Sunday, July 7, 2013

Biyo-baxa degdega ah ee RAGGA xiliga GALMADA iyo sida loo daweeyo (Qormada caafimaadka)

Waa maxay biyo-bax degdeg ah ee RAGGA xiliga galmadu socoto?

Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan “Premature Ejaculation” loona soo gaabiyo “PE” waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah ama ka yar.

Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo daraasad la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.

Waxaa klaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo “PE”.

Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jira.

Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?

Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah:

1. Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaadho ibta.
2. Wejiga ganista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan.

Biyo-baxa degdega ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna “Secondary PE” laakiin haddii uu qabay ilaa intii uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa “Primary PE” waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.

Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale.

Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.

Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanaysa qaybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.

Sidee loo daaweeyaa xaaladdan?

Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:

1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)

2- Tababar nafsaani ah: tababarka waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibna loo bilaabi karo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo “Kegel Excercise” oo lagu xoojiyo muryada miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqyadiisa.

3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa “SSRIs” waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.

Waxa kale oo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasna ay ku dheeraato muddada.

F.G: waxaa dhici karta in aad aragto ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tiro badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladahan iyo wixii la mid ah, balse adiga oo aan la tashan dhakhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato dhibaato kale oo ka gaar ah xaaladdan taasi oo ah kacsi la’aanta oo iyaduna ah mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada.

14 comments:

Anonymous said...

Wxan ahy da yar wxa jiraa 20sano markii anso qaangaarayay wxa ahaa wiil inta badan dareen badan oo aad wxan u isticmali jiray siigeysiga hda marka Guri yeeshay ayey saamen igu yelatay oo Biyaheyga wxa iga imanayan waxka yar 1 daqiiqo hdii an arko Xubinta waba iska imanayan dhibaatadaas ayaa i heysata Maxa daawo ah oon isticmala amase Cuntooyin Sare u qaadi karo waqtiga biyaha hdi ey jiraan iishega?

Unknown said...

Ilaa imikaa siigasataa iska jooji , fimida galmada ha daawan taasa uunba kaa joojinaysa , badso maraga kaluunka

Anonymous said...

Wll waxaan soo siigaysanayay mudo 11 sano ah, waxaan isku arkay isku buuq joogto ah taniyo markaan siigaysiga bilaabay, iyo guska oo i daciifay. Kacsi yaraan iyo biyo bax one second ah. Fadlan maxaan sameeyaa oo talo ah wll?

Unknown said...

Asc saxibayal waxa ahay wiil dhalinyaro ah waxa jira 26year 18 sano Ku guursady xiligan okay ba ahay xaaski kala tagny mudo 5 sano single ahay inta single ahay shahwada gacanteyda iskaga keeni Jity marka dib. U guursaday sameen igu yelaty

Unknown said...

Hi

Axmed said...

Fadlan jooji siigeysiga siaad
Uga x
Baxdo mushkilada

Unknown said...

Sex baa daawataa sxp iskadhaaf anay islsciladaa igudhacda

Anonymous said...

Iiga soo jawaaba su'aashan dictore

Dahiromar said...

Sxbow horta aniga hada reer aan lee yahay waxaana ku biya baxaa wax ka ka yar hal daqiiqo dareenkeygana saaid weeye xagee wax ka qaldan yihiin gacanta xaaskeyga si sahlan uguma biyo abaaayo markaan galmo sameeyana waa sahal maxaa talo ah

Xasan said...

Ty

Xasan said...

Frr

Xasan said...

Maxa udawo ahe kacsi la anta

Xasan said...

Maxa u
dawo ahe kacsi la anta

Anonymous said...

Is daji neyadaada xawil jimicsi sameey maarkaad howsha gasho aad dareento inaad biyaha ka imanayaan xarakaadka jooji gabadha wajigeeda ha eegin mida kale 10 second neefta isku dhaji aayar u neefso neef xoogleh jiid markasta is daji