Search This Blog

Sunday, July 21, 2013

In ka Badan 600 oo Maleeshiyadii Khaatumo oo Wata Hub Culus iyo Hogaamiyo Dhaqameedyo Magac leh oo ku Soo Biiray Ciidanka Xukuumadda Somaliland


Weftigii Xukuumadda ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta degmadda Fuqifuliye ee gobolka Sanaag oo 80km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaaladda Ceerigaabo ku soo dhaweeyay in ka badan lix Boqol oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ah ee Khaatumo, kuwaasi oo wada hadal dheer ka dib maanta si rasmi ah ugu soo biiray ciidanka qaranka. Waxaanay wateen 13 Gaadiidka Tiknikadda ah.

Maleeshiyadan laxaadka leh ayaa iskugu jirta kuwo la qarameeyay iyo sida la sheegay kuwo la nabadeeyay.

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo sida uu tilmaamay ay ka dhalatay is faham buuxa.

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan midho dhashay.


Horjoogihii ama Taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. Waxa uu carabaabay in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay madashaasi ayaa bogaadiyay maleeshiyadan oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata kooxaha nabad diidka ah, waxaanu tilmaamay in arrintani ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.




Sidoo kalen waxa kulankaasi ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle.





Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maleeshiyadii maanta lagu qarrameeyay deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag ku ammaanay inay garteen in aan xoog waxba lagu baadi doonin ee xalku shaqeeyo.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad xiise iyo xamaasad waddaniyeed gelisay quluubtii bulshadda ku dhaqan degmadda Fiqifuliye iyo maleeshiyaddii la qarrameynayayba.

Wasiir Xirsi waxa uu ugu horayn u mahad celiyay ciidankan ku soo biiray ciidammadda qaran iyo dhinacyadii ka qeyb qaatay ka midho dhalinta waan-waan muddo u soo socotay madax dhaqameedka beesha degmaddaasi iyo xukuumadda Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidammadda, Garaadada iyo cuqaasha halkan fadhida waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka waxaanan leeyahay Asalaamu Calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Salaan ka dib waxaan ku faraxsan nahay kulankeenan nabadeed ee deegaanka Fiqi-fuliye laga sameynayo ee Ciidammadda la qarramaynayo. Intii ka shaqaysay ee nagala qeyb qaatayna waanu u mahad naqaynaa. Arrintan aynu maanta u fadhino wakhti badan baa loo huray, tacab badan baa la geliyay.”


“Wada hadladii socday maanta haddii ay rumowday aad iyo aad ayaan garaadka iyo ragga kale ee ka shaqeeyay-ba uga mahad celinaynaa. ILAAHAY-na waxaanu uga rajaynaynaa inuu khayr iyo ajar ka siiyo wanaaga ay ka shaqeeyeen,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidammadda halkan fadhiya waxaan leeyahay maanta wixii laga bilaabo waxaad ka mid tihiin ciidammadda qaranka. Waxaad xaq u leedihiin wax kasta oo ciidanka qaranku xaq u leeyahay haddii ay darajo tahay iyo haddii ay mushahar tahay-ba, haddii ay dalacsiin, muumuus iyo marwaad tahay-ba.”

“Walaaleyaal aad iyo aad ayaanu idiinku bogaadinaynaa haddii ay oday tahay iyo haddii ay askari tahay-ba inaad nala garateen in xabadda iyo xoogu aanu xal ahayn, inaydaan xoog ku baadi doonin, annaguna( xukuumadda) aanaan xoog ku doonin oo aynu garateen inaad duudsigu waxba tarin, in cududu aanay shaqayn ee caqligu shaqeeyo. Annaguna taas ayaanu ku shaqaynaynaa in caqligu shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.



Wasiirku waxa uu intaasi ku kabay “Waxa loo baahan yahay inaynu danteenna wada garano. Waxaan jecelahay inaan xuso marka aanu Hargeysa joogno ka sokow darajadan imika la bixinayo darajadda ugu weynayd ee aanu bixin jirnay waxay ahayd “MUJAAHID”, markaa dee Mujaahidiin ayaad tihiin. Walaaleyaal waxay wax ku qabsoomaan wada jirka, waxba ma tarto cunfiga iyo colaaddu.”
Wasiirka oo waxa uu intaas ku daray “Waxaanu aad iyo aad idiinku soo dhawaynayaa dalkiinii iyo dadkiinii. Waxaanu diyaar idiinla nahay qalbi furan iyo wax wada qabsi. Wixii horumar ah ee deegaankani u baahan yahay awoodu inkasta ha gaadho ee waxaanu diyaar idiinla nahay inay qeybtooda ka helaan.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay goboladda bari u qorshaysay nabadeyn iyo horumarin sal balaadhan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa madaxweynuhu khudbadiisii Goleyaasha uu ku saleeyay oo dhab naga ahayd oo muuqan doonta inuu deegaankan ugu tallo galay horumarin, haddii ay tahay Sanaag bari, Sool iyo Buuhoodleba, qorsheyaashaasi oo loogu tallo galay in lagu horumariyo caafimaadka, biyaha, waxbarashadda iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda ee daruuriga ah.”


No comments: