Wararka aan caawa ka heleyno Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug
ayaa sheegaya in galabta Degmadaasi ay la wareegeen Ciidamo ajaaniib ah
oo loo badinayo in ay yihiin Mareykan.
Isgaarsiinta Degmada Hobyo ayaa gabi ahaan hawada laga saaray , waxaana la tilmaamay in Ciidamada Mareykanka ay howl galo aan la ogeyn iminka ay kawadaan Degmada Hobyo iyadoona aad u adag tahay in faah faahin dheeraad ah laga helo Degmada Hobyo maadaama Ciidamada ajaaniibta ah ay isgaarsiinta hawada kasaareen.
Ma ahan markii ugu horeesay ay Howlgalo kasameeyaan Ciidamada Mareykanka deegaano kuyaala Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Hobyo waxaana sanad kahor ,Mareykanka howl gal ay halkaasi kasameeyeen ku furteen dad la heesatayaal ah iyagoona dilay tiro Burcad badeed Soomaali ah.
No comments:
Post a Comment