Qoraa Aadan Muse Jibriil |
Inta
badana Aadamuhu kama wada faaiideysto mana wada isticmaalo mugga iyo
nuxurka maskaxdiisa Eebe ku mannaystay. Mugg-waynaanta maskaxdu waa
waxa Aadamuhu kaga duwan yahay noolaha kale.
Waxaa
kale oo la yidaahaa qof kasta oo inaga mid ahi waa faylasuuf dhab ah
(Philosopher). Waxaa kale oo la yidhaahaa: Qof kastaa waa daahirad
sideeda u taagan (phenomenon) oo qoto dheerideeda aan la koobi karan.
Haddaba, waxaa hubaal ah in qof kasta oo aad istidhaahdo waataqaan inta aad ka taqaanaa tahay hal dhibic oo badweyn ka mid ah.
Midda
kalena, waa arrin aad u adag in qofka aad wax ka sheegayso aad
dhexdhexaad ka noqotid, adiga oo aan u jixinjxin dhinaca dareenkaaga
caadifiyadeed, una janjeedhsan dhinacyad jiclaanshaha ama necbaansha
midkoodna.
Waxa sidassi yeeli kara oo keli ah qofka u go’ay oo u ban-baxy ciliml-baadhista, iyo curinta fekerka iyo oqoonta.
Cigaal Kuma Ayuu Ahaa?
Waa
su’aal jawaabteeda aad la isuku khilaafi karo, mana mooggani arrinkaas,
hase yeeshee haddaan u badheedo in aan isku qaado gidaarka intaa
qarada iyo dhumucda le’eg, ha ila yaabina haddii aan u xagliyo dhinaca
caadifada, oo ka yara durko dhabaha cilmi-baadhista iyo dhex
dexaadnimada.
Runtii,
anigu si toosa oo qof ahaaneed Cigaal umaan baran, ula mana shaqayn,
asaga oo qof caadi ahna ma arkin, waxaan ku garaasaday asaga oo madax ah
oo S.N.L. u madax ah.
Da’daydii
waqtigaas waxaanu ku graadsanay xamaasaddii waddaniga ahayd iyo
yuhuuntii xarakadii uu asagu hogganka u ahaa. Waxa asaga noola mid ahaa
raggii kale ee xarakada waddaniga huggaaminayey, sida Maykal Maryamo,
Axmed Xassan, xaaji Cumar Askar, Xaaji Xassan Geele, Sayd Axmed Shiikh
Musse, iyo kuwo badan oo kale oo da’dii asaga ka dambaysey.
Laakiin,
madaama uu asagu ka dhalin yaraa da’dii hore, ayaa asaga, Axmed
Ismaciil cabdi Dukhsi, Ibrahim Cali Ducaale, Maxamuud Saalax nuur (
Fagadhe), Cali maygaag Samater, Axmed Yusuf Ducaale, Axmed Saciid
Naaleeye Jaamac Saalax Axmed, iyo kuwo kale oo badani waxay noo ahaayeen
diiradda qaan-gaadhnimada ee aanu ku hirano, dhinaca kalena anigu ma
ahayn raggi xurgufaha tartanka siyaasadeed dhexmaray waqtigii dhisma
dawladeedka Somaliland, manta ruuxeedana ma ahi dadka tartanka siyaasadu
ka dhexeeyo, mana ahi nin damac siyaasadeed leh. Waxaan ahay ,sida dad
badani la socdaan nin damac aqoonyahan leh, meel ay ila gaadhoba. Waxaa
run ah in asaga iyo niman kale oo saaxiibo ahi igu kellifeen in aan
saaxadda siyaadda si toosa uga muuqday mar dambe, kamase xumi hadda,
waanse ka werwersanahay sida aan labada isugu wadi karo. Waana sababtii
aan uga baxay markii uu geeriyooday Cigaal.
Midda
kalena, ninku ma ahayn shakhsi caadi ah, ma ahayn siyaasi keliya ah,
mana ahayn nin ku kooban geyigeena Somaliland ama Somaliyeede, runtiina
wuxuu ahaa nin intaba ka badan kana balladhan marka, laga eego xagga
adduun aragiisa iyo yuhuuntiisa intaba. Raiisal Wasaaraha Itoobya, Malas
Sinaawi, ayaa mar si aan u salaano Dr.Cabdilmajiid Huseen noogu geeyey,
anaga oo koox aqoonyahano sheeganayey oo Somali ah, wuxuu nagu yidhi:
‘Cigaal waa nin xeeldheere iyo khabiir ruug-cadda siyaasadeed ah, haddi
uu hadda Somaliland dhisayana lama sharaysan karo, waa nin akhri yaqaan
taariikhdu saday u socoto, waana in aan dhamaanteen wax ka barano inta
uu nool yahay’. Waxaan huba in qaar naga mid ahi ay ka nexeen ama aanay
jeclaysanin hadalka Malas sinaawi Cigaal ku amaanay.
Waana
arrimahaas oo dhan dartood kuwa laga yaabo in aan dhexdhexaad uga noqon
karin ka hadalka cigaal. Waa arrin aan sahlanayn, marka qofku garan
karo mus’uuliyadda iyo amaanada qoraalka.
Cigaal,
alla ha u naxriitee, wuxuu lahaa mug aad u wayn iyo nuxur aad sarreeya
marka laga eego wacyigiisa iyo dareenkiisa adduun-araga ah, wuxuuna
lahaa dhinacyo aad u badan, waxaana ka mid ahaa asaga oo ahaa nin dawlo
(states man), nin fekera ama (thinker), suugaan yahan ama abwaan, nin
cilmaani ah (secular) oo cilmiga si weyn u aaminsan, lakiin wuxuu isla
markii ahaa nin diini ah oo diinta Islaamka aad u aaminsan aadna u
yaqaan, asaga oo aan filayo in uu xataa Quraanka oo dhan korka ka
xafidsanaa.
Cigaal Ma Mutacalim-buu Ahaa Mise Aqoon-yahan?
Ma
jiraan u malaynayaa qof keligii intaas oo dhinac oo uu lahaa ka yiqiin,
waxna ka odhan karay. Maxaa yeelay xataa qofkii damcaa inuu wax ka
yidaahdo dhinac ka mid ah dhinacyadaas wuxuu u baanaanayaa cilmi-baadhis
dhab ah oo uu ugu kuur kalo.
Dhinaca furaha u ah in qofku intaas oo sifooyn ah oo Cigaal lahaa yeesho waxay ku xidhan tahay sua’aashan jawaabteeda, ma mutacalim keliya buu ahaa mise indheer-garad iyo aqoonyahan?
Dhab ahaantii, waa sidaan u arko anigu’e, Cigaal wuxuu ahaa Indheer-garad sidiisa u taagan ama ‘Intellectual’.
Si aan taas u sugo, waxaan aan isku deyayaa in aan kala xadeeyo aoqoon yahanimada iyo indheer-garadnimada.
Ninkii
Talyaaniga ahaa ee la odhan jirey Antonio Gramge ayaa arrinka
aqoonyahanka iyo Indheer-garadka (Intelligentsia and Intellectuals), si
qoto dheer leh u kala qeexay. Intelligentsia-da ama aqoonyahanka wuxuu
ku sheegay dadka waxbartay oo dhan, heer kasta ha ka gaadheene, laakiin
aan awoodda u lahayn in ay curiyaan aqoonta nafteeda. Wuxuuna ku
tilmaamay in ay yihiin kuwo iygu quuta oo ka faaydeysta aqoonta laakiin
aan hal-abuuri Karin aqoonta. Indheer-garadkase wuxuu ku sheegay
aqoonyahanka qaybteeda xulka ah ee curisa fekerka iyo aqoonta.
Bal
aan haddaba isku dayo in aan wax ka idhaaho dhinaciisii ugu nuxurka
weynaa, ee cigaal lahaa, ee aan dadka intiisa badani dhaadi Karin.
Waxaan
muddo dame fahmay dhiniciisa ah Indheer-garad iyo curiye figradeed aan
sina loo yaraysan Karin, taas waxaan kula sharatami karaa diyaarna u
ahay qof kasta oo daneeya aqoonata lehna dareen iyo wacyga
Indheer-garadka.
Si
aynu arrinkan isula eegno bal aan idin xasuusiyo warqadii uu ka
akhriyey madashii shirweynhii kowaad ee dib-udhiska Somaliland ( First
Conference on Reconstruction Strategies &Challenges Beyond
Rehabilitation, Hargeisa, October 20-24,1998) laguna qabtay Hoolka
shirarka ee Aqalka Wakiilada. Khodbadii uu ka jeediyey halkaas waxay
dhalisay haddad xasuusataan muran badan iyo doodo ka yimid dhinacyo
kala ujeeddo ah.
Cigaal
wuxuu warqadiisaas ku yidhi : “Waxaanu nahay qabaa’il kala madax
bannaan oo ay tahay in ay dawlad wada dhistaan’.Marka aad arrinkan si
cilima ah oo siyaasad maalmeedka aan ku dheehnayn u eegto waa biyo kama
dhibcaan inay ka turjumaya xaqiiqada ka jirta geyigeena iyo guud ahaanba
Africa.
Hab
dhaqan-dhqaale oo soo jireen ah kuna salaysan Qabaa’il iyo hab
dawladeedkii gumaysigii reer galbeedku keenay,. Iyo baahi loo qabo
qaabka dawladnimada shisheeyuhu keenay iyo waayo-aragtideedii laga
dhaxlay in lagu dhaqmo lana adkeeyo haddi la rabo in casrigan manta jira
la higsado si horuumar loo gaadho.
Weedhan
aan soo xiganayaa runtii ma aha weedh keliya oo si toosa loo turjumi
karo. Waa waxa loo yaqaan mafhuum ama aragti guud oo cilmi ahaaneed
(scientific Concept). Waana mid ka turjumaysa xaqiiqo la taaban karayo
oo laba dhinac ah, waa mide waxa ay sheegeysaa waxa ay bulshadeenu ka
koobantahay iyo in ay tahay qabaail ee aanay jirin waxa loo yaqaano
dabaqaad ijtimaaci ahi ama ‘Social classes’. Midda kalena ay meesha ka
maqantahay waxii saldhiga u noqon lahaa dawladnimada oo ahaa
dhaqaale-biir (Capital accumulation) iyo waayo-aragtida iyo dhaqanka
kala danbaynta iyo u hoggaansanaanta jaranjarada maamulka dawladimo.
Sida darteedna ay adagtahay sida dawld looga dhiso bulsho ka kooban ama ku dhisan qaab dhaqan-dhaqaale oo qabiilnimo ku dhisan.
Runtiina
arrinkani ma ah mid ugub ah oo aan hore looga hadlin, waa arrin ay
culimo badani hore uga hadashay. Maxaa yeelay waa xaalad guud ahaanba
manta Africa ka taagan, haba ugu darrato xaaladda Somalida’e.
Hadda, waxaa aniga weyli dhawaaqeedu ii sii baxayaa ‘kala madax bannaan’
Haddaba,
weli ma ka fekertey sida qabaailkeenu u kala madax bannaan yihiin, iyo
sida kala madax-banaanidaasu carqalad ugu tahay dismaha dawladnimada.
Xalka
loo baahan hayay waa kan Madaweyne Cigaal inoo horseeday, oo ah in la
isku dhafo labada nidaam, kan dhaqanka iyo kan dhimoqoraadiyada xisbyada
badan. Taas bay Somaliland ku soo biirisay
qaabka dhisma dawladeeka Africa, waana meeshay ay ku jirto indheer-garadnimadii Cigaal.
Aadan Muuse Jibriil
No comments:
Post a Comment