Thursday, February 28, 2013

HOGAAMIYAHA PUNTLAND ABDIRAHMAN FAROLE & WIILASHIISA OO KU TAGRI FAL AWOODEED IYO MUSUQMAASUQ BAAHSAN KU HODMAY



Puntlandnews24 Editorial:

Waxaa maalintii Talaadada ee shalay Garowe gaaray wafdi balaaran oo ka kala socda Wadamada maalgeliya Qorshaha Dimuquraadiyeynta ee Puntland laga wado.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ahaa madaxa Xafiiska Midowga Yurub ee qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo ay wehliyaan ergo ka kala socota dalalka Denmark, Switzerland, Norway, Sweden iyo hay’adaha DFID iyo USAID, guddigan oo la isku yiraaho [The Democratization Programme Steering Committee (DSC)].

Wafdigan balaaran ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garowe waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kulan kaasi kama aysan qeyb gelin Golaha Wasiirada ama xubnaha kale oo ka tirsan Xukuumada, marka laga reebo wiil uu dhalay madaxweynaha oo lagu magacaabo Cusmaan Faroole, oo isagu howlaha aabihiis ka wado madaxtooyada qeyb ka ah xilna ka haya madaxtooyada.

Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in wasiiradii iyo madaxdii kale ee xukuumada Puntland aysan goob joog uga ahayn kulamadan cul-culus balse mid ka mida dadka ka faalooda arrimaha siyaasada oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa Puntlandnews 24 u sheegay in wasiirada Puntland aysan Faroole u lahayn ahmiyad iyo qadarin macne leh, wuxuuna u arkaa inay yihiin dad uu isagu wax ka dhigay oo isaga u shaqeeya, wasiirada aad sheegeysaan maalin walba ayaa la dharbaaxaa, lagu bahdilaa aqalka madaxtooyada iyagoo loogu hanjabo anaga ayaa wax idinka dhignay ee ma cid ayaa idin rabtay.

Waxaa kaloo jirta in safiirada reer Yurub ee todobaadyadii u dambeeyey ku soo noq-noqnayey Garoowe aysan la dhacsanayn geedi socodka dimoqraadiyada laga hadal hayo Puntland, iyadoo ay horay u jirtay in mucaaradka Puntland ay ashtakooyin gaarsiiyeen xafiisyada maal geliya howlaha dimoqraadiyeynta iyo xisbiyada ee ka socda Puntland.

Political corruption is the abuse of public power, office, or resources by elected government officials for personal or family gain.

Cusmaan C/raxmaan Faroole oo maalmahan aabihiis kala qeyb galayey kulamada wufuuda Garoowe imanaysa xili wasiiradii Puntland Garoowe dhooban yihiin, wuxuu bishii December ee kal hore magaalada Boosaso gacanta ula tagay wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire kadib markii ay ku murmeen qeybsashada saamiga dhaqaale gaarayey dhowr malyan oo dollar oo uu lahaa madaarka magaalada Boosaso.

Qoyska madaxweynaha Puntland ee sida joogtada ah ugu lug leh go’aamada iyo howlaha dowlada Puntland waxay kala yihiin Maxamed C/raxmaan Faroole oo haatan isku darsaday xilkii la taliyaha saxaafada madaxweynaha, iyo abaanduulaha ciidamada Bada Puntland iyo xilka agaasimaha shirkada shisheeye ee Saracen. Maxamed wuxuu kaloo amarada iyo socodsiinta howlaha maamulka kaga amar iyo gacan sareeyaa C/samad Cali Shire Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo aan saamayn macne leh ku dhex lahayn xukuumada maamul goboleedka Puntland.

Maxamed C/raxmaan Faroole oo da’diisu tahay 49 jir wuxuu marka  laga tago dhanka awooda iyo maamulka ka sokow tabcaday dhaqaale lixaad leh oo uu geliyey ganacsi isugu jira shirkado shisheeye, hanti muuqata oo uu ka samaystay gudaha iyo caalamkaba.

Corruption – misusing public office for personal gain, for example, by accepting bribes or by charging personal expenditure to a public expenses account.

Khadar C/raxmaan Faroole oo isaguna kamida caruurta fir-fircoon ee madaxweynaha wuxuu isku heystaa dhowr xil oo ka culus wasaarado badan, kan ugu hilan culusna waa agaasinka macdanta, batroolka iyo maalgashiga Puntland, Khadar wuxuu kaloo xukuumada Puntland u metelaa shirarka caalamiga ah.

Madaxweyne Faroole waa madaxweynihii ugu horeeyey ee soo mara Puntland oo ugu yaraan 3 kamida caruurtiisa aya xillal aan lagula xisaabtamin loona dhaarin ay ka hayaan dalka, xillalka iyo shaqooyinka ay qabtaan oo u baahnaan lahaa in lagu dhaariyo amaanada aabahood u dhiibtay maadaama ay yihiin jagooyin culus oo ka miisaan badan wasiirada Puntlnad oo qaarkood shaqooyinkooda ayba marooqsadeen qoyska madaxweyne Faroole.

Nasiib darrada ugu weyn ee Puntland aan looga rajo qabin inay horay u talaabsato ayaa ah iyadoo aysan jirin haba yaraatee wax is xisaabiya [accountability] ama eega [track record]  haday noqon lahayd shacabka dulman ee iska aamusan ama haday noqon lahayd hanti dhowrkii dalka oo aan howl gelin, haatana kamid noqday xisbiga madaxweynaha ee Horseed Party.

source: Puntland News-24

No comments: