Thursday, February 20, 2014

QOTADA XIGMADAHA KU LAMAAN HESHIISIINTA DADKA DHEXDIISA

HORTA YAA DHEXDHEXAADIN GELI KARA…



BY SALEEBAAN AYAX

Aayadda 114 ee suuratu-nnisa waxay u qoran tahay sidan: (Laa khayra fii najwaahum illaa man amar bisaqatin, aw macruufin

Anigoo ku hambalyayanaya ... sorry anigoo ugu ducaynaya Xaaji Cabdi Waraabe caafimaad, cimri dheer iyo dembi dhaaf wanaagga uu kula dhex jiro ummadda.. ILAAHAYna SWT ka baryaya inu ina siiyo rag badan oo la mida am ka sii fiicamba.

Waxan halkan wax yar kaga sheegayaa meeqaamka ay diinta islaamka ee aynu haysano ku leedahay arrintani iyo shuruudaha laga doonayo inu lahaado qofka hawshan geli karaa iyo weliba magacyada rag iyaguna taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah uga tegey bulshadii ay ku dhex noolaan jireen, sidaa darteedna mar walba ah lama illaawaan ku dhex nool quluubta shucuubtooda.

ISLAAMKA IYO HESHIISIINTA MUSLIMIINTA:

Aayadda 114 ee suuratu-nnisa waxay u qoran tahay sidan: (Laa khayra fii najwaahum illaa man amar bisaqatin, aw macruufin, aw islaaxin bayna annaas) sadaqallaahu alcathiim..Alle SWT wuxu leeyahay hadalka dadku –sir iyo caad mid kasta ha ahaadee khayr ma leh wixii aan ahayn sadaqad lays farayo ama wanaag iyo toosnaan ama heshiisiin dadka dhexdiisa ah…taasi waa quraankii.

Dhinaca xadiiska waxa laga weriyay Abii-Dardaa inu Nebigu csws yidhi  Alaa ukhbirukum bi-afdala min darajati assalaa wassiyaam wassadaqa? Qaaluu balaa(Nacam) Qaala: Al-islaaxu thatil-bayin...qaala wal fasaadu thaatil-bayin hiya alxaaliqa..waxa soo gudbiyay Abu-Da-uud iyo Tirmithi…af Somali ahaan waxay noqonaysaa wuxu Nebigu yidhi CSWS: ma idiin sheegaa wax ka darajo sarreeya salaadda, soonka iyo sadaqadda,, waa su’aal.. waxay yidhaahdeen haa..wuxu yidhi CSWS waa heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta dadka….wuxu kale oo raaciyay isku dirka iyo fitma abuurista dadka dhexdooduna waa xiirayso..oo macnaheedu yahay wey xiiraysaa sida timaha loo xiiro oo waxba reebi mayso…xadiis kale ayaa ah qofka laba qof xishiisiiyaa wuxu leeyahay thawaabka ama ajarka shahiidka ..bal maxaad u malaynaysaa qof ummad dhan oo islaama ku kala hagoogtay...lama qiyaasi karo ajarkiisa xitaa intaan aakhiraba la gaadhin waxa loo barakaynayaa durriyaddiisa.

Islaan saxaabiyad ahayd kana mid ahayd kuwii haajiray ee Nebiga CSWS ka daba tegey isla markaana ahayd xaaskii Cabdiraxmaan bin Cawf (EEBE raali haka noqdee) magaceedana la odhan jiray Um-Kalthuum Bint Caqaba (EEBE raali haka noqdee) waxay tidhi ma maqlin inu Nebigi CSWS fasaxay ku-tidhi-ku-teenta  marka laga reebo waqtiga dagaalka, ama heshiisiinta muslimiinta ama waxa ninku u sheego naagtiisa ama waxa naagtu u sheegto ninkeeda markaa intaa been laguma sheegi karo.

Markaa sidaa darted hawshan iyo waajibkan xaajigu ku kacay waa xilalkii laga dhaxlay Nebiyadii…oo dee Nebiyadii Nabad iyo naxariisi korkooda ha ahaatee lagama dhaxlin xoolo….Nebi dambe oo soo baxayaana ma jiro laakiin ummadda ama qaranka ILAAHAY SWT wanaag iyo khayr la damco wuxu siiyaa qaran-daajiye sida Xaaji Cabdi Waraabo oo kale ah.

Haddaba ninka raba inu sida Xaaji Cabdi Waraabe oo kale noqdo waxan u soo jeedinayaa inu  lahaado oo la yimaado tilmaamah soo socda waayo weynu u baahannahay aad iyo aad qaar kale badan..markaa ninka hawshan u soo ban baxayaa waa inu ahaadaa sida hoos ku qoran:-

  1. Inu lahaado Alle ka cabsi buuxa..kuna caan baxo gudashaada cibaadooyinka ILAAHAY SWT.
  2. Inay iswaafaqaan waxa uurkiisa ku jira iyo ficilkiisu.In uu aqoon fiican iyo waayo aragnimo buuxda u leeyahay dhaqanka iyo nolosha bulshada uu ku dhex nool yahay.
  3. Inu xog ogaal buuxa u yahay mar walba marxaladda iyo duruufta bulshadu ku sugan tahay.
  4. Inuusan ku milmin ama saamayn ku yeelan qiila wa qaala ama muranka bulshada dhex yaalla iyo khilaafaadkooda.
  5. Dabcan waa inu fayaw yahay oo caafimaad qabaa caqliyan iyo jidh ahaamba, isla markaana leeyahay wuxu kaga maarmo baahida dadka.


RAG TAARIIKHDA BAAL DAHABA KA GALAY:-

Waxa dunida soo maray rag badan oo Xaaji Cabdi Waraaboo kale ah, laakiin waxan ka soo qaadanayaa intaan ka xusuusto dalalka aynu jiraanka nahay ama kuwa islaamkaba, raggaasi ma aha siyaasiyiin ama rag xornimada iyo la dagaalanka gumaysiga ku lug lahaa bal se waxay ahaayeen beel daajiyayaal u badan reer miyi oo ka tegey taariikh iyo dhaxal wanaagsan , anoo ku horraysiinaya kuwa bulshadeena ka dhashay ee magacoodu meel dheer gaadhay waa kuwan:

  • Faarax Sanweyne oo ka soo jeeda Togdheer,
  • Guuleed Xaaji, Togdheer,
  • Cabdullaahi Waradheere, Aadan Yabaal,
  • Maykal F. Latomba (Ku-kuuyo)  oo sida uu sheegey dhul mareenkii Jarmalka ahaa ee Kabtan Moris Merker markii dambe muslimay oo magaciisii Maykal loogu beddelay Maxamed ahaana nin ku caam baxay bulshada dhexdeeda nabad ka shaqaynta iyo isu soo jiidista dadka,
  • Atteena Hayle Filleeti (Axmaara) oo ahaa nin sida la sheegey dhir yaqaan ahaa dadka dhirta ku daweyn jiray isla markaa ku can baxay nabadaynta bulshada dhexdeeda isla markaana gabayaa ahaa.
  • Camu/Cabdulladiif Abu Shanab (Koonfurta Masar) oo ahaa nin dadka wax beerta ah lagana qoray sheekooyin badan oo shacbi ah.
  • Zuhayr bin Abi Salma oo ka horreeyay Nebiga CSWS oo tiriyay gabay ilaa imminka dugsiyada sare lagu dhigto oo uu ku so af jaray gabaygaa dagaal 40 sannadood soconaayay kana dhashay 2 faras oo kala dheereeyay.
  • Abu-Zeyd Al-idriisi (Amaasiiq ama berberi) Waqooyi-galbeedka Afrika, wuxu ahaa fiqi-duurre (Yacni: AW), wuxu ahaa nin fiican oo caqli badan, meesha uu jooga dhibaato kama dhici jirin.
Gebagebadii sheekadan haddii aynu aragnay waxa ILAAHAY SWT ka yidhi ninka muslimiinta dhexdeeda ku faafiya nabadda iyo wada noolaanshaha..haddii aynu aragnay waxa Nebigu csws ka yidhi heshiisiinta iyo isu soo jiidka muslimiinta… haddii aynu aragnay taariikhda iyo raadka wanaagsan ee ay ka tageen raggii hore ee samo ka taliska ahaa…

Bal haddana aan eegno dhinaca kale ragga maanta u guntan fidmada, cayda iyo dagaal oogista ee u muuqda sida daahir yaa shamis ee la wada garanayo!, aniga oon qofna magacaabin haddana daalinku wuu is og yahay shacabkuna waa og yihiin!!!, waxanan rajaynayaa walaalaheena qaldan ee gefsan inay ILAAHAY SWT u soo noqdaan oo wedku meel ma jiro eh ay ILAAHAY si qarsoodi ah ugu toobad keenaan dabadeedna isa saxaan oo camalkooda wanaajistaan sir iyo caadba.

Saleebaan Ayax Cawed


Sheffield, UK

No comments: