Tuesday, September 10, 2013

Somalia: Dembi dagaal ayey galeen qaar ka mid ah wasiirada dowladda iyo Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka



Axmed Sheekh Jaamac 
Wasiirka Warfaafinta Puntland
 
Garoowe - Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho uu ku soo dhamaaday shirkii wadatashiga aayaha Soomaaliya loogu magacdaray ee ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka uuna ka maqnaa maamulka Puntland ayaa waxaa shirkaasi qodobadii ka soo baxay si weyn uga horyimid maamulkaasi.

Wasiirka wasaarada warfaafinta ee Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu dhaliil dusha uga tuuray Madaxweynihii hore ee Puntland Jaamac Cali Jaamac isagoo tilmaamay inuu ku khaldan yahay ka qayb galkii uu ka qayb galay shirkii muqdisho ka dhacay, Puntland waxay ku dhaliishay Jaamac Cali Jaamac inuu miis la fariistay dad ay Puntland ku sheegtay inay iibsadeen badda Soomaaliya, isla markaasna bililiqeystay hantidii ummadda ka dhaxeysay, wuxuuna intaasi ku daray in kaqeybgalka shirkaasi ee Jaamaca Cali Jaamac ay aad uga xunyihiin sida uu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiir Axmed Sheekh Jaamac oo saxaafadda la haday ayaa sheegay in Puntland ka xuntahay in Jaamac Cali Jaamac ka qeybgalo shirweynihii geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Cidina kama fileyn laguma farxayo in Jaamac Cali Jaamac isagoo miisaankaas leh oo Soomaalida oo dhan u heyso inuu soo horfariisto kuwii boobay agabkii muuseum-ka qaranka oo u ka dhageysto khudbad ah qorsha aayaha Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka oo sidoo kale sheegay in Puntland ay xuntahay in Madaxweynihii hore ee Puntland Jaamac uu afhayeen u noday kuwii shirka ku sugnaa, isla markaasna isa soo taago meel fagaare ah.

Axmad Sheekh Jaamac ayaa dowladda Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay dadka hogaaminaya inay yihiin kuwii hantida dowlada u beec geeyay dibadda, isla markaasina ku gorgortamay iibinta biyaha Soomaaliya, wuxuna sheegay masuuliyiintaasi inaysan u qalmin kuwo dalka hogaamin kara dalka sida uu yiri, sidoo kale wasiirku wuxuu sharaxaad ka bixiyey sida ay Puntland u aragto qodobadii ka soo baxay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in wax mas’uuliyad ah oo Puntland ka saaran qodobnada shirkaasi aysan jirin.ayna kasoo horjeeda gabi ahaan wixii ka soo baxay.

Dhinaca kale wasiir dowlaha dekadaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeeda ee maamulka Puntland C/shakuur Mire Aadan ayaa sheegay inay dembi dagaal  galeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay horistaageen waxbarasho ay heli lahaayeen caruurta Puntland, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Dembi dagaal ayey galeen wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo horistaagay illaa 400-arday reer Puntland oo waxbarasho ka helay dalka Sudaan, marka kuwaasi dembigoodu muxuu noqon karaa ayuu isweydiiyey wasiirka oo dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso dadka reer Puntland.

No comments: