Puntlandnews24 Editorial:
Waxaa maalintii Talaadada ee shalay Garowe gaaray wafdi
balaaran oo ka kala socda Wadamada maalgeliya Qorshaha Dimuquraadiyeynta ee
Puntland laga wado.
Wafdigan ayaa waxaa kamid ahaa madaxa Xafiiska Midowga
Yurub ee qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo ay wehliyaan ergo ka
kala socota dalalka Denmark, Switzerland, Norway, Sweden iyo hay’adaha DFID iyo
USAID, guddigan oo la isku yiraaho [The Democratization Programme Steering
Committee (DSC)].
Wafdigan balaaran ayaa markii ay soo gaareen magaalada
Garowe waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,
kulan kaasi kama aysan qeyb gelin Golaha Wasiirada ama xubnaha kale oo ka
tirsan Xukuumada, marka laga reebo wiil uu dhalay madaxweynaha oo lagu
magacaabo Cusmaan Faroole, oo isagu howlaha aabihiis ka wado madaxtooyada qeyb
ka ah xilna ka haya madaxtooyada.
Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in
wasiiradii iyo madaxdii kale ee xukuumada Puntland aysan goob joog uga ahayn
kulamadan cul-culus balse mid ka mida dadka ka faalooda arrimaha siyaasada oo
aan dooneyn in la magacaabo ayaa Puntlandnews 24 u sheegay in wasiirada
Puntland aysan Faroole u lahayn ahmiyad iyo qadarin macne leh, wuxuuna u arkaa
inay yihiin dad uu isagu wax ka dhigay oo isaga u shaqeeya, wasiirada aad
sheegeysaan maalin walba ayaa la dharbaaxaa, lagu bahdilaa aqalka madaxtooyada
iyagoo loogu hanjabo anaga ayaa wax idinka dhignay ee ma cid ayaa idin rabtay.
Waxaa kaloo jirta in safiirada reer Yurub ee
todobaadyadii u dambeeyey ku soo noq-noqnayey Garoowe aysan la dhacsanayn geedi
socodka dimoqraadiyada laga hadal hayo Puntland, iyadoo ay horay u jirtay in
mucaaradka Puntland ay ashtakooyin gaarsiiyeen xafiisyada maal geliya howlaha
dimoqraadiyeynta iyo xisbiyada ee ka socda Puntland.
Political
corruption is the abuse of public power, office, or resources by elected
government officials for personal or family gain.
Cusmaan C/raxmaan Faroole
oo maalmahan aabihiis kala qeyb galayey kulamada wufuuda Garoowe imanaysa xili
wasiiradii Puntland Garoowe dhooban yihiin, wuxuu bishii December ee kal hore
magaalada Boosaso gacanta ula tagay wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali
Shire kadib markii ay ku murmeen qeybsashada saamiga dhaqaale gaarayey dhowr
malyan oo dollar oo uu lahaa madaarka magaalada Boosaso.
Qoyska madaxweynaha Puntland ee sida joogtada ah ugu lug
leh go’aamada iyo howlaha dowlada Puntland waxay kala yihiin Maxamed C/raxmaan Faroole oo haatan
isku darsaday xilkii la taliyaha saxaafada madaxweynaha, iyo abaanduulaha
ciidamada Bada Puntland iyo xilka agaasimaha shirkada shisheeye ee Saracen. Maxamed wuxuu kaloo amarada
iyo socodsiinta howlaha maamulka kaga amar iyo gacan sareeyaa C/samad Cali
Shire Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo aan saamayn macne leh ku dhex lahayn
xukuumada maamul goboleedka Puntland.
Maxamed C/raxmaan Faroole
oo da’diisu tahay 49 jir wuxuu marka
laga tago dhanka awooda iyo maamulka ka sokow tabcaday dhaqaale lixaad
leh oo uu geliyey ganacsi isugu jira shirkado shisheeye, hanti muuqata oo uu ka
samaystay gudaha iyo caalamkaba.
Corruption –
misusing public office for personal gain, for example, by accepting bribes or
by charging personal expenditure to a public expenses account.
Khadar C/raxmaan Faroole
oo isaguna kamida caruurta fir-fircoon ee madaxweynaha wuxuu isku heystaa
dhowr xil oo ka culus wasaarado badan, kan ugu hilan culusna waa agaasinka
macdanta, batroolka iyo maalgashiga Puntland, Khadar wuxuu kaloo xukuumada
Puntland u metelaa shirarka caalamiga ah.
Madaxweyne Faroole waa madaxweynihii ugu horeeyey ee soo
mara Puntland oo ugu yaraan 3 kamida caruurtiisa aya xillal aan lagula
xisaabtamin loona dhaarin ay ka hayaan dalka, xillalka iyo shaqooyinka ay
qabtaan oo u baahnaan lahaa in lagu dhaariyo amaanada aabahood u dhiibtay
maadaama ay yihiin jagooyin culus oo ka miisaan badan wasiirada Puntlnad oo
qaarkood shaqooyinkooda ayba marooqsadeen qoyska madaxweyne Faroole.
Nasiib darrada ugu weyn ee Puntland aan looga rajo qabin
inay horay u talaabsato ayaa ah iyadoo aysan jirin haba yaraatee wax is
xisaabiya [accountability] ama eega [track record] haday noqon lahayd shacabka dulman ee iska
aamusan ama haday noqon lahayd hanti dhowrkii dalka oo aan howl gelin, haatana
kamid noqday xisbiga madaxweynaha ee Horseed Party.
source: Puntland News-24