Wednesday, September 11, 2013

Bankiga Barcalys oo muddo kordhin u sameeyay Xawaaladaha Soomaalida, sheegayna…




Bangiga Barclay’s ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay inuu mudo Sedax Todobaad ah ugu daray xiliga ay sii shaqeynayaan Xawaaladaha Soomaalida ee wada shaqeynta kala dhaxeysay, iyadoo maanta oo Talaado ah  ay aheyd mudada ay ku ekeyd xilliga uu xeri lahaa xisaabaadka Xawaaladaha gacan saarka la lahaa.
Afhayeenka Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Ingiriiska Cumar Cabdinuur oo lagu naaneeso Nabadoon ayaa Idaacadda BBC u sheegay in Bankiga Barcalys uu mudadii ay sii shaqeynayeen u kordhiyay, ilaa Sedax Todobobaad oo kale, Cumar Nabadoon ayaa sheegay in 30-ka bisha September la xiraayo xisaabaadka Xawaaladaha Soomaalida, taasoo weli welwelkeeda uu meesheeda sii joogo maadaama mudo 3 todobaad kaliya ay sii shaqeynayaan.
Soomaalida ku nool Ingiriiska ee eheladooda u diraya lacagaha ayaa ka welwelsan xaalada ay ku noolaan karaan reerahooda ku nool gudaha dalka ee lacagaha u dira, haddii la xiro bankiga Barcalys, shaqsiyaad caan ah iyo Hay’addaha Soomaalida dalka UK ee u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ayaa ka cabanaya go’aanka Bankiga Barcalys uu ku doonayo inuu ku joojiyo xisaabaadka shirkaddaha Xawaaladaha.
Shirkaddaha wada shaqeynta kala dhaxeysa Bankiga Barcalys ee sii shaqeynaya mudada Sedaxda Todobaad ayaa waxaa ka mid ah Dahabshiil, Mustaqbal iyo Tawakal oo horay ugu sharciyeysnaa bankiga.

No comments: