 |
Ra'iisalwasaarihii Liibiya ee la afduubay |
Ra'iisalwasaarihii Liibiya Cali
Seydaan ayaa saaka laga afduubay hudheel ku yaalla magaalada madaxda
Daraabulus amma Tripoli ee dalka Liibiya, waxana la sheegay inay
halkaasi ka kaxaysteen ra'iisalwasaaraha koox dabley ah oo hubaysani
saaka saacadihii hore.
Afduubkaasi waxa sheegtay koox ka mid ah kooxaha
hubaysan ee dalkaasi oo la baxday 'Cutubka la-dagaallanka denbiyada',
waxayna sheegeen inay fulinayeen amar ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud
ee dalkaas oo ahaa in la soo qabto ra'iisalwasaaraha. Hasse ahatee
wasiirka caddaaladda ee dalka Liibiya, Saalax al-Marqaani, iyo xeer
ilaaliyaha laftisa, labaduba waxay beeniyeen arrintani, waxayna sheegeen
in aanu jirin wax amar ah amma waaran ah oo ku saabsan xidhitaanka
ra'iisalwasaaraha.
Afduubkani
waxa uu ku soo beegmay iyada oo ay jirto cadho kooxaha Liibiya qaarkood
ay ka qaadeen xidhitaankii Maraykanku ay kula kaceen Sabtidii nin la
yidhaa Abu Anas al-Liibi oo la rumaysan yahay in uu ka mid yahay
hoggaamiyayaasha sarsare ee al-Qaacida, horena loogu haystey in uu ka
danbeeyey falal argagixisnnimo.
Dawladda dalkan Ingiriisku waxay si weyn u
cambaaraysay afduubkaasi ra'iisalwasaarihii Liibiya, waxayna ku baaqday
in si dhakhso ah loo sii daayo.
Cali Seydaan waxa uu dalkaasi ra'iisalwasaare ka ahaa muddo ilaa hal sano ah.
Dawladda Liibiya waxay sheegtay in ilaa hadda
aan la ogeyn meesha lala aadey ee lagu hayo, waxayna shir degdeg ah
iskugu yeedhay golaha wasiirada, si arrintani looga hadlo, loogana talo
bixiyo.
7 comments:
Magnificent beat ! I wish to apprentice while you amend your website, how can i subscribe for a
blog web site? The account helped me a acceptable deal.
I had been a little bit acquainted of this your broadcast offered bright clear concept
hi!,I like your writing very much! proportion we keep
up a correspondence extra about your article on AOL? I need a specialist on this space to
solve my problem. May be that's you! Having a look ahead to look you.
excellent issues altogether, you just won a logo
new reader. What could you suggest about your put up that you made
a few days ago? Any sure?
Great article. I'm facing many of these issues as well..
Just desire to say your article is as astonishing. The clarity in your post is simply great and i could assume you're an expert on this subject.
Fine with your permission let me to grab your feed to
keep up to date with forthcoming post. Thanks a
million and please continue the gratifying work.
Wow, amazing blog layout! How long have you been blogging for?
you made blogging look easy. The overall look of your site is great, as well as the content!
I was suggested this website by my cousin. I am not sure whether this post is written by him as no one else know such
detailed about my difficulty. You're incredible!
Thanks!
Post a Comment