Maxay Cadawga Somaliland ka Yiraahdeen Heshiiskii Hawada Somalia iyo Somalialnd ee Istanbul?
W/Q Saleban Ismail Bolaleh 'Saleban Xuquuq'
Mid ka mid ah wariyayaashii soo maray
idaacada BBC laanteeda Afsoomaaliga oo lagu magacaabo Yuusuf Garaad, kaasi oo
mudadii uu ka shaqaynayay BBC-da lagu bartay cadaawad aanu qarsan jirin oo
uu kaga soo horjeedo xaqa aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, isagoo dadaal
xoogan iyo tamar badan ku bixin jiray in dhinaca xun u dhigo wararka uu
tifatirayo ee uu is yiraahdo dan ayaa ugu jirta dalka Somaliland, ayaa mar kale
muujiyay sida aanu uga waantoobin cadaawadaasi uu shacabka Somaliland iyo
Qaranimada dalkooda uu u hayo, kadib markii laga fariisiyay shaqadii wariyenimo
ee uu ka hayay BBC-da.
Taasina waxa daliil u ah qoraal dheer
oo uu ku baahiyay bartiisa internetka isla markaasina lagu baahiyay mareegta
Somaliland laga leeyahay ee waaheen.com waxa uu qalinka u qaatay sidii caadada
u ahayd sidii aanu meelmar u noqon lahayn heshiiska taariikhiga ah ee ay wada
galeen labada dal ee Somaliland iyo Somalia ee la xiriira dhinaca hawadu. Sida
ka muuqata qoraalkiisa Yusuf Garad waxa uu iska idho qarinayaa in Somaliland
iyo Somalia ahaayeen labo dal oo midoobay, 1960, waxa uu ku eegayaa wadahadalada
u dhexeeya Somaliland iyo Somalia indhihii Kacaankii 21 Octoobar oo dalkii la
isku oran jiray Somalia u qaybiyay 18
gobol.
Yuusuf
Garaad qoraalkiisa isagoo ku dhererinaya dalka Somaliland gobolo ka mid ah
Somalia waxa qoraalkiisa uu ku oranayaa “Maxaad hawada Soomaaliya ugu
wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u
aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su’aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto
saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa
Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn
meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo,
waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.”
Somaliland
uma diidana umana diidi karto hadii gobolo ama maamul goboleedyo ka tirsan
dalka Somalia ay waydiisanayaan xukuumadooda Federaalka Somalia in ay siiso dhaqaalaha
ka soo baxa qaybta ay xukuumadoodu ka hesho dakhliga Hawada ee dalkii la isku
oran jiray Somalia iyo Somaliland.
Sida
shaydaanku dhiiga dadka u raaco ayuu Yusuf Garaad isku dayayaa in uu
qoraalkiisa afhayeen ugu noqdo bulshada Somaliland isagoo leh “Ergadii
Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u
sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si
dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku
soo doortaan.”
Markaad
u fiirsato guud ahaan qoraalka Yusuf Garad oo u muuqda nin uga aqoon badan
madaxda heshiiska kala saxeexatay iyo labada xukuumadood ee Somaliland iyo
Somalia mawduuca ku saabsan maamulida hawada Somalia ayaa waxa uu taxayaa su’aalo
badan oo uu sheegay in ay jawaabo u baahan yihiin, isku soo duuduuboo waxan
Yusuf Garad u sheegi lahaa in uu marka hore indho caafimaad qaba ku eego Wadahadalada
Somalia iyo Somaliland, in ay yihiin labo dal oo midoobay haatana midnimadii la
kala noqday oo is waydiinaya waar ma midnimadii ayaynu boodhka ka tuna mise
sideenii hore ayay inoogu badinayasaa oo labo dal oo Soomaaliyeed ayaynu
noqonaa, oo danihii dhaqan dhaqaale cir iyo dhulba maxaynu ka yeelaa iwm,
laakiin Yusuf ha ku eegin arintan indho xanuunsanaya oo Somalia ku eegaya
indhihii Kacaankii 21 kii Octobar ee burburiyay midnimadii labadii dal ee
Somalia kaasi oo oo Somalia u yaqaana in ay ka kooban tahay 18 kii gobol ee uu
Naargale Maxamed Siyaad Barre u qaybiyay.
Hoos ka akhri Waxa ay Cadawga
Somaliland ka Yiraahdeen Heshiiskii Hawada Somalia iyo Somalialnd ee Istanbul.
Dullimaadka hawada Soomaaliya
Inqaasta Yusuf-Garaad
Bishan July 9 keedii
ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo Soomaaliya iyo Somaliland ka
socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya,
in la isla maamulo iyo in Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo
bandhigayaa wixii laga soo maray in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan
weli ka dhimman, waxa la maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan
kara iyo weliba haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.
Waxay ahayd 2002 markii
Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha
Muqdisho isugu yeertay ee dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya”
hawada Soomaaliya laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay
in loo oggol yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta
hawada Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay
Muqdisho.
Sarkaalkii wey u suurta
gashay in uu dayaarad la hadlo, markii ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo
tashwiish fara badani ku dhex jiro, ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan
labadaba oo duuliyaha ku yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa
halkan kaa hagi doonna.
Codkaas ayaa soo af
jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG
ula wareegtay hawada Soomaaliya.
Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay
isku day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee
Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd gegida
dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku
hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara.
Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii ahaado.
Dowladdii Shiikh Shariif
ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in
uu soo ceshado maamulka hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg
jalaq u siin. Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in
ay maamusho, sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.
Ra’iisal Wasaare Maxamed
Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay
maamulka hawada dalka ay kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u sameeyeen UNDP iyo
Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama meelmarin.
Soomaaliya hadda waxaa
ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee
sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu
ku dhawaaqay warkan oo dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu
ay Muqdisho fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada
Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra’iisal Wasaare,
Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo
kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.
Hawada la wareejinayo
waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland
iyo hawada badda Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo
Carabta ayuu isku xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya
Muqdisho, Hargeysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya
ka tirsan. Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa
maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala
goosheysa Paris iyo RĂ©union. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El
AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo
rakaab siddaa ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.
Markii dowladda
Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa
furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso
dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay
in QM ay hawada “Somaliland” ku wareejineyso “Soomaaliya”.
Wadahadalkii Soomaaliya
iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada
la isla maamulo, lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Waxaa loo macneysan
karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo
heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.
Laakiin qaar kale ayaa
weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in
arrintani ay si uun ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay
u arkaan in shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli
doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada
Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.
Ergadii Somaliland ee
Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan
shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah
ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan.
Sidaa darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo
fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.
Ergada Muqdisho ka timid
iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.
Maxaad hawada Soomaaliya
ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u
aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto
saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa
Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo
waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga
siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.
Heshiiska weli waxaa ka
dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac?
Erayada (afgaradka) la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay
noqonayaan? Si kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?
Hawlgalku marka uu
billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo
baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg
ahna loo baahdo. Marka ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee
loo qeybsanayaa?
Dabcan Xafiisku wuxuu
ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in
la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa.
Laakiin tirada kooxda lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka
ama afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma
heshiin.
Haddii intaas oo dhan la
isku af garto, weli waxaa taagan su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay
dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay
maamusho hawadeeda. Biseylkeedii ma leennahay?
Waxaan maqlayaa in ay
dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin
taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga
Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi ay si
habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu
yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo
Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan
siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay
isku daydaa in ay faraha la gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah
ee dayaaradaha yaryar ku duulaya joogga
gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu ku hagi karo dayaaradda araggiisa
dhulka (VFR – Visual Flight Rules)?
Haddii intaas oo dhan la
isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya
iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay
noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in
ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama
deris wanaag mid uun la isku afgarto.
F.G.
Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen
in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda
Somaliland.

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in
ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama
deris wanaag mid uun la isku afgarto.
F.G.
Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen
in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda
Somaliland.
No comments:
Post a Comment