Sunday, July 14, 2013

Maxay Cadawga Somaliland ka Yiraahdeen Heshiiskii Hawada Somalia iyo Somalialnd ee Istanbul?


Maxay Cadawga Somaliland ka Yiraahdeen Heshiiskii Hawada Somalia iyo Somalialnd ee Istanbul?
Saleban Ismail Bulale 'S. Xuquuq'
W/Q Saleban Ismail Bolaleh 'Saleban Xuquuq'

Mid ka mid ah wariyayaashii soo maray idaacada BBC laanteeda Afsoomaaliga oo lagu magacaabo Yuusuf Garaad, kaasi oo mudadii uu ka shaqaynayay BBC-da lagu bartay cadaawad aanu qarsan jirin oo uu  kaga soo horjeedo xaqa aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, isagoo dadaal xoogan iyo tamar badan ku bixin jiray in dhinaca xun u dhigo wararka uu tifatirayo ee uu is yiraahdo dan ayaa ugu jirta dalka Somaliland, ayaa mar kale muujiyay sida aanu uga waantoobin cadaawadaasi uu shacabka Somaliland iyo Qaranimada dalkooda uu u hayo, kadib markii laga fariisiyay shaqadii wariyenimo ee uu ka hayay BBC-da. 

Taasina waxa daliil u ah qoraal dheer oo uu ku baahiyay bartiisa internetka isla markaasina lagu baahiyay mareegta Somaliland laga leeyahay ee waaheen.com waxa uu qalinka u qaatay sidii caadada u ahayd sidii aanu meelmar u noqon lahayn heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen labada dal ee Somaliland iyo Somalia ee la xiriira dhinaca hawadu.  Sida ka muuqata qoraalkiisa Yusuf Garad waxa uu iska idho qarinayaa in Somaliland iyo Somalia ahaayeen labo dal oo midoobay, 1960, waxa uu ku eegayaa wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia indhihii Kacaankii 21 Octoobar oo dalkii la isku oran jiray Somalia  u qaybiyay 18 gobol.

Yuusuf Garaad qoraalkiisa isagoo ku dhererinaya dalka Somaliland gobolo ka mid ah Somalia waxa qoraalkiisa uu ku oranayaa “Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su’aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.”

Somaliland uma diidana umana diidi karto hadii gobolo ama maamul goboleedyo ka tirsan dalka Somalia ay waydiisanayaan xukuumadooda Federaalka Somalia in ay siiso dhaqaalaha ka soo baxa qaybta ay xukuumadoodu ka hesho dakhliga Hawada ee dalkii la isku oran jiray Somalia iyo Somaliland.

Sida shaydaanku dhiiga dadka u raaco ayuu Yusuf Garaad isku dayayaa in uu qoraalkiisa afhayeen ugu noqdo bulshada Somaliland isagoo leh “Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan.”



Markaad u fiirsato guud ahaan qoraalka Yusuf Garad oo u muuqda nin uga aqoon badan madaxda heshiiska kala saxeexatay iyo labada xukuumadood ee Somaliland iyo Somalia mawduuca ku saabsan maamulida hawada Somalia ayaa waxa uu taxayaa su’aalo badan oo uu sheegay in ay jawaabo u baahan yihiin, isku soo duuduuboo waxan Yusuf Garad u sheegi lahaa in uu marka hore indho caafimaad qaba ku eego Wadahadalada Somalia iyo Somaliland, in ay yihiin labo dal oo midoobay haatana midnimadii la kala noqday oo is waydiinaya waar ma midnimadii ayaynu boodhka ka tuna mise sideenii hore ayay inoogu badinayasaa oo labo dal oo Soomaaliyeed ayaynu noqonaa, oo danihii dhaqan dhaqaale cir iyo dhulba maxaynu ka yeelaa iwm, laakiin Yusuf ha ku eegin arintan indho xanuunsanaya oo Somalia ku eegaya indhihii Kacaankii 21 kii Octobar ee burburiyay midnimadii labadii dal ee Somalia kaasi oo oo Somalia u yaqaana in ay ka kooban tahay 18 kii gobol ee uu Naargale Maxamed Siyaad Barre u qaybiyay.

Hoos ka akhri Waxa ay Cadawga Somaliland ka Yiraahdeen Heshiiskii Hawada Somalia iyo Somalialnd ee Istanbul.

Dullimaadka hawada Soomaaliya

Inqaasta Yusuf-Garaad

Bishan July 9 keedii ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo Soomaaliya iyo Somaliland ka socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya, in la isla maamulo iyo in Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa wixii laga soo maray in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan weli ka dhimman, waxa la maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan kara iyo weliba haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.

Waxay ahayd 2002 markii Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha Muqdisho isugu yeertay ee dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya” hawada Soomaaliya laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay in loo oggol yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta hawada Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay Muqdisho.

Sarkaalkii wey u suurta gashay in uu dayaarad la hadlo, markii ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo tashwiish fara badani ku dhex jiro, ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan labadaba oo duuliyaha ku yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa halkan kaa hagi doonna.

Codkaas ayaa soo af jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG ula wareegtay hawada Soomaaliya.

Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay isku day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara. Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii ahaado.

Dowladdii Shiikh Shariif ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in uu soo ceshado maamulka hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg jalaq u siin. Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in ay maamusho, sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay maamulka hawada dalka ay kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u sameeyeen UNDP iyo Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama meelmarin.

Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.

Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala goosheysa Paris iyo RĂ©union. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275. 

Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay hawada “Somaliland” ku wareejineyso “Soomaaliya”.

Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo, lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.

Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.

Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.

Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.

Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.

Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?

Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg ahna loo baahdo. Marka ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo qeybsanayaa?

Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka ama afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma heshiin.

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli waxaa taagan su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda. Biseylkeedii ma leennahay?

Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi  ay si habsami leh u socdaan?

Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah ee dayaaradaha yaryar  ku duulaya joogga gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu ku hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka (VFR – Visual Flight Rules)? 

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.

Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.

F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

No comments: