Sunday, July 14, 2013

Faahfaahin: Qodobkii Heshiiska Istaanbuul ee ku Aadanaa Maamulka Hawadeena.. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

“Anagoo ka dhabaynayna Himilada Qaranka Waxaanu Maamulka Hawada Somaliland kusoo Celinay Gacanteena”
Mudane Xirsi Cali X.Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
“Somaliland Cid Hoos Timaada Mooyaane Cidna Hoos Tegi Mayso”

“Waxaan leeyahay Ninka Maamulka Hawadeena Hargeisa u diidani Ma Xamar Buu la Rabaa”

Ugu Horayn Ramadaan Kariim, aniga oo tixgalinaya waydiimihiina iyo Fal-celinta shacabkayaga, taasoo iga soo gaadhay meelo kala duwan waxaan jeclahay in aan Faah-faahin idinka siiyo Qodob ku jiray Heshiiskii Istanbul.

Lagasoo bilaabo 1991-kii hawada Somaliland waxay ahayd mid aan faraha ugu jirin isla markaana ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawadu ku maamuli jirtay dalka Kenya, waxaanay sababtay in maamulka hawadeena iyo dhaqaalihiisuba faraheena ka baxaan, iyadoo ay taasi jirto ayey Qaramada Midoobay si deg-deg ku jiro ugu Wareejisay Maamulkii Hawadeena Dowlada Federalka ah ee Somalia.


Markii intaasi dhacday, Dowladda Somaliland way ka biyo diiday talaabadaasi ay Qaramada Midoobay ugu wareejisay Somalia Maamulka Hawada Somaliland waxaanay Dowladda Somaliland qaaday talaabo adag oo ay ku joojisay dhamaamba duulimaadyadii Diyaaradaha Qaramada Midoobay Ilaa inta heshiis laga gaadhayo arrinta Maamulka Hawada Somaliland.

5-tii Bishan July ayay ahayd markii Wafti ka socda Dowladda Somaliland u amba-baxeen dalka Turkiga si ay uga qayb-galaan Wajiga labaad ee Wada hadalada Somaliland iyo Somalia ku dhex marayey Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga oo lagaga wada xaajoonayey qodobbo tiro badan oo Xaas-aasi ah oo Somaliland ahaan ay naga go’nayd sidii aanu Somalia iyo beesha Caalamkaba ugu qancin lahayn Madaxbanaanida iyo Gooni-isu taaga Somaliland ay tahay lama taab taan aan gor-gortan gali Karin, Waxaana shirkaasi guul taariikhi ahi uga soo hoyatay Somaliland oo kusoo guulaysatay in Dood dheer kadib ay hawadeedii ku soo ceshato gacanteena.

Waxaana la isku afgartay in Hawada Somaliland ay maamusho Guddi farsamo-yaqaano ah oo aynu u xilsaarno Maamulka Hawadeena, halka Somalia-na ay guddi farsamo-yaqaanno ah u xil-saaran doonto Maamulka Hawadeeda lagana maamuli doono Hargeisa anagoo cod dheer ku sheegnay in Somaliland cid Hoos timaada mooyaane aanay cidna hoos tagayn.

Intaas kadib, waxaan jecelahay in aan sharraxaad ka bixiyo arrin laga yaabo in dadka qaarkood si qaldan u fahmaan oo ah in Hadii Hawada Somaliland iyo Somalia-ba Halkan aynu ka maamulayno macnaheedu noqonayo Gef aynu galnay “Waxaan leeyahay Ninka Maamulka Hawadeena Hargeisa u diidani Ma Xamar Buu la Rabaa?!”

Waxaanan Cadaynayaa in Xukuumad ahaan aan waxba iska bekelin dabarkii ku xidhnaa isku gudubka Siyaasiyiinta ee labada dal, Somaliland-na meel adag ayey ka taagan tahay arrintaasi.

Ugu dambayn waxaan leeyahay aan meel uga wada jeesano horumarinta qarankeena iyo riyadeena, aan ku faraxno guulaha aan gaadhno inta dhimana rajo iyo dedaal ku hiigsano, tani waa guul inoo soo hooyatay, Alle ayaana Mahad leh..... Somaliland Guul iyo Gobonimo.

No comments: