Wednesday, September 11, 2013

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan gaar ah yeeshay, kana wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin…



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Dr. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda ee dalkaasi madaxweynaha maamulka Puntland  C/raxmaan sheikh maxamuud faroole oo maalmihii tagay  ku sugnaa dalka Jabuuti.
Sida warku sheegayo Kulankaasi ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka dowladda jabuuti i iyo Puntland ka dhexeeya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay  wadashaqayn  la xiriirta  dhinaca amniga iyo ganacsiga,iyagoo si guud uga wadahadalay xaaladda gobolka iyo guud ahaan tan soomaaliya
Lama sheegin inay kawadahadleen khilaafka iyo kala argtiduwanaanta u dhaxeysa madaxda dowladda soomaaliya iyo maamulka puntland taas oo sii xoogeysatay kadib markii uu maamulka puntland xirrirka u jaray dowladda soomaaliya oo uu ku eedeyey inay wax badan ka badeshay sida uu yiri dastuurkii cusbaa ee soomaaliya loo sameeyey xilligii laga gudbayey KMG-nimada.
dhanka kale madaxweynaha puntland ayaa  isla shalay galab u duulay dalka imaaraadka carabta  halkaasi oo uu uga qeybgalayo Shirka La dagaalanka Burcad badeedka uu ka furmaya magaalada Dubai Sep. 11-12, 2013, waxaana shirkaasi ka soo qeybgali doona wafdiyo kala kala socda dowladda soomaaliya iyo maamulka Somaliland inkastoo aan la sheegin cidda shirkaasi uga qeybgaleysa  dhinaca dowladda soomaaliya, waxaan shirkaasi sidoo kale ka qeybgalaya wufuud calami ah oo ka kala socota caalamka.
shirkii kan kan  horeeyey ee looga hadlayey  la dagaallanka burcad badeeda  kana dhacay  dalka yeman ayaa waxaa muran xooggan uu ku dhexmaray wafdigii ka socday dowladda soomaaliya iyo wufuuddii ka kala socotay Somaliland iyo puntland kadib markii ay diideen inay dowladda soomaaliya khudbad ka jeediso shirkaasi iyagoo sheegay inaysan dowladdu ka wakiil aheyn iyaga taas oo keentay in la joojiyo khudbaddii uu halkaasi ka jeedinlahaa wafdigii dowladda Soomaaliya, lama oga in arrintu sidii oo kale noqondoonto iyo in xal loo heli doono.

No comments: