Wednesday, July 17, 2013

Somalia: Xabsiyo Qarsoodi ah oo Mareykanku ku leeyahay Muqdisho


Wargeys ka so baxa Dalka Maraykanka ayaa Dabacay in Sirdoonka Maraykanka ee CIA da ay xabsiyo Qarsoodiya ay ku leeyahiin Magaaladda Muqdisho, xabsiyadaasi oo ay ku xiran yahiin Xubno ka mida dagaalyahanada Al-Shabaab.

Jariidada The Nation ayaa sheegtay in xabsiyadaasi ay ku yaallaan agagaaraha garoonka Diyaaradaha caalamiga gaar ahaana dhinaca Badda, xabsigaas oo ay jariidadu xusatya in lagu Xiro Ragga ka tirsan xarakada Shabaab ama Xiriirka la leh.

Wargeyska ayaa intaa ku dartay in xabsigaas CIA-da Maraykanka ay ku leedahay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho xitaa lagu xiro Rag laga soo qabto meelo ka baxsan Somaliya sida Kenya kuwaas oo looga shakiyo in ay damacsan yihiin in falal qaraxyo iyo kharbudaad ahba u geysataan danaha Mareykanka ee caalmka gaar ahaanna Somaaliya iyo dalka deriska la ahba.

Jariidada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in xabsiyadaan uu ogolaadey madaxweynihii hore ee ku meelgaarka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed kaas oo ay jariidadu ku tilmaamtey inuu ahaa nin ay daacad ka tahay dagaalka saaxiibadiisii hore oo uu markiisii horeba siyaasada ku soo galay waa Shabaabka ee.

Jariidada ayaa waxay kaloo sheegtay in shaqada ka socota xabsiyadaas gudaheeda aanan lagala tashan dowlada hadda jirta ee uu hogaanka u hayo Xasan Sh Maxamuud iyadoo welibana qortey in dayaaradaha ay maamulaan CIA-da Mareykanka anan lala socodsiinin waxa ay dalka Somaaliya geeyaan iyo weliba waxa ay ka soo qaadaanba.

Dowladda Maraykanka ayaa si weyn u taageerta ciidamadda nabad sugida Dowladda Faderaalka, HoraY ayaa dhawaan warar soo baxay ay sheegayeen in ciidamo Maraykan ah ay xarumo ku leeyahiin Muqdisho gaar ahaan dhanka badda ee Garoonka aadan Cade.

No comments: