Saturday, September 7, 2013

W/Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Oo Qaabiley Weftigii Wasiirka Arrimaha dibadda



Dubai UAE - Wasiirka Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskashiga caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay hab-maamuus sare Loogu qaabilay dalka imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shir kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibada Iyo amniga Sheekh Faris Maxamed Al-masruuci.

Kullankan oo waxa lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo Kor u qaadida kaalmada ay siiyaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka carabta uga mahad celiyay soo dhaweynta balaadhan iyo kaalmadda ay dawladda dalkaasi siiso dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kullankan waxa Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye).






No comments: