Wednesday, January 23, 2013

Maxaad Kataqanaa 10-ka Xayawaan ee Janada Galaya? (Akhriso Faah faahintooda)


Akhirtayaasha sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 ka xayawaan ee janada galaya sida ay diiinta islaamku inoo sheegtay.

Diinta islaamka waa diin qaali ah wana diin guda wayn wana tiin anan katagin waxii lasoo dhafay iyo waxa hada taagaan iyo waxsa soo socda toona waxa uuna Ilahay SWC ku cadeeyay kitaabka qur’aanka Kariimka ah ayada kujirta suuratul-ancaam aayada 38 aad ee safxada 5 aad taas oo ilahay ku cadeeyay in uusan kitaabka qur’aanka ah aduunka kaga tagin waxba oo dhamaan waxii hore iyo waxa hada joogaba iyo waxa soo socda ay kujiraan .

Hadaba warbaahinta Danwaanews.com waxay idiin soo gubinaysaa 10ka xawayaan ee janada galaya kuwaas oo aan ku sheegi dooni mid waliba magaciisa  iyo meesha uu ku arooro

1.      Hashii Nabi Salah Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Waxaa wax laga xishoodo oo ceeb ah in ay hal geel ah ay jano gasha ninkii raacayayna uu naar galo taas micnaheedu adoonka alle waxa u ku casayay allihi uumay oo ma uusan fulinin awaamirtii uu dul dhigay .

2.      Dibigii Nabi Ibrahim Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Dibigii uu Nabi Ibrahim u qalay martidii rususha ahayd xiligii ay oogu bisharaynayeen ismaciil xili uu Nabi Ibrahim ahaa wayeel da’ay soo food saartay.

3.      Wankii Nabi ismaaciil Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

4.      Sicii Nabi Muuse Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Sicii Nabi Muse ee suurada dhan ee Al-baqara loogu magaca daray

5.      Xuudkii Nabi Yuusni Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Waxa kamid ah Xuutkii Nabi yuunis Liqay markii uu bada kudhacay

6.      Dameerkii Nabi Caziiz Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Dameerkii Nabi Caziir Csw  oo ay qisadiisu kujirto Suurada Al-Baqara Qisada Caziiz insha allah waan idiin soo gudbin doonaa insha allah

7.      Qudhaan jadii Nabi Muuse Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Qudhaan jadii Nabi Muuse ka qoslisay kadib markii ay kusoo baxeen sulaymaan iyo junuudiisii qudhanjadan oo godadkeedii kasoo baxday ayaa waxa uu maqalay nabi suleymaan iyada oo leh “qudhaan jooy godadkiina kunoqda yaysan idin bur burinin sulaymaan iyo junuudiise kadibna nabi muuse waa uu dhoola cadeeyay

8.      Hud-hudkii Balqiisa
Hud-hud kan waxa uu kamid ahaa adeegayashii Nabi suleeymaan CSW oo alle uu u sahlay u adeegida xayawaanaadka waxa uuna ahaa hud hudkan shinbirkii soo arkay dowaladii ay xukuntay Balqiiso oo xiligaas ahayd qoom Caabuda Qoraxada Hud-hud waxa uu kamid ahaa xayawaanaadkii uu Nabi Sulemaynaa CSW u dhaartay in uu gowrici doono ama uu six un u ciqaabi doono hadii uu war sax ah keeni wayay ama uu sheegi waayo meesha uu kumaqnaa ma uusan ogayn lakiin nasiib wanaag Hud-hud waxa uu keenay war wanaagsan kaas oo ahaa in uu soo arkay Balqiiso iyo qoomkeedii.

9.      Aygii As-xaabul Kahfiga
Aygii wehelinayay As-xaabul Kahfigii loogu magic daray suratul Kahfi qisada Asxaabul kah fi way dheertahay hadii uu alle idmo waan idiin soo gudbin doonaa insha allah.

10.   Hashii Nabigeena Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Hasha Nabigeenii Nabi Muhamed: N.N.D Hashii nabigeena waxay ahayd hasha uu gaadiidka ka dhigan jiray waxaana lagu magacaabi jiray Qaswaa.

Insh allaah waxaan idiin soo gudbin doonaa xawaan kaste qisadiisii oo dhamaystiran hadii uu alle noo ogalaado

Abdirashiid Abdulahi Ahmed (dhanaane)
Email Dhanaane22@hotmail.com

2 comments:

Unknown said...

Mansha allah

Shabana said...

you are an excellent webmaster. Website loading speed
It is fantastic. It feels like every trick you do is unique.
In addition, the content is simply amazing. you did
a great job on this topic!
imyfone d back
spotify premium crack
fotojet designer crack latest
ntlite crack
r studio crack
smart defrag portable crack
kiwi for gmail crack
portraitpro crack
euro truck simulator 2 crack