Tuesday, September 10, 2013

Somalia: Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somalia oo nin gaari dameerle ah u dilay 10-kun Sh. Soomaali



Muqdisho - Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa rasaas ku dilay mid ka mid ah Ragga xoogsatada ah ee ku shaqeysta Gaari Dameerada ka howlgala degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, dilka marxuumkaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii Askariga dilka u geystay uu ku amray in uu bixiyo 10 Kun Sh. Somali oo u dhiganta in ka yar Nus Dollar, hase ahaatee Gaari Dameerlaha oo xiligaasi waday alaab uu ku andacooday in ganacsadaha uu alaabta u waday weli lacagta xamaalka bixin balse marka uu ka qaato dhididkiisa uu bixin doono 10-ka Kun ee canshuurta ,waxaana la sheegay in
Hadalkaasi uu  ku socon waayey  Askariga canshuur qaadaha ahaa, wuxuuna si kedis ah ugu boobay rasaas ka dhaceysay qoriga uu watay, halkaasina uu ku ruux baxay gaari dameerlihii xoogsatada ahaa ee kasoo tegay qoyskiisa oo baahan .
Askariga gacan ku dhiiglaha ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamo soo gaaray ay ku guul dareysteen iney soo qabtaan, ehelada marxuumka xoogsatada ahaa ayaa si murugo leh ugu hadlay dilka wiilkooda, iyagoo sheegay iney tahay wax laga naxo in wiilkii usoo shaqo tegay in loo soo sheego meydkiisa, hadana uu toogtay Askari ka tirsan dowladda oo canshuur uusan diidin inuu bixiyo loo dilo, wuxuuna falkan naxdinta leh qeyb ka ah anshax xumida iyo aamin darada ayaa lagu eedeeyaa qaar kamid askarta dowladda soomaaliya inay markasta falal noocan oo kale ah geystaan.

No comments: