Monday, September 9, 2013

Niklos Kay, oo ka hadlay weerarka isqarxinta leh ee ka dhacay Muqdisho.



Ergaygga-Gaarka ah ee Xoghaya- Guud ee Qaramadda Middoby, Niklos Kay, ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta lahaa ee ka dhacay Muqdisho maanta gelinkii hore,Halkaas oo u dhoweed Tiyaaterka Qaranka. 

Sida la soo sheegay, qof isa- soo miidaamiyay iyo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qarxiyay goob ay ka buuxeen dadka, halkaas oo ay ku taalo makhaayad caan ah oo ay dadka aad ujecelyihiin. Weerarkan waxa uu sababay khaasro far badan.

“Waxaa aad iiga naxiyay ficilkan waxashnimadda leh. Waxaana u cambaaraynayaa sida oogu xoog badan. Waxaan tacsiyad ka soo go’day niyadda u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibaddi dadkii lagu dilay weerarkan, (Sidoo kale), waxaana u rajaynayaa ku wii ku dhaawacmay in ay si dhakhso leh u boskoodaan.”

“ Weeraradan cadownimadda iyo waxashnimadda leh waxay naxasuusinayaan in dadka Soomaaliyeed waxy si dhab ah oogu baahanyihiin nabad. Argagixisinimadda waxay caqabad ku tahay dadka Soomaaliyeed, d adyoogga Gobolka, iyo dunidaba inteeda kale. (Argagixisinimadda) waxay u baahantahay in loo jebiyo ciidan iyo siyaasad ahaanba.”, ayuu yiri Erggaygga- Gaarka ah.
“UNSOM waxay halkaan ujoogtaa in ay gacan ka gaysato dedaalada socda, waxayna barbar-taagantahay dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Erggaygga.

Source: Horseed Media

No comments: