Tuesday, July 23, 2013

BRITISH SOMALILAND COUNCIL IYO XAWAALADAHA SOMAALIDA OO KA SHIRAY GO’AANAKA BARCLAYS BANK UK.







Dhawaan waxaa galbeedka magaalada London ka dhacay shir aad loo soo agaasimay oo ay ku kulmeen masuuliyiinta sarsare ee Midowga Bulshada Somaliland ee Ingiriiska ah (British Somaliland Council ‘BSC’) iyo xubno ka socda 24 xawaaladood.

Ugu horayntii waxaa madashaa hadal warbixin ah ka soo jeediyey isu-duwaha guud ee Ololaha Ka Hor Taga Joojinta Xawaaldaha Mudane, Abokor Tuundhe kana tirsan masuuliyiinta Xawaalada Dahabshiil Group, oo aad uugu dheeraaday muhiimada ay  xawaaladuhu u leeyihiin  guud ahaan qoomiyada Somalida meel kasta oo ay joogaan, inay tahay laf-dhabarta  guud ee noloshu ku xidhatahay, sidaas darteed aynu u baahanahay in aynu isu keeno cod midaysan oo aynu arrinkan kaga soo hor jeedno, dhawaana aynu abaabulayno mudaarahaad aad u balaadhan oo aynu ku hor samayn doono Xarunta bangiga Barclays oo ku yaala  Canary Wharf East London. 

Isagoo hadalkiisa sii wata Mud. Abokor waxa uu intaa raaciyay “waxaynu u baahanahay in aynu u muujino sida ay u saamaynaso nolosha walaaleheena biilasha aynu u dirno, ee anay meel kale waxba ka soo galin, Abokor wuxuu inaas ku daray in aanay ahayn markii uugu horeysay balse ay hore uuga dhacday Minneapolis Minnesota, (USA), oo bulshadii Somalidu  la yimaadeen dedaal ay ku muujinayaan dareenkooda sida ay uuga xun yihiin, arrinkiina way ku guuleesyteen, markaa inagoo tusaalahaasi ka duulayna waxaynu ololahan uugu horeyn xooga saaraynaa tirada codka ( PETITION ) la inaga rabo 10,000 ( toban kun ) oo cod la saxeexo wakhti yar oo bil ahna la inoo qabtay kuna eeg qiyaastii 10/08/2013”.

Waxaa ka dib hadlkii qaatay Musuul kale oo magaciisu yahay Mudane, Cabdirashiid Hirad oo isna ku baraarujiyey dhamaan in ay somaalidu qof waliba uu ka dhaadhiciyo ama arko  MP-ga xaafada uu degenyahay si ay qadiyadeena inoogu adkeyso.

Guntii iyo gabagabadii waxaa iyaguna aad u sii lafa guray Masuuliyiintii British Somaliland Council (bsc ) oo talooyin fiican oo wax ku ool ah madasha ka soo jeediyey,sida uugu fiican ee looga gudbi karo caqabadan inala soo deristay, isla markaana ay balan qaadeen in ay ololahan ( Petition )-kan iyagu ay fuliyaan laga bilaabo beritoolena ay si buuxda uugala shaqaynayaan, albaab kastana ay garaacayaan,wuxuu kulankiina ku dhamaaday jawi aad u qurux badan, laysugu  mahad naqay kawada shaqaynta arrinkan iyo mid mustaqbalba, dallada BSC-na ay qadatay fulinta ololahan.

No comments: