Tuesday, September 3, 2013

Somalia: Xukuumada Federaalka Somalia iyo Bangiga Islaamka oo Heshiis kala saxiixday


Jeddah - Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ku sugan magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta waxaa ay Af-garad Buuxa (MOU) iyo Heshiis rasmi ahba (Agreement) ay la gaareen Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jeddah ee boqortooyadda dalka Sucuudiga.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u saxiixay Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Islaamka.

Heshiiska Af-garad Buuxa (MOU) ee labadda dhinac ay kala saxiixdeen ayaa socon doonaa ilaa 2020, waxaana heshiiskani dhigayaa qodobada hoos ku qoran.

Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo kaabayaasha dalka

Wax soo saarka kala duwan ee dalka

3- Daymaha bislaaday oo dib loo eego

4-Soo noolaynta mashaariicdii hore ee bankiga islaamka uu ka fulin jiray dalka Soomaaliya

5- Tayaynta howl-qabadka Hay’adaha Dawladda

Sidoo kale heshiiskani waxaa qabyb ka ah in Bankiga islaamku uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmadda ee Dawladaha Islaamku ay ugu tala galeen Soomaaliya, fududaynta heshiisyadda iyo adeegyadda daymaha.

Heshiiska Heshiiska dhabta ah ee dhanka kale maanta xukuumaddu ay la saxiixatay Bankiga Islaamka waa $ 35 Miliyan oo Doolar oo lagu fulin doono mashriic dag dag ah oo ay kamid yihiin Biyaha , Waxbarashada iyo horumarinta deegaanaddii ay abaaruhu ku dhufteen oo xilli kooban la bilaabi doono.

“Waxaan uga mahad-naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya uu ka fulinayo iyo iskaashiga joogtada noqon doona ee maanta aan isku af-garannay kadib muddo dheer oo Bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd.” Ayuu yiri Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Gudoomiyaha Bankiga Islaamka Dr. Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Qasriga Martida ee Boqortooyadda ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga islaamku uu yahay mid soo jireen ah , dibn loo fasaxyo kaalmooyinka maadaama Soomaaliya ay kusoo noqotay xasilooni 22 sano kadib , waxaana uu balan qaaday gudoomiyuhu in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee horumarineed.

Source: midnimo.com

No comments: