Shalay waxan u tacsidaynayay Aqoonsiga Somaliland oo dib u dhac wayni ku yimid kadib markii hogaanka dalka ay la wareegeen Xisbiga Wadani oo Awoodda ugu wayn ay kunleeyihiin Xarakada Midnimo Soomaali doonka ah ee al-Ictisaam.
Aqoonsigii Somaliland oo halistii ugu waynayd soo foodsaartay Ethiopia iyo MoU-gii isaga hadalkiisaba daa waayo koox diimeeda hogaamisa Wadani gaalnimo ayaabay u arkaan Ethiopia oo Saldhig Military ka samaysata Xeebaha Somaliland.
Hadaba sidaan idiinku balan qaaday waxan maanta sawir kooban idinka siin Xarakada al-Ictisaam oo ah Hooyadii ay ilmo- galeenkeeda ka soo baxeen Al-Shabaab.
Xarakada al-Ictisaam waa urur diimeed xagjir ah oo horaantii 1990s lagu aasaasay magaalada Las'Anod xiligaasi oo ay ku soo jabeen dagaalkii Boosaaso ee u dhexeeyay Itixaadka iyo SSDF.
Xoogagii Al-tixaad ee sida xun ugu soo jabay dagaalkii Boosaaso waxay Shirwayne ku qabsadeen Las'Anod waxana ay isla qaateen in magacooda ay u bedalaan Xaraka al-Ictisaam Soomaaliya Garabkoodii Military u bedalaan dhinaca Madaariista iyo dacwadaha baraaruga islaamka.
Raga ugu cadcadaa Somaliland waxa ka mid ah Sheekh Cali oo reer Burco ahaa oo geetiyooday, kuwa nool waxa ka mid ah, Colonel Sheekh Maxmed Cali Geedi, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mid ahaa Maxaakiimta Islaamku hogaan.dhaqameedadii ay samaysay, Ragan waxa ay ku soo shaac baxeen oo lagu bartay sanadkii 2006 magaalooyinka Somaliland oo ay ka aabaabuleen shir beeleedyo taageero iyo soo dhawayn loogu muujinayay Maxaakiimtii Islaamka Soomaaliya oo xiligaa la wareegay badi Koonfurya iyo badhtamaha Soomaaliya.
Shirarkaa ay abaabulayeen rag ay ka mid yihiin Colonel Maxamed Cali Geedi, Suldaan Guuleed Mire iyo xubnaha xagjirka jiifa ee Somaliland waxay ku qabteen magaalooyinka Hargeisa, Burco iyo Ceerigaabo waxana toos u maalgalinayay Golahii Shuurada ee Isbahaysigii Maxaakiimtii Islaamka Soomaaliya sida lagu baahiyay mareegta Wikilis oo uu gudoomiye u ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways.
Nasiib wanaag, fadliga ilaahay ruxankii iyo hubanti la'aantii ay ragaa xagjirka ahi galiyeen jiritaanka iyo amniga Somaliland waxa ilaahay ku caymiyay badhtamihii bishii December 2006, Markii Ciidamada Wadanka Ethiopia Guluf aad balaadhan ku Galeen Gudaha Soomaaliya iyagoo ka talaabay xadka gobolka Hiiraan, Gulufkaasi oo ay ku burburiyeen Xoogagii Maxaakiimta Soomaaliya iyagoo la wareegay dhamaan magaalooyinkii Soomaaliya ee ay maamulayeen argagixisada Maxaakiimta Islaamku, laga bilaabo Beledwayne Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.
Nabada taala Somaliland waxa mar kasta qayb ka ah xoogaga Nabad Ilaalinta Afrika oo Sanadkii 2008dii lagu bedelay ciidamadii Ethiopia ee Soomaaliya ka xoreeyay Argagixisada, kuwaas oo gudaha Soomaaliya kula dagaalama Argagixisada al-Shabaab ilaa wakhtigan xaadirka.
Nasiibdarada Somaliland ka dhacday, ayaa ah iyadoo nidaamka dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland ay soo dhexraaceen Koox Diimeeda Xagjirka ah ee Awooda Badan ee al-Ictisaam kuwaasi oo u hamuunqaba in ay la wareegaan xukunka iyo hogaanka dalka.
Xarakada al-Ictisaam sanadkii 2008 waxay isbahysi la yeesheen xisbigii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye oo ay dhaqaale badan galiyeen markii uu doorashada ku guulaystayna Madaxwayne Siilaanyo Ilaahay haw Naxariistee xukuumadii uu soo dhisay waxa uu awoodeedii oo dhan gacanta ka galiyay wasiiro al-Ictisaam ah Xirsi Cali Xaaji Xasan, Cabdirisaaq Khaliif iyo rag kale.
Ilaahay waa kii kashifay Abdirizak Khaliif ee Dhaartii Kitaabka Ilaahay beeniyay
Haatan waxa la gudboon Muwaadiniinta Somaliland ee ay ka go'an tahay xaqiijinta Madaxbanaanida Qaranimo ee Somaliland in ay dhexda u xidhaan fashilinta Wadaada midnimo Soomaali doonka ah.
Waxa aad email iyo qaababka dunidu u wada xidhiidho ula xidhiidhi kartaan wadamada IGAD, Ethiopia, Kenya Uganda, AU, Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub in ay saaraan cunaqabatayn xaga Fiisooyinka ah iyo Hantida Askhaasta ku hawlan hagardaamaynta Geedi Socodka Dimuquraadiyada Somaliland oo ay ka mid yihiin Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, Colonel Sheekh Maxamed Cali Geedi, Suldaan Maxamed Guuleed Mire, Sheekh Makaawi, Abdirizak Khaliif, Ismail Omar Guelleh.
No comments:
Post a Comment