Monday, December 30, 2013

MAGAALADA BOORAMA OO ISU BEDESHAY CADAABTII IFKA EE GABOOYAHA SOMALILAND




S/land /0250/13                                                                                                 Issued on Sunday, December 30, 2013

Ku:         Gudoomiyaha Maxkamada Sare
                Xarunta Maxkamada Sare JSL - Hargeysa

Ku:         Wasiirka Arimaha Gudaha
                Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland - Hargeysa

Og:         Gudoomiyaha Gobolka Awdal
               
Og:         Warbaahinta Dibad iyo Gudaha

Attn:      Amnesty International, International Secretariat UK; Amnesty Intern. US, Canada; East Africa Desk        Office Uganda, East & Horn of Africa Human Rights Defenders Network, Uganda; International             Minority Rights London


URGENT ALERT: SERIOUS MINORITY RIGHTS VIOLATIONS IN SOMALILAND
MAGAALADA BOORAMA OO ISU BEDESHAY CADAABTII IFKA EE GABOOYAHA SOMALILAND

Magaalada Boorama
Ka dib markay ogaadeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH Duruufo muuqda oo dhinaca amaanka ah oo haddii la soo bandhigo Xadgudyo iyo Tacadiyo dhinacayada Garsoorka iyo Dhaqanka ah oo haysta Bulshada la takooro, lagana tirada badan yahay ee ku nool gobolka Awdal ayay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH go'aansadeen in ay mudo dheer kolba dib u dhigaan soo saarista iyo baahinta tacadiyada ay warinayso warbixintani. 

Balse markii aanu hubinay in aan xaalku ka soo raynaynin ayay go'aansadeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH in ay cod dheer ku sheegaan Warbixintan.

Sanadka 2013 ayaa dhamaanaya iyadoo Somaliland ay ka socdaan xadgudubyada dhinaca Garsoorka iyo Dhaqanka ah ee lidka ku ah Bulshada la takoor.

Bari oo ah maalintii ugu dambaysay sanadka 2013 waxa Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Awdal la horkeenayaa 2 dhibane oo ka tirsan beelaha la takooro Somaliland oo magacyadoodu kala yihiin Mustafe Haybe Jaamac 21sano jir  iyo Bedel Cabdi Aaden 22 sano jir .

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ayaa ogaaday in maanta Garyaqaan Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan oo ah Qareenkii 2aad ee Xuquuqda Aadamiga oo difaacayay labadan dhibane ayaa maanta  Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal u sheegay in uu iska casilay adeegii dhinaca xuquuqda aadamiga ah ee uu siinayay labadan dhibane kadib markii uu u baqay naftisa, waxana hore kiiskan isaga casilay Garyaqaan Xasan Cali Xasan kadib markii sidan oo kale bilowgii dacwadan uu isku dayay in uu siiyo labadan dhibane iyo qoysaskooda laga tirada badan yahay caawimo qaanuun u baqay amaanka naftiisa.

TALO SOO JEEDIMO DEGDEG AH:

1.    Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH waxay sida ugu dhaqsaha badan oo aan dib u dhac lahayn uga codsanayaa Wasiirka Arimaha Gudaha JSL iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal in bulshada la takooro ee ku nool magaalo madaxda gobolka Awdal ay damaano qaadaan amaankooda iyo amaanka meherahooda iyo guryahooda, si ay ugu suurtogasho in ay dib ugu soo noqdaan dadka ka soo jeeda bulshada la haybsooco ee hore arimo dhinaca amaankooda ah awgood uga qaxay magaalada Boorama.

2.    Sidoo kale waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ka codsanayaan in fadhiyada Maxkamada Racfaanka ee Kiiskan laga soo bedelo magaalada Boorama maadaama oo tan iyo marki sanad iyo badh ka hor ee ay bilaabmeen dhagaysiga dacwadan ay si joogto ah u soo weerarayeen mid ka mid ah qabiilada ugu tirada badan ee dega Magaalad Boorama oo uu ka soo jeedo Marxuunka isgubay. Sidaasi darteed, iyadoo laga duulayo amaanka dhibanayaasha Qareenkooda iyo guud ahaan ehelka iyo qoysaska dhibanayaasha oo ah kuwa sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayo waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ka codsanayaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare in dacwadan dhagaysigeeda loo bedelo goob aan ahayn Boorama oo sharcigu ogol yahay. 

3.   Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Caalamka iyo muwaadiniinta xoriyada iyo xuquuqda aadamiga jecel ee reer Somaliland in ay qaadaan talaabo kasta oo ay ugu hiilinayaan dhibanayaasha takoorka dhaqanka bulshada la hayb sooco ee Somaliland.

4.    Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, waxa aanu ugu baaqayanaa in uu u fidiyo muwaadiniinta la haybsooco ee Gobolka Awdal oo dhibanayaal u ah bulshada aqlabiyada ah ee magaalada madaxda gobolka Awdal, gaar ahaan labada wiil oo magacyadoodu kala yihiin Mustafe Haybe Jaamac 21sano jir  iyo Bedel Cabdi Aaden 22 sano jir kuwaasi oo Maxkamada Gobolka Awdal ku riday Xukun dil ah oo  cadaalada darada ah:
a)    in ay si buuxda u siiyaan labadan dhibane xuquuqaha iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee uu jideeyay Dastuurka dalka Somaliland gaar ahaan:

ü  Qodobka 24: Xaqa Nolosha, Nabadgelyeynta Jidhka, Dhawrsananta Karaamada Muwaadinka, Dambiyada lidka ku ah Aadaminimada sida jidhdilka, qudhgooyada sharciga ka baxsan - Farqada 1aad Nafta Aadanuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa, waxaanu ku waayi karaa oo keliya marka Maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu sharcigu jideeyey in dil lagu mutaysan karo, Farqada 2aad Qofku waxa uu xaq u leeyahay in la nabad geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geeysto damiirka qofkuna waa reeban yahay;
ü  Qodobka 8aad: Sinnaanta Muwaadiniinta: Farqada 1aad - Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn, midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab;
ü  iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.  Farqada 2aad - Kala sarreynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin; iyo
ü  Qodobada 22: Xuquuqda Dhaqaal, Bulsho iyo Siyaasadeed;

5.    Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka digayaan in la marin habaabiyo baadhitaanada dadka loo hayo iyo kuwa aan wali loo soo qaban dilalka loo gaystay haweenka Gabooyaha si sharciga loogala baxsado, taasi oo dhacda aalaaba marka hay'adaha sharci fulinta oo 99% ka soo jeeda beelaha tiradabadan.

6.    Haddii Madaxda Sare ee Hay'adaha SharciFulinta Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ka baaqsadaan sharci horkeenida dadkii dilay haweenka Gabooyaha Somaliland taasi waxay sababi doontaa in dacwado iyaga lidku ah aanu u gudbino beesha caalamka iyo garsoorka adduunka.

7.    Xafiisyada Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ay ku leedahay wadamada Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti waxanu ku wargalinaynaa tacadiyada ay warbixintani warinayso oo saameeyay in ka badan 100 ruux oo ka soo jeeda bulshada la takooro ee Somaliland ee degta magaalada Boorama kuwaasi oo qaarkood gaadheen xeryaha Qaxtootiga ee UNHCR ay maamusho oo ku yaal bariga dalka Itoobiya, Sidaasi darteed, waxanu ugu baaqaynaa UNHCR in ay siiso gargaarka aadaminimo ee lagamamaarmaanka ah iyagoo buuxiyay shuruudaha u dagsan Qaramada Mibooday ee lagu noqdo Qaxooti.

Suleiman Ismail Bolalah
Gudoomiyaha
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)

xuquuq@gmail.com, hornwatch@yahoo.com; 0025224429552, 002522514777



FAAHFAAHIN DHEERAAD AH

Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo ka mid ahaan jirtay magaalooyinka dhifta ah ee beelaha la takooro ee reer Somaliland ay ku noolaan jireen takoor heerkiisu ka hooseeyo kan magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyaduna isku rogtay cadaabtii ifka ee Gabooyaha Somaliland kadib markii 2 sano ka hor wiil beelaha tirada badan ka soo jeedaa oo ALLE haw naxariistee lagu magacaabo Aydiid Cabdiqaadir Cali oo uu dhalay Sarkaal Sare oo ka tirsan dambi Baadhayaasha Booliska Gobolka Awdal oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali uu jeclaaday gabadh yar oo ka soo jeeda beelaha la takooro ee loo yaqaan Madhibaanka oo lagu magacaabo Malyuun Haybe Jamaac. Markii wiilka qoyskiisu u diideen in uu gabadha Midgaanta ah guursado ayuu isaga laftiisu qudha iska jaray kadib markii uu is qabadsiiyay gaas iyo dab, nasiib daro wiilka aabihii oo ah sarkaal boolis ah waxa uu xabsiga ku guray dad tiro badan oo ka soo jeeda Gabooyaha dega Boorama kuwaasi oo ay ka mid yihin gabartii uu jeclaaday wiilkiisu Malyuun Haybe Jaamac, aabaheed Haybe Jaamac, wiilkiisa Mustafe Haybe Jaamac 21sano jir  iyo Bedel Cabdi Aaden 22 sano jir oo isagu ka soo jeeda qabiil ka mid ah Gabooyaha oo la yiraa Yibir iyo xubno kale oo Gabooye ah.

Xadhigaasi waxa barbar socday weeraro haweenka iyo dhalinyarada qabiilka wiilku ka dhintay ku qaadayeen goobaha ay ka degan yihiin Gabooyuhu magaalada Boorame, gaar ahaan meheradaha ay ku ganacsadaan iyagoo burburinayay miisaska ay hilibka ku iibiyaan, rayiislayaasha, kabotolayaasha iyo meelaha birta ay ku tumaan, taasi oo sababtay in wiigag isxigxiga dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha Boorama in ay ka soo bixi waayaan guryahooda.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa xiligaasi diiwaangaliyay in ka badan 100 ruux oo u badan rag iyo dhalinyaro markii ay nafahoodii u baqeen ka cararay magaalada Boorama iyagoo tagay magaalooyinka Hargeysa ilaa Burco qaarkoodna waxay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo gaadhay xeryahay qaxootiga Somalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya oo ay maamusho Hay'ada UNHCR.

Bilowgiiba dacwada waxa dambi baadhe ka noqday Aabihii dhalay wiilka dhintay Dambi Baadhe Boolis Mr. Cabdiqaadir Cali Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch oo si taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada ciqaabta ah ee lidka ku ah 2 wiil ee Gabooyaha ah, ayaa ka marag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan garsoor dhex ah oo cadaaladeed iyo nidaam baadhiseed oo xaq ku dhisan, Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka toosan.

Baadhayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH waxay xogogaal u noqdeen in Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland oo caawimi qaanuun oo lacag la'aan ah ku difaacayay Labada eedaysane markii dad cadhaysani soo weerareen fadhiyadii Maxkamada Gobolka Awdal dacwada oo socota isla markaasina ay dhaawaceen xubno ka mid ah eedaysanayaasha iyo eheladooda oo Maxkamada u yimi dhegaysiga dacwada, ayuu Qareenkii naftiisa u baqay waxanu markiiba joojiyay caawimadii qaanuun ee uu siinayay 2 wiil ee dhibanayaasha ah iyo qoysaskooda.

Sidoo kale Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay baadhitaanka kiiskan ku ogaadeen in Qareenkii 2aad ee difaacayay eedaysanayaasha Gabooyaha ah oo lagu magacaabo Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan uu ku waayay Gunadii uu ka heli jiray adeega caawimada qaanuun ee uu lacag la'aanta uu ku siiyo qoysaska Gabooyaha ah ee eedaysanayaasha kiiskan, Gunadan oo ay siin jireen Ururka Qareenada Somaliland ee Somaliland oo fuliya Mashruuc ay maalgaliso hay'ada Qaramada Midoobay ee UNDP. Gudoomiyihii hore ee ururka Qareenada Somaliland Mr. Maxamed Siciid oo fulinaya codsi aan toos ahayn oo uga yimi Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ay qaraabo dhaw yihiin Abdiqadir Ali oo ah Aabaha dhalay wiilka isdilay, isla markaasina ah Garsooraha haatan gacanta ku haya kiiskan oo maraya maxkamada darajada 2aad ee Racfaanka. 

Maxkamada Gobolka Awdal ee dacwada qaadayay, ciidanka Booliska ee baadhayay kiiskan, dhamaantood waxay la safteen Dambi Baadhaha Booliksa ah ee Wiilkiisu isdilay Mr. Cabdiqaadir Cali maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Baadhayaasha xadgudubyada ee HornWatch waxa kale oo ay baadhitaan qoto dheer ku ogaadeen in maragyadii ogaa in wiilka dhintay isagu is dilay oo ay ka mid yihiin dukaankii gaasta uu ka iibsaday, meheradii uu Mobilkiisa u dhiibtay iyo dad arkayay markii uu gaasta iyo dabka is qabadsiiyay dhamaantood waxay u safreen dhinaca Itoobiya oo ay ku maqnaayeen mudadii dacwada socotay difaaca eedaysanayaasha iyadoo horena loo sii siiyay lacagta aya ku noolaan karayeen.

Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo qanuunka waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo arday ah oo ka soojeedaha midgaha reer boorama gaar ahaan MADHIBAAN iyo Yibraha.

Kiiskan ayaa waxa uu si ba'an u saameeyay dhinacyada amaanka iyo nolosha guud ahaan Gabooyaha dega magaalada Boorama iyadoo in ka badan 100 oo badankoodi yihiin rag ka baqay in beesha uu ka soo jeedo Wiilka isgubay ay gaadhsiiyaan dil iyo dhaawacyo jidheed ay ka qaxeen guryahoodii iyo meheradahii ay ku lahaayeen magaalada Boorama oo isugu jira timojarayaal, hiliblayaal, kabotolayaal iyo tumaalista birta, waxana ay amaan u raadsadeeb Magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo magangalyo waydiistay Hay'ada Qaxootiga Adduunka ee gacanta ku haysta xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya.

Gabood falada iyo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada lagu takooro gudaha dalka Somaliland codkooda cidina ma maqasho iyaguna malaha awoodii ay ku soo bandhigi lahaayeen, faqriga iyo saboolnimada qotada dheer ee haysta awgeed iyo iyagoo aan talo iyo tusaale midna ka odhan karin arimaha saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda toona.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo isku dayay in ay ogaadaan sababta ay cid uuni uga hadli wayday tacadiyada baahsan ee ay la nool yihiin qaybaha bulshada Somaliland ee latakooro ayaa waxay ogaadeen xogahan hoos ku qoran:
  •  Xukuumada Somaliland ayaa magacawday saraakiil sarsare oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxa ka mid ah
  •  Hal xubin oo ku jirta golaha Wasiirada (Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud), inkastoo magac ahaan mooyee aanu ahayn nin ka war haya waayaha iyo duruufaha adag ee dhaqan dhaqaale oo ay la nool yihiin beelaha uu ka soo jeedo ee la hayb soocaa,
  •  Barkhad Jama Hirsi Batuun, La taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dhinaca arimaha beelaha laga la hayb sooco yahay, 
  • Liibaan Ismaaciil Maxamuud, Xubin ka mid ah Gudida Komishanka Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyo 
  •  Mr. Abdilahi Hassan Digaale Gudoomiyaha Deg. Axmed Macalin Haruun isla markaasina ah Gudoomiyaha ururka samofalka bulshada la hayb sooco ee USWO oo dhawaan Duqa Caasimada Somaliland u magacaabay xilka Gudoomiyaha Degmada Axmed Macalin Haruun ee caasimada Hargeysa.
Saraakiisha ugu jirta bulshada Somaliland ee la takooro dawlada ayaa iyagu sameeya talaabo kasta oo ay ku cabudhinayaan dadkooda dulman waxana ay aaminsan yihiin haddii tacadiyadaasi banaanka u soo baxaan amase iyaguba ka hadlaan in ay waayayaan xilalka sarsare ee ay ku qaataan mushahaarooyin fiican.

Dhinaca kale, habdhaqan fool xun ayaa dishooday badi hogaamiye dhaqameedka beelaha la hayb-sooco, kaasi oo midkastaaba kan kale ka soo horjeedo oo buranayo.

Haweenka Beelaha La takooro haddii aad u dhabo gasho nolosha iyo waayahooda waxad ogaanaysaa in ay boqoljeer ka tacadi iyo xadgubub badan yihin tacadiyada haleela haweenka beelaha aqlabiyada ah oo ah kuwa inta ugu badan laga maqlo warbaahinta .

Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee haweenka ugu waawayn dalka dhamaantood waxa iska leh Haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada ee aqlabiyada ah, waxayna ku guuldaraysteen in ay dalahooda samafal ku soo daraan ururada haweenka qaybaha bulshada tusaale ahaan dalada haween ee ugu wayn Somaliland oo lagu magacaabo NAGAAD WOMEN UMBRELLA oo ururada xubnaha ka ahi tirobadan yihiin hadana hal urur oo ka soo jeeda ururada haweenka la takooro ee Somaliland kuma jiro, halka Gabooyaha Somaliland ay leeyihiin kaliya labo (2) urur samafal bulsho oo aad u yaryar (Ubah Social Welfare Organization (USWO) iyo Voice of Somaliland Minority Women (VOSOMWO) isla markaasina aan ka helin wax gacan qabasho ah oo la taaban karo Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka. Maadaama Daladaha waawayn ee haweenka Somaliland aanay u war haynin tacadiyada iyo gaboodfalada argagaxa leh ee ay la nool yihiin haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada Somaliland ee la takooraa, had iyo goor kuma soo hadal qaadaan marka ay xusayaan maalmaha caalamiga ah ee Tacadiyada Lidka ku ah Xuquuqda Haweenka.

END

No comments: