Wednesday, September 11, 2013

Somalia: Puntland oo digniin cusub u jeedisay dowladda Soomaaliya sheegtayna inay tallaabo horleh qaadi doonto haddii…



Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Maamulka Puntland Maxamad Faarax Ciise Gaashaan ayaa shalay  sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay is-daba marin loo jeedo ku samaysay dastuurkii horay loogu heshiiyay.wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin habka qaldan ee ay dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud uga tilaabsatay qodobadii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen taasoo oo ay ugu horayso dastuurka iyo nidaamka federaalka sida uu yiti.
Wasiirku waxa uu si gaar ah u eedeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii hore  Dastuurka oo uu sheegay inuu  isagu wax ka badalay Dastuurka dalka islamarkaasina looga baahan yahay inuu cadeeyo sababta ku kaliftay inuu arrintaasi ku dhaqaaqo sida uu yiri, “’Aniga waxa uu igu yiri wasiirkii Dastuurka Xoosh oo aan Xamar ku arkay bishii afaraad dastuurka waxba lagama qaldin waxaa wax ka badalay Odayashii  dhaqanka ee ka koobnaa  135 iyo ergooyinkii  iyana  gaarayay 820-ka waan kala doodnay arrintaasi mana ahayn wax sax ah waana arrin qaldan Odayaashaasina waxaa lagu yiri dastuurka duuduub ku ogalaada ama ku diida” ayuu yiri Gaashaan.
“’Buugga yar ee gaaban ee la keenay hadda oo ah mid qaldan Xoosh baa saxiixay tiinbaro-yar buu ku dhajiyay,faraali gilgilasho kaagama harto isagay dul wareegaysaa cida la badashay ha sheego ama ku amartay laakiin qiyaamo qaran oo la sameeyay weeye Puntland taasay haysataa sharcigii lagu kala socon lahaa ilaa la keenana dee meesha waxaa taala maxaa lagu kala soconayaa waa ma jirto” ayuu yiri wasiir gaashaan
Gaashaan oo sii hadlaya waxa uu yiri ‘”Nasiib wanaag maalintii Xamar nalaka cayrsaday oo kale ma nihin maanta dalbaa lee nahay wadankaan qaar ka deggan nahay mamul baan lee nahay khayraad iyo barwaaqaan haysanaa Soomaalinamadaan  wax ka dhisaynay haddaan loo baahnayn  oo aan la rabin kaliyaga uma dhutinayno waa run wayee dastuurku Puntlanda waxbuu noo sheegayaa haddii hadhowdii rabashka la joojin waaya go,aan kale ayaan qaadaneynaa, marka dowladda dowladda federaalka ah  iyo madaxwaynaheedu iyagoo mahadsanad hanaga soo garbaxeen qalad baa nagala galay umadda Soomaaliyeedna laga galay’”.
Puntland ayaa marar badan sheegtay in dastuurka la isdaba mariyay, iyadoo dowladda soomaaliya ay iyana sheegtay inaysan jirin dastuur wax laga bedelay oo dastuurka dalka u yaallana uu yhay mid ay u hayaan sidii loogu wareejiyey iyaga ,sidoo kale xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna qoraalkan lagu eedeeyey ayaa isna horey u sheegay inaysan jirin wax laga bedelay dastuurka u yaalla dowladda soomaaliya.

No comments: