Wednesday, September 11, 2013

Al Shabaab oo Cinwaan Cusub Ka Furatay Twitter-ka Kadib Markii Laga Xiray Cinwaankoodii Hore



Muqdisho - Ururka Al Shabaab ayaa markii saddexaad hawada soo geliyey bar cusub oo ay ku yeesheen bogga twitter-ka ka dib markii laga xanibay dhowaan boggii hore ay u lahaayeen.

Boggan cusub ee Al Shabaab HSM_PRESS oo rasmi ah hawada loo geliyey 9-kii bishan ayaa waxaa lagu bilaabay ereyo ay ku muujinayaan sida ay Al Shabaab uga xun tahay xiritaankii bartoodii hore.

Isla bartooda cusub ee Twitterka Al Shabaab waxay markiiba ku sheegatay weeraro ay sheegeen inay ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Qooqaani.  Waxay kaloo ku cambaareeyeen fashilka ku dhacay maamulka madaxweyne Obama ee Mareykanka ee ku dhacay weerarkii lagu qorsheynayey in lagu qaado Suuriya.

Al Shabaab ayaa sanadkii 2012 markii ugu horreysay ku biirtay barta twitter-ka waxaana bartaasi markiiba soo jiidatay daneeyayaal badan oo la saaxiib ama macaamiil joogto ah u noqday wararka ay ku baahiyaan balse waxa laga xiray bishii January ee sanadkan 2013 ka dib markii ay soo geliyeen boggan sawirro askari Faransiis ah oo ay ku dileen hawlgal guuldarreystay oo ciidamada Faransiisku ka fuliyeen degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxay markale furteen bar kale oo shaqeyneysay ku dhowaad siddeed bilood taasoo iyana laga xiray bilowgii bishan September xilli ay soo geliyeen weeraro ay sheegteen masuuliyadooda oo ay ku qaadeen goobo ka mid ah dalka Somalia.

Dadka yaqaana kooxaha Al Qaacida iyo Al Shabaab ayaa qaba in had iyo jeer ay caadi tahay in kooxahan laga xanibo bogaga internetka ay ku leeyihiin hase yeeshee iyaguna markasta baro cusub ay si degdeg ah u furtaan.

No comments: