Ku: Mud. Dr. Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo'
Madaxwaynaha
Somaliland
Xarunta
Madaxtooyada
Hargeisa,
Somaliland
Og: Golaha
Baarlamaanka Somaliland (Guuritida & Wakiilada) - Xarumahooda
Og: Culimaa'udiinka
Jamhuuriayda Somaliland
Og: Hogaamiye
Dhaqameedada Beelaha Walaalaha Ah Ee Somaliland
Og: Hay'adaha
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Gudo Iyo Dibad
Og: Warbaahinta
Gudo Iyo Dibad
Taar: April 8, 2014
Ujeedo Qaylo-Dhaan:
Beelaha
Gabooyaha Somaliland oo Sida Fiinta uga Qayliyay Cadaalad daro iyo Gabood Falo
Islaanimada iyo Aadaminimadaba ka Baxsan oo Qabiilka Reer Dudub ee Boorama ugu
Awood iyo Abtirsi Sheeganayaan
Mudane Madaxwayne,
Anagoo kuu hayna ixtiraam farobadan kana mid ah
muwaadiniintii ku dooratay, duruufaha islaanimada iyo aadaminimada ka baxsan oo
aanu u adkaysan waynay oo ay noogu awood sheeganayso beesha Reer Dudub
magaalada Boorama ayaa nagu khasbaya in aanu qaylo dhaantan culus kuu soo
jeedino.
Mudane Madaxwayne, anagoo ah Salaadiinta hoos ku qoran ahna
hogaamiye dhaqamadkii beelaha Madhibaan iyo Tumaalo ee degta magaalada Boorama,
waxana Madaxwaynu mashaqadu ka dhacday wiil uu dhalay sarkaal Booliska
Somaliland ka tirsan oo la yidhaa Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali kaasi oo ahaa
dambi baadhaha saldhiga Booliska badhtamaha ee Boorama ayaa caashaqay gabadh
Gabooye ah oo ay jaar ahaayeen, markii wiilkaasi u soo bandhigay qoyskiisii in
uu guursanayo inanta Gabooye, si adag ayay ugu diideen, kabacdi wuu isgubay,
waanu dhintay.
Sarkaalkii Booliska ahaa ee dhalay marxuunka EEBE ha u
naxariistee, wuxuu xidhxidhay 6 ruux oo Gabooye ah oo ay ku jiraan inantii
Gabooye ee wiilka isgubay jeclaaday, Aabaheed, Walaalkeed iyo 4 ruux oo kale oo
Tumaalo, Yibro iyo Madhibaan ah, dadkaasi waxa uu ku eedeeyay in wiilkiisii ay
gubeen, waxanu xabsiyada Boorame ugu xidhnaayeen iyadoo aan maxkamad la
horkeenin mudo 10 bilood ah, kiiskiina isagaa dambi baadhe ka noqday, ugu
dambayntiina 6 eedaysane Maxkamada Gobolka Boorama ayaa la horkeenay, iyadoo
Maxkamada aan la horkeenin wax maragyo ah oo cadaynaya in wiilkiisii ay gubeen
dadkaa eedaysanayaasha ah ee Gabooye ayay Maxkamadii xukun ku riday 2 wiil oo
midi uu la dhashay inantii wiilka isgubay jeclaaday midna uu yahay Tumaal 4tii
kalana way sii daysay Maxkamada Gobolka Awdal.
Kadib, Mudane Madaxwayne, xukunkaasi cadaalad darada ah
waxanu ka qaadanay Racfaan, 7/1/2014 ayay Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo
ka koobnayd shan Garsoore ayaa kiiskii dib u dhagaystay waxana ay xukun ku soo
saareen in ay burisay Maxkamada Racfaanku xukunkii dilka ahaa ee 2 wiil ee
Gabooye ay Maxkamada Gobolka Awdal ku xukuntay iyo xadhig 3 sanadood ah oo laga
soo bilaabayo maalintii ugu horaysay ee la xidhay, iyadoo maxkamda Racfaanku
sheegtay in dambiyadii lagu xukumay ay ku cadaan waayeen.
Mudane Madaxwayne mudadaasi uu kiiskani maxkamadaha dalka ku
jiray Hogaamiye dhaqameedyada Gabooye ee ka soo kala jeeda dhamaan gobolada
dalku iyagoo wada socda tiraba seddex jeer ayay Kiiskan u tageen Boorama oo ay
la kulmeen dhigooda Reer Dudub Iyo Samaroonba waxana ay waydiisteen waar 40 nin
oo Gabooye ah oo Salaadiintayadanina ku jirta KITAABKA ALLE nagu dhaarsada in
aanaan wiilkaasi Gabooye Gubin, ama idinku 40 nin noogu dhaarta in aanu anagu
gubnay oo waanu qaadanaynaa oo dhaarta ILAAHAY ayay noogu dhantahaye,
Odayaashii reer Dudub gaashaanka ayay ku dhufteen ergooyinkaasi salaadiinta
Beelwaynta Gabooye ee Somaliland ula tageen, Mudane Madaxwayne waxana marag iyo
markhaati ka ah ergadayadaasi madaxda xukuumada ee Gobolka Awdal oo uu ka mid
yahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Aayar iyo Taliyayaashii Booliksa ee
Gobolka Awdal iyo magaalada Boorama.
Sarkaalka Booliska ah ee wiilka isgubay dhalay iyo tolkii
waxay culays saareen Maxkamadii Racfaanka ee Gobolka Awdal ee dilka ka jabisay
dhibanayaasha Gabooye, waxana la yaab nagu noqotay kadib markii Maxkamadii
7/1/2014 xukunka ka soo saartay kiiskayagu ay dib noogu yeedhay maalin kadib
9/1/2014 oo ay markale hadana xukun kale ku dhawaaqday kaasi oo ah in ay
Maxkamadu noo sheegtay in ay dhaarisay wiilka isgubay aabihii oo ah Sarkaalka
Booliska ah Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali, oo ah masuulka awooda reerkiisa iyo
awooda shaadhka dawladeed ee uu xidhanyahay noogu gabood falay kaasi oo isagoo
aan cadayn iyo maragyo toona aan Maxkamadaha keenin ku qasbaya cadaalada
Somaliland in isagu sida uu rabo loogu xukumo. Ugu dambayna Maxkamaddii
Racfaanka ee maalin ka hor dilkii ka jabisay 2 wiil ee Gabooye waxay hadana
nagu xukuntay in aanu bixino 100 halaad oo Geel ah oo socda.
Mudane Madaxwayne, xukunkaasina waxanu Maxkamada Sare JSL
uga qaadanay racfaankii aanu xaqa u lahayn. NASIIB DARO, awaamiirtii Maxkamada
Sare ee JSL u dirtay Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal ee ay ku amartay in
Galka Dacwada ee laga soo racfaan qaatay in ay ku soo wareejiyaan Maxkamada
Sare una soo diraan.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo lagu
magacaabo Boosniya, amarkii maxkamada Sare si toos ah ayuu u diiday in uu Galka
Dacwada aanu ka racfaan qaadanay ku soo wareejiyo Maxkamada Sare, diidmadaasi
oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL la soo
gaadhsiiyay isagoo af iyo qoraalba mar kale ku amray in ay soo
wareejiyaan Galka Dacwada waxanu gudoomiyaha Maxkamada Sare wareejinta galka
dacwadan si gaar ah ugu xilsaaray Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare oo ka
soo jeeda Gobolka Awdal, nasiibdaro Gudoomiye ku xigeenkii Maxkamada
Sarena waxa uu doraad noo cadeeyay in uu soo wareejin kari waayay Galkii
Dacwada isagoo noo cadeeyay in Beesha reer Dudub isaga ku eedaysay in uu kiiska
Hargeysa u wareejinayo.
Mudane Madaxwayne markii arinku halkaa marayo ayay odayaasha
iyo Cuqaasha Beesha Reer Dudub ee faraha iyo awooda noogu awood sheeganaysaa
xalay warbaahinta dalka ku baahiyeen qoraalka halkan ku lifaaqan kaasi oo ay si
ka baxsan nidaamka cadaalada dalka ugu weerarayaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare
Garyaqaan Yuusuf oo ay leeyihiin "waxaan cambaareynaynaa Guddoomiyaha
maxkamadda sare ee dalka oo ku kacay
arrimo iska horkeenaya annaga iyo beesha
dhibaatada geysatay, kuwaasoo dhallinyaro ka mid ahi dab qabadsiiyeen marxuum
la odhan jiray Cabdiqani Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali, laguna naaneysi jiray
Caydiid markay taariikhdu ahayd 24/12/2010. Waxa kale oo ay sheegeen Odayaasha
dhaqanka ee reer DUDUB in haddii Gudoomiyaha Maxkamada Sare faraha kala bixi
waayo in farogalintiisu, ay ku khasbi doonto beesha reer DUDUB in ay qaado tallaabooyin kale, taasi oo aanu u aragno
tahdiid xaqa nolosha ah oo ay beeshaasi Samaroon ku ugaadhsan doonaan beelaha
tirada yar ee la dega Boorama.
Mudane Madaxwayne waxanu halkan adiga iyo hay'adaha qaranka
(golaha Baarlamaanka iyo Garsoorka, culimada diinta, Salaadiinta Beelaha dalka
Somaliland oo dhan wada dega, waxgaradka dalka iyo dhamaan bulshada Islaamka ah
ee Somaliland halkan uga cadaynaynaa cadaalad iyo gabood falada aadaminimada
iyo Islaanimada ka baxsan ee beesha Reer DUDUB oo ka tirsan beelwaynta Jibriil
Yoonis ee Samaroon ay ku hayaan beelaha Gabooye ee farokutiriska ah oo la dega
magaalada Boorama, iyadoo horeba uu kiiskani saamayn xun uu ugu yeesha dadka
Gabooye ee ku nool Boorama oo qaarkood 3 sano ka hor markii Sarkaalka Booliska
ah ee wiilka isgubay dhalay uu nagu eedeeyay wiilkiisa isgubay in aanu anagu
gubnay, in ka badan 150 ruux oo gabooyaha Boorame ah ayaa baqe ay ka baqanayaan
ninkaa booliska ah iyo qabiilkiisa haatan nolol xun ku nool magaalooyinka
Hargeysa iyo Burco qaarkoodna waxay u firdhadeen xeryaha qaxootiga Itoobiya iyo
Jabuuti.
Waxa kale oo aanu Madaxwayne Salaadiinta Beelwaynta Gabooye
kuu cadaynaysaa in aanu si buuxda ugu kalsoonahay Maxkamada Sare JSL oo sidii
sharciga dalku dhigayay u wada kiiska iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada Sare uu si
buuxda isugu hawlay dhaqaajinta dacwadan iyo soo wareejinta Gal dacwadeedka
Boorama ay ku haystaan Garsooraha ah Gudoomiyaha Maxkamada Awdal oo ay qaraabo
yihiin Sarkaalkan Booliska ah ee tacadiga ku haya beelaha la takooro ee
magaalada Booramah degan.
Suldaan Nadiif Siciid Jibriil Suldaanka Guud ee Beesha
Madhibaan (Gaboye)
Suldaan Baashe Cilmi Aadan Suldaanka Guud ee Beesha Tumaalo (Gaboye)
Caaqil Khadar Xuseenn Jaamac
Caaqil Siciid Cilmi Geedi
Caaqil Farxaan Mahdi Maxamed
Caaqil Cali Maxamed Maxamuud
No comments:
Post a Comment