Thursday, February 28, 2013

Hogaamiyaha Ugu Sareeya Kooxda Al Shabaab Axmed Godane iyo shan kale oo ku luglahaa Dilka Sheekha oo ay Dil ku xukuntay Maxkamad ku taal Puntland.



Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in maxkamada Ciidanka Maamul Goboleedka Puntland ay dil ku xukuntay mas’uulka ugu sareeyo Kooxda Shabaab Axmed Godane ka’dib dilkii loo geystay Sh.caan ka ahaa magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka nugaal oo lagu magacaabi jiray Dr Axmed xaaji C/raxmaan.

Maxkamadeynta Shan nin oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Sheekha ayaa iyana lagu xukumay Maxkamada.

Goobta uu dilka ka’dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah raga dilka lagu xukumay walow uusan halkaasi kusugneyn hogaamiyaha Ururka Shabaab axmed Godane halka ay jiraan rag kale oo iyana qayb ka’ahaa dilka Sheekha oo ay haatan maxkamadeyntoodu socoto .

No comments: