Friday, August 16, 2013

War Deg Deg Ah: Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Mo Farah ayaa mar kale daqiiqado ka hor ku guuleystay orodka 5,000m


Daqiiqdo ka hor Orad Yahanka Soomaaliland ah ee u orda dalka Ingiriiska Mohamed Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 5ta kun mitir ee adduunka, waana biladii labaad ee dahab ah ee uu ka qaato tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka oo ka socda Moscow Russia.

Mo Farah ayaana barbareeyay rikoorkii Kenenisa Bekele ee ah ninka kaliya eehore ugu wada guuleystay biladaha dahabka ee tartanka orodka 10ka kun mitir iyo shanta kun mitir ee ciyaaraha Olimbikada iyo tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka.

Mo Farah ayaa ku orday 13 daqiiqo 27.98 ilbiriqsi, waxaana uu ka sarre maray Hagos Gebrhiwet oo Ethiopia ah iyo Isiah Kiplangat Koech oo Kenya ah kuwaasoo kaalinta labaad iyo seddexaad soo kala galay.

Orodyahankan ayaa taariikh cusub dhigay isagoo ah ka mid noqonaya ciyaaryahanada ciyaaraha fudud kuwa ugu guulaha badnaa taariikhda Britian ka dib markii uu sidoo kale labo bilad oo dahab ah ka qaatay ciyaarihii Olimbikada ee London ka dhacay sannadkii hore.

Waana biladii seddexaad ee dahab ah oo uu ka qaato tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka. Waxaana biladihiisa dahabka ee orodka dheer ay ka dhigeysaa shan biladood oo dahab ah isagoo labo sanno ka hor ku guuleystay tartanka orodka 5ta kun mitir.

No comments: