoolatus siyaasadeed  qurbaha lagu soo bandhigay sida: durbaanka xisbiga Hiil-qaran oo la dananiyey, aftahamnimo fagaareyaasha wacdaro iyo indhasarcaad laga dhigay kadib, Prof Samatar wuxuu garaacay albaabka dhaqtarka rugta caafimaadka ku leh “Villa Somalia”. Durbadiiba wuxuu u diray “Sheybaarka dhexe” dhiigga Profasoorka waxaa laga helay (saar-qabiil, kursi-u-qooq, hoggaamin jacayl, isla-weyni, af Ingiriis ku faan, Gaalo jacayl iyo cudurro kale oo halis ah).

Dhaqtarka Xamar oo ah Kaadirka Carabta, waaba iskala sarreeyaa ku hadalka Af-Ingiriiska wuxuuna aaminsan yahay Af-Carabigu inuu yahay “afdalu luqa, axsanu luqa” maadama Alle kusoo dejiyey Qur’aanka Kariimka ah. Teeda kale haybta Profasoorka ee ah Maxamed Case dhaqtarku waa garanwaayey oo “Mesegada” ka baxda Koofurta ayaa loo kala saaraa “Shamuurey iyo cascase ama cadood”. Cascase waa magac aan Koofurta ku lahayn miisaan siyaasadeed, maalqabeen iyo muruq milateri midna.

Prof Samatar dulqaad iyo samir midna ma muujin, afka labadiisa ayuu furtay, uma hadlin asluubkii laga rejeynaayey oday aqoon leh iyo anshax siyaasi. Wuxuu fagaare kasta ka yiri “Xamar waa qurun iyo qashin, waa qaxooti iyo qowleysato, waa meel maamulkeedu u xiran yahay Hawiye & Daarood kaliya ‘dual-monopoly’. Anigoo Soomaali ah ayaan Xamar tegay, anigoo Samaroon ah ayaan kasoo laabtay. Shalay midnimo ayaan doonayey, maantase Somalilander baan ahay oo Boorame ayaan tegayaa si aan u noqdo caaqilka Samaroon. Aflagaadada lagu dheehay erayada Ingiriiska ah ee Prof Samatar ku hadlo, anfariir iyo amakaag ayey ku riday qaxootiga ku nool qashinka Xamar, waxayse ku qanceen seddax arrimood:


Heestii Sulfa ee ahayd “lama miiraa lay mudaa oo waa laygu maasadaa”.  

Nin lamaan oo magaalo ka duday siigo yaraa. Takartii maroodiga fuushay ee markey ka duushay ku tiri “i cafi maroodi ilaa saakay dushaadaan dangiigay” maroodigiina ku yiri “maba dareemin culayskaaga”.

Waa yaabka yaabkiisee, weligaa ma is weydiisay
Prof Samatar muxuu Soomaali hore ugu qabtay? Muxuuse ku muteystay madaxtinimada uu ku qafiifay? Muxuuse maanta qaban karaa?

06/09/1967 ayaa Prof Samatar Soomaaliya kasoo tegay. Waa maalin taariikhi ah oo Soomaalidu wada taqaan, waa maalintii la xiray Wasiirkii Arrimaha dibedda Axmed Yuusuf Ducaale oo lagu eedeeyey inuu gatay qaddiyadda xoreynta Jabuuti. Axmed Ismacil Samatar wuxuu ahaa weriyihii maalintaas warka duhurnimo Radio Muqdisho ka tebiyey, sida aan weli xusuusto wuxuu warka ka billaabay “Wasiirkii Arrimaha Dibedda oo gacmaha laga duubay, xabsigana loo dhaadhiciyey”.  

Durbadiiba Axmed Samatar BBC ayuu shaqo ka helay wuxuuna uga sii gudbay Ameerika, 06/09/1967 ilaa 10/09/2012 doorashadii Madaxweynaha JFS, 45-taas sano hal maalin dalka dib uguma soo noqon. Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq, sida aan maqlay Axmed Samatar laguma sheegin halyey lagu hirto oo dadka kaalmeeya. Filimaayo hal arday oo jufadiisa ah inuu jaamacad u qalqaaliyey. Filimaayo xataa boqol dollar inuu horumarinta dalka ku taageeray. Filimaayo inuu weligi hal dugsi dayactiray. Waxaan maqlay 1993 kulan ka dhacay “Ottowa University” oo Axmed Samatar xiriiriye ka ahaa inuu halkaas kaga tookhay anigu Soomaaliya uma socdo oo xataa bogcadii laygu aasi lahaa waan sii iibsaday. Haddaba weydiintu waxay tahay, Soomaaliya ma qashin qubkii qurba-joogtaa? Soomaaliya ma hoygii hawlgabkaa?

Axmed Samatar oo sida muuqata 70 sano sare u dhaafay muxuu maanta Soomaaliya u qaban karaa? Axmed Samatar oo habdhaqanka reer Galbeed niyadsami u aaminsan laga rejeynmaayo xataa inuu maanta oori yar arooso oo carruur dhalo oo gurigiisa ay ku koraan dhowr qof oo qaraabo ah, taasi waa inta ugu yar ee uu Soomaali maanta u qaban karo.

Murtida laga dhaxlay awooweyaashii hore waxay tahay “wax la tacbo dad baa ugu fiican  — irsaq waayi-meysid aroosoo ubad kordhi – qofkii kaa dad badan kaa deeq badan – dhashaada iyo dhul baa magan loo yahay” waa hidde dhaqan soo jireen ah, ha-yeeshee aqoonyahannada Axmed Samatar hormoodka u yahay waxay aaminsan yihiin “ubad ilbax waa laba uun ama la noolow islaan cad oon ubad dhalayn”. Dagaalkii 2aad kadib rag Soomaaliyeed ayaa degay Yurub. Raggaas oo ahaa dhallinyaro awood jinsi leh, sida ayax doog helay oo kale waxay ku daateen haweenkii caddaanka ah, wiil helay haweenay gole-joogsi wacan leh, timo sugul ah iyo indha cawlan oo eegmo caashaq leh “blonde hair and blue eyes” balse minka iska xirtay iskana tallaashay ubad dhalis ayaa aabbihi u soo diray farriin leh “maandhow maxaad dad iyo duunyo haysaa?”  Wiilkii wuxuu su’aashaas kaga jawaabay aabbe waxaan la noolahay haweeney caddaan ah oo joog iyo jamaal leh, laakiin inay ubadh dhasho laga rejeynmaayo. Odaygii wuxuu wiilkiisa u soo diray murti xambaarsan waano dhalxalgal ah, wuxuuna kula dardaarmay:

Mar haddaaney awlaad ku dhalayn loo abtirinaayo
Amaaney adduun ku dhaqayn ari iyo geel toona
Layskama abaahiyo islaan abasaxoo weyne
Maandhow ka ag fogow eey la nool ubadka diidaysa

Ajnebi ka dooro INDHAYAR waa inkaar waalid iyo ilduuf geyaan. Wiil ciyaar ka booday ayaa ku heesay “waxa Mijir-ka-hoos magaalada yaal Maryaney maxaa mara-meydka ku xiiray”. Prof Axmed Samatar oo sida guuxa dadweynaha lagu sheegay ka mid ah qurba-joogta gabayga sare khuseeyo, himiladiisa hoggaan jacaylka ma riyaa mise waa hidde-raac?  Soomaaliya waxaa ka jira boqortooyo silloon oo si dadban u shaqeysa

Halkudhegga iyo halbeegga boqortooyadu waa: aabahay, awoowgey, adeerkey, abtigey, eedadey iyo ina-adeerkey baa madax ahaan jirey ee anna waa inaan madax noqdaa oo hoggaamintu waa hibo dhaxaltooyo. Raggii kartida yaraa ee hanan waayey kaalintii kaga toosnayd hawlihii miyiga (xoolo dhaqasho iyo beero falasho) ayaa hoos cararay Maamulladii Gumeysiga, waxayna ka heleen fursadihii shaqo ee waagaas jirey. Oday baa arkay nin gacanyare u ah Gaalkii geyiga xukumay balse markuu miyiga joogay aan soo hoyn jirin waxar jaban, dabadeed wuxuu tiriyey afarreydaan:

Allahayow Faranjigii muxuu doqon fariideeyey
Muxuu feydo laawiyo nin raggah faylka wada joojay
Muxuu nimaan aabbihi fuuli jirin faras u heenseeyey

Turjubaannadii, ilaaladii, adeegeyaashii, kookeyaashii iyo wixii soo raaca ee Gaalada u shaqeyn jirtay carruurtii ay dhaleen waxay u dallaceen Gaal-yare ama “house niger” xukunkii dalka iyaga ayaa kala wareegay Gumeysteyaashii tegay. Carruurtii ka farcantay kooxdii guryaha Gaalada ka shaqeyn jirtey waxay noqdeen kooxda ina-K (ina-kooke, ina-kaabul, ina-kormeere, ina-karaani, ina-warkeene, ina-kidbeeye, ina-kirishboy, ina-kalkaaliye, ina-kadindhowre, ina-kaabaqabiil, ina-kayd-haye, ina-kaabe-waardiye, ina-kabraale)

Guud ahaan Soomaaliya waxaa maamula kooxda ina-K, gaar ahaan Koofurtu waa budo gaar u tuman iyo boqortooyo silloon, halkudhegu waa “ballan aabbe iyo hoggaan beeleed”. Sannadihii fowdada hoggaamiye kooxeed kastoo dhintay waxaa beddelay wiilkiisa ama hadduusan wiil dhalin xaaskiisa iyo inantiisa, Jeneraal Caydiid waxaa hoggaankii ka dhaxlay wiilkiisa ilaa Qareen Raajis oo ay xilkii ka dhaxashay xaakiisa. 14/11/2001 goortii Jaamac Cali Jaamac loo doortay madaxweynaha Puntland waxaa diiday Cabdullaahi Yusuf oo 3dii sano ee xilka loo igmaday ay ka dhammaatay. Dagaalkii qarxay kadib waxaa lagu heshiiyey in doorasho cusub la qabto, sida dastuurka Puntland ku qoran waxay ahayd xilliga kala guurka inuu madaxweyne ku meel gaar ah sii ahaado Maxamed Cabdi Xaashi, mase dhacin oo xilkii waxaa qabtay Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Xuruuf yaryar oo qof aragti gorgor leh kaliya  akhrin karo dastuurka Puntland waxaa ku qoran jagada madaxweynaha Puntland waxaa qaban kara qof  Maxamuud Suleymaan ah kaliya. Koofurta beddelkeeda, boqortooyadaas silloon Isaaq waa ka badbaaday oo Cigaal wiilkiisu jagada kama dhaxlin, C/maan Tuurna xaaskiisu xilka kama dhaxlin, nasiibwanaag Isaaq wuxuu fahmay laba eray siyaasadeed oo Soomaalida kale aysan weli fahmin, dulqaad iyo is-afgarasho “tolerance and compromise”. Si looga fogaado dagaal mindhicireed dhexmara beelaha Isaaq waxay madaxweyne u doorteen Daahir Riyaale Kaahin oo sarkaal sare ka ahaan jirey NSS-tii Siyaad Barre “Notorious Gestapo Officer” waxay ahayd tallaabo ku dayasho mudan oo Isaaq ka dhaxlay aayatiin wacan iyo haybad siyaasadeed, balse dhanka kale waxay jahawareer iyo waalli ku riday beesha Gudabiirsay oo qof walba wuxuu u xusulduubay inuu madaxweyne noqdo, xataa haweenka miyiga Boorame jooga waxay ku werdinayaan oo la riimayaan haddii Riyaale Madaxweyne noqday anna waa inaan noqdaa. Damacaas safmarka ugu dhacay guud ahaan beesha Samaroon ayaa dhiigga iyo dhuuxa kaga milmay Prof Samatar, wuxuuse u eg-yahay damacaan sinnaba ku hirgeli karin, waana riyo maalmeed iyo rejo meehanow, maxaa yeelay nin suldaan u suuban ayaa madaxiisa taaj la saaraa. Prof Samatar hadalladiisa faanka iyo tookha u badan kuma jiraan: oorideyda heblaayo, inankeyga hebel iyo inanteyda heblaayo, waxaa la fahmi karaa inuu yahay faras leedo ah oon koore lahayn. Dhaqan guud oo aadamigu isla ogol yahay ka sokow, waddanka Prof Samatar ku nool yahay, nimaan xaas iyo carruur lahayn hoggaamiye looma doorto.

Aan qoraalka ku gunaanado su’aal muhiim ah oo mudan in si taxadar leh oo cilmi ku saleysan looga jawaabo. Prof Samatar safarkiisa “From Soomaali to Samaroon”  Ma siyaasad cusub baa? Ma saldano jacayl baa? Ma suluqsaaluq socodkii sebenkaa?  Prof Samatar maanta safarkiisu waa Muqdisho to Hargeysa, berrito waa Jabuuti to Adis Ababa, saad-dambe waa Tel Aviv to Washington ee saakuun safarka Prof Samatar xagee ku wajahan yahay?  

Akhriste fadlan maskaxdaada ka shaqaysii oo jawaab hufan soo gudbi. Wa Billaahi Towfiiq


Abdulkadir Osman  “Aroma” 
Shirwac55@hotmail.com

No comments: