Thursday, August 15, 2013

War Deg Deg Ah: Mohamed ElBaradei Oo Iska Casilay Madaxweyne Ku Xigeenimadii Dalka Masar

Maxamed Baradici ayaa sheegay in aanu qaadi karayn masuuliyada danbi aan laga talo galin iyo qorshe aanu ogolayn, waxaanu tilmaamay in ay jiraan habab nabad galyo oo lagu xalin karo dhibaatada ka jirta dalka Masar, ka hor intaan quwad ama xoog loo adeegsan.

Qaahira (AFP) - Sida Wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), ku warantay Maxamed Al Baraadici oo dhawaan loo magacaabay, Madaxweyne ku xigeenka ku meel gaadhka ah ee dalka Masar ayaa xilkii iska casilay kana hadlay sababta keentay istiqaaladiisa.

Maxamed Baradici ayaa sheegay in aanu qaadi karayn masuuliyada danbi aan laga talo galin iyo qorshe aanu ogolayn, waxaanu tilmaamay in ay jiraan habab nabad galyo oo lagu xalin karo dhibaatada ka jirta dalka Masar, ka hor intaan quwad ama xoog loo adeegsan.

Maxamed Baradici oo tan iyo intii uu dib ugu noqday dalkiisa kuna biiray siyaasada laga dareemayay siyaasad wajiyo badan, ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada ka dhacday dalka Masar gaar gahaan rabshadaha ka dhex qarxay taageerayaasha Murzi iyo ciidamada ammaanka ee dalkaas, kuwaas oo dhiig badani ku daatay.

Al Baraadici Ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin talaabooyinka danbe ee uu qaadayo iyo sababta uu hore uga hadli waayay, dhibaatada ka dhalan karta xoog loo isticmaalo dibad baxayaashii Murzi taageersanaa, waxaanay dad badani ku tilmaameen is casilaadiisa mid uu kaga baxsanayo masuuliyadii uu talaabadan ku lahaa.

No comments: