"Dugsigaa waxa loo sameeyey inuu Somaliland wax taro, mana aha inuu noqdo mid khilaaf burburiyo"
...........Dr. Axmed Xuseen Ciise
Dr. Ahmed Hussein Essa |
Hadal haynta faraha badan ee ku saabsan dugsiga Abaarso Tech waxay dhaawacaysaa sumcaddii dugsiga iyo sharaftii iyo karaamadii dadkii aasaasay waxana khasab ah in la soo afjaro si dugsigaasi ugu noqdo sidii loogu talo galay ee ahayd dugsi wax tar badan ku soo kordhin kara Somaliland iyo waxbarashada dhalinyarada. Mana ah inuu khilaafkaasi noqdo mid dadkii wakhti iyo maalba u huray sumcadooda iyo sharaftoodaba galaafto.
Sidee buu ku bilaabmay dugsigaasi?
Waxa maalin dhawayd jaraaiidka lagu soo qoray maqaal uu Billeh Osman ku sheegay in isaga iyo inan maraykan ah oo adeer u yahay (edadii qabo) ay aniga, Axmed Xuseen Ciise, si kedis ah makhaayad kula kulmeen ka dibna aan la tagay meel cid la ah oo Abaarso la yidhaado iyo in inankaa Marayknka ah iyo asxaabtii dugsigaa dhiseen. Hadalkaasi runta aad iyo aad buu uga fogyahay.
Billeh Osman oo aan is naqaanay ilaa iyo 1998 wuxuu horaantii 2007 ii sheegay inuu inankaa uu ededii qabaa joojinayo shaqadiisii, xidhayo shirkad uu lahaa oo ah kuwa Wall Street, doonayana inuu samafal bal isku dayo in wakhtiya. Billeh wuxuu i weydiiyey inaan diyaar u ahay inuu ila shaqeeyo isaga oo yidhi wuxuu jecelyahay inuu dhisme dugsi gacan ka gaysto. Waxaaan Billeh u sheegay inaan arrintaa soo dhowaynayo oo aan anba rabay
inaan dugsi Polytechnic ah sameeyo xidhiidhna la sameeyey deeq bixiyaal. Inankii oo ahaa Jonathan Starr ayey ka dib hay'adda aan maamulo ee IPRT martiqaad u fidisay, fiisna u soo saartay. Billeh ayaa soo horeeye wiik ka dibna aniga iyo Billeh ayaa airportkana kaga hortagnay. Afduub-na ma jirin, rag mar kaliya makhaayad ku kulmayna maanaan ahayn.
Socdaalkaa Billeh iyo Jonathan ayey Hargeysa iigu yimaadeen ayaanu si rasmi iskula qaadanay asaaska dugsigu oo markaa aniga iyo Bille-ba ku wadnay inuu noqdo iskuul technical ah……waa sababta aanu magaciisa ku darnay kelmada Tech. Billeh Osman laba goor oo keliya ayuu dalka dib ugu soo laabtay oo joogitaankiisu aanu ka badan 20 cisho isku gayn. Shar iyo khayr maqaalkaa uu maalinta dhawayd ku qoray joornaalada ayey ka ahayd. Lacag uma uririn, wax kalena uma qaban.
Dhulka Dugsiga ee Abaarso sideebuu ku yimid yaase bixiyey yaa la siiyey?
Markii aanu isla qaadanay inaanu dugsigaa wada asaasno, waxaanu u baahanay dhul balaadhan oo aan magaalada ka fogeen waddadana u dhow. Waxaan xusuustay inuu jiray dhul ku yaala Abaarso oo mar la damacsanaa in Airport laga dhigo. Waxaan ogaa in dhulkaas mar la isku dayey in Kuliyad Macalinimo laga dhigo oo uu hormood ka ahaa Axmed Cabdi Dacar oon suuragelin. Sidaa daraadeed annaga oo wada socona ilaa 10 qof ayaanu tagnay dhulkaa. Waxase markiiba noo muuqday in dhulkaas aan waxba ka nooleen. Annaga oo iska soo noqonay ayaanu war ka helnay Guddoomiyaha Degaanka Abaaro, Aadan Xuseen Cigeh, oo leh soo noqda aniga ayaa meel idiin haya. Waanu ku noqonay, wuxuu na tusay meel aanu isku raacnay inaanay haboonayn laakiin Aadan wuxuu noo sheegay inay reer ka mid ah degaanku diyaar u yihiin inay meel kale oo ka haboon bixiyaan. Haddanna dibaanu ugu noqonay, meeshii lana tusay oo markaa ay ka masuul ahaayeen Cumar Axmed Daahir iyo Mawliid Axmed Dahir. Waxaanu dhammaan isku raacnay inay meel haboon tahay.
In yar ka dib ayaan shir u qabtay odayada iyo waxgaradka deegaanka oo dhan, xaflad balaadhan la sameeyey, dhulkiina ay dhammaan xubnhii reerkii igu soo wareejiyeen.. Billeh-na meesha ma joogin aoqoonna uma lahayn dadka iyo deegaanka, wax isaga iyo Jonathan la siiyeyna ma jirto.
Dhisma Dugsiga?
Si dhismuhu u bilaabmo, waxaan la xidhiidhay Engineer Amin Cumer Xaashi oo ah Architect Somalilander ah oo deggan dalka Maraykanka oo aan ku qanciyey inuu tabaruc ahaan sameeyo design-kii iyo floor planka. Shaqadaas oon hawl yareen, waanu ku guulaysanay inaanu samayno nakhsad aanu ku wada qanacnay, ka dibna dhismihii rasmi ahaan u bilownay bishii Feb 2009.
Jonathan waxa uu dalka ku soo noqday bishii August dhismayaashii oo markaa dhamaad ku dhow. Bishii September ayaanu bilownay fasalkii ugu horeeyey oo aanu ku sii bilownay xafiiskii IPRT oo ilaa bishii Nofember hawlihii Abaarso Tech ka socotay. July ilaa August macaliimiinto waxay deganaayaan gurigaygii oo aan uga guray. Nofembar ayaanu ku wareegnay Abaarso oo markaa dhamaatay oo xataa furniture-kii uu na soo gaadhay.
Ilaa intaa dhismayaashu socdeen, Billeh iyo Jonathan midna dalka ma joogin. Tacabka naga kalay hawshaas oo aad u baaxad waynad, waxa ka markhaatiya Ugaasyo iyo Salaadiin, Wasiiro, Aqoonyahano, Wariyeyaasha ugu caansan dalka, iyo maamulayaasha dugsiyada kale ee dalka oo talo, booqasho iyo waxtarba noogu imin jiray maalin walba.
Yaa maalgeliyey?
Waxa joornaalada dhawaan lagu qoary TV-yadan laga sheega in lacagta ku baxday Abaarso Tech uu bixiyey Jonathan iyo asxaabtii reer Maraykan, iyada oo hoos loo dhigayo kaalinta wayn ee wadaniyiin tiro badan ku lahaayeen. Abaarso Tech dhab ahaan waa dugsiga dhismihiisa ay muwaadiniyiinteenu ka qaateen qayb aanay weligood ka qaadan dugsiyada iyo Jaamacadaha kali ee dalkeena. Tusaale, shirkadda MSG ee Maxamed Aw Sacid Geedi waxay Abaarso Tech ugu deeqday $250,000 , waxaanu Maxamed aw Saciid ku balanqaaday inuu sanad walba siin doono Abaarso Tech $100,000. Shirkadda Dahabshiil waxay bixisay $110,000 oo 50,000 ka mid ahi yahay DAYN aan anigu magacayga ku soo qaaday, kuna baxday dhismayaasha socda oo weli lacagtaa igu leedahay, bixinteeduna ku beegnayd 31 Dec 2012. Waxa kale oo reer Somaliland ka qayb qaateen dhiska masaajidka oo ay ku baxday $66,000 dad badan oo ay ka mid yihiin Saciid Xaliye, Maxamed Abu Site, Ismaaciil Axmed Yaasin, Maxamed Cabdi Arabay, Xasan M, Jama Yey, Sacaada Diin, Shaafici Stores, Qamdaan, ZamZam Abdi Adan, Amina Yusuf, Bashe Maxamed Faarax iyo dad kale oo badan. 10,000 oo kale waxa bixyisay sharkidda Teleosom, 5,000 Maansoor, 30,000 lacag gaadhaysa Ambassador Hotel. Hay'adda aan maamulo ee IPRT waxay ka heshay dawladda Ingiriska lacag dhan 225,000 oo dhammaan gashay dugsiga. Bisha Cas waxay na siisay deeq gaadhaysa $8000. Anigu gaar ahaan waxaan bixiyey $7000 oo qayb ka mid ahi ahayd GANAAX deegaanku igu xukumay inaan siiyo labadii muwaadin ee markii hore dhulka ku deeqay oo shaqadii aanu ugu balanqaadnay aan ka helin dugsiga. Dad kale oo ay ka mid yahiin Cabdilcasis Samaale, Ismaciil Cabdi Bacad waxay isku gayn u bixiyeen lacag gaadhaysa 12,000$.
Muddo saddex sanadood ah waxay Abaarso Tech isticmaalaysay generatoro waawayn oo midna aan geeyey angu midna amaano nagu siiyey Sheikh Adan Siro,
Isu gayn lacagta Muwadiinito ama local ka yimid waxay gaadhaysaa $700,000. U malayn mayo in dugsi kale oo Somaliland ku yaala lacag intaa leeg reer Somaliland geliyeen. Haddanna Abaarso Tech waxa dhigta arday aan waxba ka badnayn 100 arday sida uu imika yahay.
Lacagtaa ay reer Somalland geliyeen Abaarso Tech iskamay iman. Waxay ku timid kalsooni ay i siiyeen dhammaan dadkaasi. Billeh iyo Jonahan-na dadkaa reer Somaliland may aqoon, manay arag imikana intooda badanni ma yaqaanaan inay sheegtaan ama maldahaan cidda dhab ahaan keentayna wax loo dulqaadan karo maahaa. Kun goorbaanay reer Somaliland ku mahadsan yihiin kaalintoodaa, balantaan hore ugu qaaday ee ahayd in taageeradooda laga midho dhalin doonaana weli way ii guntan tahay.
Qaan sheegasho iyo dhulka uu dugsigu ka dhisan yahay oo dib khilaaf u abuuray Sidaanu annaguba dhaqaale ugu soo ururinay dugsiga Jonathanna dibedda lacag taa u dhigan ta wuu ka soo ururiyey. Isaga laftiisu lacag wuu geliyey. Hase yeeshee lacagta uu gaar ahaan u geliey oo ahayd mid uu isla isagu maamulay wuxuu Jonathan ku sheegay ilaa imikana ku sheegtaa DAYN uu ku leeyahay Board-ka. Xubnaha Boardku waa dad tabaruc ugu shaqeeya dugsiga sinna dow uma aha in tabarucooda looga daro qaan sheegasho oo la yidhaado lacag baa la idinku leeyahay. Abaarso Tech waa non-profit, macaash-ma- doon. Hay'ad macaash ma doon ahi dayn ma qaadato. Cid wal oo arrintaa loola tagayna sidaas bay u aragtay inaanad meel aad adigu ka tahay Co-Founder aad haddana Dayn u
sheegato. Iyada oonay dow iyo gar midna ahayn, haddana Board-ka Abaarso Tech iyaga oo ka baxsanaya khilaaf ayey ugu balanqaadeen Jonathan inay u celinaayaan dhamaan lacagtii isga ka baxday.
Wuxuu intaa kaga bii sii daray inuu yidhaado lacagtaa waxaan u qaadanayaa dhulka dugsigu ka dhisan yahay oo dabcan u dhiganta iskuulka ayaan qaadanayaa ileen lama kala reebi karo eh. Boardku iyo ciddii wal oo lala tashadayna arrintaasi waxay ku noqotay mid aan cagliga geli karin in wax la isugu tagay oo tabaruc ku dhisantay cid gaar ah la siiyo. Muddo sanad ka bandanna murankaa dhulka ha la ii saxeexo ayaa na mashquuliyey.
Markay taasi socon wayday ayuu imika haddanna Jonathan bilaabay khilaaf uu dhulkii toos u soo galay isaga oo isku dayey inuu qaar ka mid ah reerkii markii hore dhulka bixiyey dib heshiis kale ula galo isaga oo ugu balanqaadaya mucaawino ay ka mid tahay inuu midkood u dhisi doono dukaan supermarket ah. Dabcan nin ajnebi ah oo leh lacag baan bixinayaa waxay deegaankii ka dhex abuurtay fidno dhul oo xataa gaadhay gacan ka hadal iyo inay meesha ka soo dhex toosaan dad aan shaqaba ku lahayn oo nagu bilaabay ku qabso ku qadi maysid eh. Guddida Deegaankaas oo ka cabsi qabta in khilaafku dhaafo gacan ka hadal ayaa bishan 9keedii go'aan ka qaatay, xukuumaddana ka codsanay in si degdeg ah wax looga qabto intaan dhib aan xal lahayn meeshaa ka dhicin.
Maxaa la isku hayaa? Maxaa Sal u Ah Khilaafka?
Waxa lagu celceliyaa in la isku hayo lahaansha Abaarso Tech. La iskuma hayo lahaansha Abaarso Tech. Maalintii la furayey Abaarso Tech waxa goob joog ka ahaa Salaadiinta dalka, madaxda golayaasha JSL, Xildhibaano, shaan wasiir, iyo marti sharaf badan. Aniga ayaa hagayey shirkaa furitaanka. SI CAD oo PUBLIC ah oo TV-yada iyo jaraaidka ku soo baxday ayaan u cadeeyey cidda Abaarso Tech leh iyo sifaha macaash-ma-doonka ah ee aanu u samaynay.
Waxa sii xoojiey arrintaa go'aan guddi oo ka timid aragti madaweyne oo uu saxeexay Madaxweynaha Juhuuriyadda JSL, Mudana Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo. Waxaase dhab ahaan khilaafka salkiisu yahay sifaha maamul iyo barbaarin ee Abaarso Tech. Ma jirto aduunka goob wax barasho oo qof keliya loo siiyo madaxbannaani bilaa xad ah. Meel caruur lagu barbaarinayo, tacliin, dhaqan, nolol lagu korinayo oo cid loo xidho.
Mana haboona sidaan qabo in weliba qof ajnebi ah, aqoontuu doono ha lahaado, lacagta uu doono ha haysto, magac iyo maamuuskuu doono ha lahaado in 100% fasax loo siiyo barbaarinta caruur. Culimo, waxgarad iyo muwaadiniinta kalebana arrintaa anaga iyo cidii kale ee masuul ka ahba way nagu canaanteen.
Arrinta muranka dhalisay waa taa. Jonathan wuu caawiyey Abaarso Tech sidaanu annaguba u caawinay, aduunkana way jiraan dad sidaas oo kale caawiya ama ka qayb qaata dhismaha dugsiyo badan. Dugsigs SOS ee Sheikh dad ajnebi ah ayaa caawiya 100% laakiin maamulka iyo barbaarinta caruurta faraha ku lama jiraan.
Nasiib darradu waxa weeye in markii muranka maamul na soo dhexgalay in arday iyo waaladiin ba nagu khasbeen cid walbana dul mareen in la yeelo waxaan caqliga wanaagsani na fareen. Wax yaabaha aadka looga xumaado waxa ka mid ahayd in ardaydii qaar ka mid ah soo qoraan araaji ay leeyihiin waxaanu ku taageeraynaa macalimiinta oo ay
ku qoran yihiin erayada “NO WHITE TEACHERS, NO EDUCATIONâ€. Lamanaan yaabin ardayda yar yar ee maskaxda sidaa loo geliyey ee waxaanu la yaabnay macalinka isaga oo Afrika jooga soo gudbiyey waraaqo ay sidaasi ku qoran tahay. Waxaan hubaa dal kale oo Afrika ah ama calaamka kaleba ah, xataa Amerika, hadday ahaan lahayd, in masuulinta dawladdu halkaaba ay go'aan cad ku qaadan lahaayeen.
Meel Ka Dhaca MAANTA SOCDA?
Dhawr arrimood oo ku saabsan dugsiga sare (maaha qaybta Jaamacadda ee Hargeysa ku taal) ayaa dhawaan soo baxay oo ku saabsan dhaqanka dugsiga. Marna dhaliilahaasi wax kamay sheegin caruurta ku jirta dugsiga khaas ahaan hablaha. Haddana walaadiin dumar u badan ayaa beryahan ba magaalada la dhexmarayey hablaa lanaga aflgaadeeyey. Meel hablo lagu aflgaadeeyey anigu maan arag. Laakiin maamulka waxbaa laga sheegay. Mana aha dow in qiiq kale lagu qariyo dhaliilaha la sheegay oo u baahan wax ka qabad.
Xataa waxay gaadhay in IMAAMO iyo culumaa'udiin ka hadlay Abaarso Tech lagu sheego dad lacag qaatay oo laaluush ka hadliyey.
Bulshada Deegaanka waxa lagu sheegay dad JIHAD dugsiga ku wada oo argagaxiso ah. Waxa dadka deegaanka iyo arday ka hadashay dugsigaba loogu hanjabay in Guantanamo la geyn doono. Reer Abaarso waa dadka martida loo yahay ee la dhex degan yahay ee macalimiinta iyo caruurtuba la nool yihiin. Ma gayaan in sidaa loo ceebeeyo. Xataa
walaadiin joogta Burco oo aan weligood ila kulmin, wax i weydiin, marna ila soo hadal, ayaa YOUTUBE-ka iyo Somaliland.org arrimo aanay waxba ka jirin nagu dhaliilay Abaarso-na wax ka sheegayey. Runtii dulqaad badan bay muujiyeen reer Abaarso.
WAA MAXAY XALKU?
Dad badan baa arrintan soo dhexgalay kana taliyey. Waxa ka mid ahaa culamaaudiin ay ka mid yihiin Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista. Waxay dhamaan ku taliyeen si arrintanu u soo afjaranto in:
1- Labadayada masuul ee asaasay dugsiga Abaarso Tech aanu madaxbanayno Maamulka hoose ee dugsiga siina wadno hawlaha guud ee Baordka iyo maalgelinta
2- In masuul muwaadin ah oo tacliin sare leh loo magacaabo dugsiga
3- In hablaha loo sameeyo dumar waayeel ah oo u gaar ah sida ay aduunkoo dhan, gaal iyo Muslim-ba tahay.
Anigu dhinacayga waan soo dhoweeyey go'aankaas iyo kii ka horeeyey ee Guddidii uu Madaxweynuhu arrintaa u saaray gaadhay. Sidaana ka fursan mayso. Waxsae jirta is dhegamarin iyo cid ku hanjabaysa inaan cidina waxba ka qaadayn oo isleh waxaad kalsooni ka haysataan meel aniga, iyo waxgaradkaa kale ee ka taliyey oo dhanba ka saraysa.
No comments:
Post a Comment