This is where you can follow the important socio-economic, geopolitical and security developments, going inside the Republic of Somaliland and Horn of Africa region
Search This Blog
Wednesday, September 4, 2013
WAR DEG DEG AH Al-Shabaab oo shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dirqi uga baxsaday ayna gubeen gaadiid galbineysay
Xarakada Al-Shabaab ayaa barahooda Internetka waxaa lasoo dhigay war ku aadan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kolonyo waardiyeeneesay ay jidka u galeen ayna gubeen gawaari dagaal oo Madaxweynaha waardiyo u ahaa.
Weerarka Al-Shabaab sheegeen in ay qaadeen ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Buufow waxaana lala eegtay gawaari dagaal oo galbineysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xili uu kusii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Shabaab waxa ay sheegeen in Madaxweynaha uu weerarka ka badbaaday balse ay gubeen gaadiid Dagaal oo lasocday , waxa ayna siodoo kale xuseen in ay jiraan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Ciidamadii lasocday Madaxweynaha.
Dowlada dhankooda wax war ah kama soo saarin Weerarkan Shabaab sheegeen in ay saakay ku qaadeen kolonyadii uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya oo xiligan kusugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Source: allcarmo.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment