Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay
qodobadii ka soo baxay shir Salaasadii doraad ugu soo gebageboobay dawladaha
Somaliland iyo Itoobiya Magaalada Hargeysa, kaasoo ay labada dhinac kaga
wadahadleen qodobo dhawr ah oo ku saabsan sidii labada dal isaga kaashan
lahaayeen dhinacyada Ganacsiga, nabad-gelyada, isu socodka shacbiga labada
wadanka iyo Waxbarashada.
Shirkan oo daba socday shir sanadkii hore labada
dawladood ku yeesheen Magaalada Diri-dhaba ee carriga itoobiya, isla markaana
labada dhan ay u kala metelayaan Guddiyo farsamo oo ka socda Hay’adaha dawliga
ah, ayaa laga soo saaray qodobo lagu sii ambo-qaadayo waxyaabihii ka soo baxay
shirkii kan ka horeeyay ee diri-dhiba, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa
Xidhiidh Ganacsi oo si rasmiya ay labada dawladood Heshiis dhaxal-gal ah uga
Gaadhaan.
Sidaasina waxa uu xalay u Sheegay Wasiir
ku-xigeenka arrimaha dibada Cali Mawliid Maxamuud Ibraahim mar uu warbahinta
lahadlayey,, waxaanu Wasiir ku-xigeenku sheegay Shirkii labada maalmood socday
diirada lagu saaray laba qodob oo ka mid ah qodobadii Xudunta u ahaa shirkii ka
horeeyay, kuwasoo kala ahaa Ganacsiga iyo Nabad-gelyada, isla markaana dib
loogu dhigay shirar dambe iskaashiga labad Wadan ee dhanka Waxbarashada.
“Shirkani wuxuu daba socday shir kal hore ka dhacay
Magaalada Diri-dhaba oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin Guddi farsamo ah oo kala
metelayay labada dawladood, waxaana intii uu socday lagu gorfeeyay qodobo dhawr
ah oo ay ugu muhiimsanyihiin Ganacsiga sidii Xidhiidh Ganacsi oo rasmiya loo aabuuri
lahaa iyo inay Nabad-gelyada labada dal ka wada shaqeeyaan, iyadoo qodobo kale
oo ku jiray shirkii hore oo Waxbarashada iyo isusocodka labada shacbi dib loogu
dhigay shirarka dambe”ayuu yidhi wasiirku.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaasi raaciyay
“runtii markii laysla gorfeeyay arimahaasi, waxa lagu heshiiyay in mudo laba
bilood Gudohood ah labada dawladood ku soo magacowdaan Guddiyo kale oo
daraasaysa arimaha xudunta u ah wada hadalka iyo qodobada lagu heshiiyay,
waxaana xusid mudan in waxyaabaha laga wada hadlay ee dhanka Ganacsiga oo
weftiga Itoobiya shirka ka sheegeen ay ka mid tahay inay doonayaan Mustaqbalka
dhow inay wax kala soo degaan dekeda Berbera oo boqolka sodon ay wax kala soo
degi doonaan iyo amaanka oo isaga laftiisu in la kala Iibsado ama laga heshiiyo
loo baahanyahay”ayuu yidhi.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadu mar uu ka hadlayay
waxyaabaha ay dhankooda ka dalbadeen inay Itoobiya ka Iibiyaan ama Isdhaafsiga
Ganacsi kula wadaagayaan dalkaasi waxa uu yidhi”Runtii waxyaabo badanbaa loo
bandhigay oo ay ka mid yihiin in suuqyada Itoobiya lagu Iibin karo loona
dhoofin karo guud ahaan badeecadaha Somaliland laga soo saaro iyo wixii kale ee
ku soo, Kalluunka iyo Milixda iyo waxyaabaha lagu warshadeeyo Somaliland ee
Biyaha, Saabuunta iyo sharaabka ayaana ka mid ah waxyaabaha loo bandhigay ee ay
soo dhaweeyeen inay Somaliland u dhoofiso, laakiinse arintu hada waay maraysaa
guddiyo farsamo ee waxa loo gudbi doonaa shirar dambe oo ay ka qayb-galaan
wasiiro labada xukuumadood ka socda, kuwaasoo heshiisyo rasmiya ku kala
saxeexan doona wixii lagu heshiiyo,”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxa kale oo
weftiga Itoobiya balanqaadeen in dhakhso loo soo deyn doono Gaadiidka iyo
Mawaadiniinta Somaliland ee ku xidhan dalkooda, guud ahaana shirkani runtii
wuxuu ku dhamaaday guul iyo isfaham, waxaana la filayaa oo lagu qorsheeyay in
mudo gaaban labada dawladood soo magacabaan laba Gudi oo sii amba qaada
arimahan laysla qaatay”ayuu yidhi.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadu sidoo kale waxa uu sheegay
inay dawlada Itoobiya Deeqo waxbarasho u fidin doonto arday reer Somaliland
ah,shirkana ay ka balanqaadeen weftigoodu, isla markaana labada dawladood rejo
fiican ka qabaan inay guud ahaanba midho dhalaan waxyaabaha ay Higsanayaan inay
iska kaashadaan, isagoo hoosta ka xariiqay in Iskaashiga labada wadan lagu kala
saxeexan doono nidaam waafaqsan shuruucda labada wadan, iskaa markaana
waxyaabaha lagu heshiiyo intaanay kala saxeexan loo saari doono Khubaro
Xeel-dheerayaal ah oo ka baaraan degi doona nuxurka arimaha lagu heshiinayo.
Iskaashi siyaasadeed, mid Ganacsi iyo ka wada shaqaynta
nabad-gelyada ee labada dawladood oo ka qoto sidii hore, kuna qodoma heshiisyo
iyo shuruuc laysla Ogolyahay, ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya labada
dawladood,kuwaasoo duruufo badan oo jira ku sii dhaweynaya inay Guulaystaan,
waxyaabaha lagu faaqidayo shirarkii qabsoomay iyo kuwa dambe ee dhici doon.”
No comments:
Post a Comment