Search This Blog

Sunday, July 21, 2013

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibeda Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Caalamiga ah ee Caasimada Hargeysa (Egal International Airport)

 
Mud. Maxamed Biixi oo ka soo degaya diyaaradii siday
Hargeysa - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa goor dhaweyda soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, iyada oo ay siday  diyaarad khaas ah.

Abaara tobankii iyo badhkii subaxnimo ayay soo cagadhigatay diyaaradda siday madaarka waxa si diiran ugu soo dhaweeyay kumanaan qof oo isugu jira Wasiiradda Xukuumadda ee uu ka tirsan yahay, Labada Gole ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada, Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda iyo dadweyne aad u farabadnaa oo sitay boodhadh uu ku xardhanaa Sawirka Wasiir Maxamed Biixi iyo Eroyo soo dhawayn ahi.

Maxamed Biixi Yoonis markii uu ka soo dagay diyaaradii siday waxa uu mid mid u salaamay Masuuliyiintii iyo Dadweynihii soo dhaweeyay oo Diyaaradda hoosteeda iyo barxada madaarka Saf saf u taagnaa iyadoo dhawaaqyo kala duwan oo soo dhaweyn ah ay ku baaqayeen.

Salaantii dadweynaha kadib Wasaiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu dadweynaha soo dhaweeyay kala hadlay barxada hore ee Madaarka maadaama aanay VIP-du qaadayn dadka goobta ku sugnaa iyo Warbaahinta oo saaka aan u kala hadhin isla markaana si xoogan u danaynaysay hadalkiisa.

Wasiirka Arimaha Debada Somaliland Oo Maanta Dalka Yimid Soo Dhawayn Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa u mahad celiyey xubnaha xukuumada ah ee soo dhaweeyey iyo guud ahaan shacbi weynaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha.



Waxaanu sheegay inuu wadanka u yimid sidii uu ugu shaqayn lahaa waxaanu yidhi, waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Mohamoud, xukuumadiisa, golaha baarlamaanka, salaadiinta iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Waxanan ILAAHAY ka baryayaa hawshaa culus ee la igmaday in ILAAHAY ii fududeeyo, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inaad igu gacan qabataan, waa hawl culus  oo umada u taala, waana inaynu ka midaysnaanaa arimaha Qaranka, arimaha ictiraafka iyo arimaha gooni isu taaga mucaarid iyo muxaafidba.

Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey.

"Waxaan ahaa Secratery General waxaana ii magacaabay Xoghaya Qaramada Midoobay Banki Moon waxaanan ka shaqaynayey UN-ka laakiin Madaxweynuhu waxaan u sheegay inaan wadankayga imanayo oo aan u shaqaynayo oo aan ka tago shaqadaydii aan ka hayey Qaramada Midoobay diyaar-na aan u ahay inaan hawshan la ii igmaday qabto". Ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Mud. Maxamed Biixi Yoonis.
 Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa safarkiisa ku wehelinayay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay isla markaana ah madaxa Daarfuur kaasoo u soo galbiyay wasiirka Caasimadda, sidoo kale waxa la socday saraakiil kale oo ka tirsan UN-ka kuwaasoo ka soo kicitimay Daarfuur, waxaanay soo dhaweynta kadib dib ugu laaban doonaan Diyaaradda khaaska ah ee siday Mud. Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiiradda Xuukuumadda ayaa kulang gaar ah ku qaabilay wasiir Maxamed Biixi Yoonis qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa halkaas oo ay si farxadi ku dheehantahay ugu soo dhaweeyeen, waxaana adkaatay in qolka Nasashada dadweynuhu galaan, maadaama masuuliyiinta iyo dadweyanuhu ay ka tan bateen madaarka oo ahaa saaka mid aad u camirnaa.

Gaadiid farabadan ayaa u galbiyay Mud. Maxamed Biixi Yoonis dhinaca magaaladda, waxaana la filayaa in uu si toos ah u qaabili doono Qasriga Madaxtooyadda halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhawaan xilkan u magacaabay, maadaama oo ay tahay markii ugu horaysay ee uu Dalka yimaado tan iyo intii la magacaabay.
Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn isaga xil-qaantay soo dhaweynta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, waxaana madaarka ku soo xaadiray goor hore inta aanay diyaaradu soo caga dhigan wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla toosiye, Wasiirka Beeraha Farax Cilmi Geedoole, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayeen xildhibaanada Golahaasi ayaa iyaha safafka dhaadheer ee soo dhaweynta Wasiirka ka muuqday. Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaran ayaa iyana goob joog ahaa gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Feysal cali Waraabe.

Sidoo kale Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa oo aan u kala hadhin ayaa iyana ka mid ahaa Masuuliyiinta soo dhaweynta Wasiirka ka qayb qaatay.

Guddida Qaban qaabada oo uu hogaaminayay Muniir Abu-site ayaa iyana kaalin muhiim ah ka qaatay soo dhaweynta Wasiirka waxaanay ata iyo maalintii la magacaabay ku mashquulsanaayeen sidii ay soo dhaweyntu ugu qabsoomi lahayd si heer-sare ah, waxaanu dedaalkoodu ka muuqday madaarka Hargeysa oo manta si balaadhan loogu soo diyaar garoobay isagoo nidaamkuna qorshaysnaa.






 Source: waaheen iyo hadhwanaagnews

No comments: