Tuesday, July 23, 2013

Maamulka Axmed-Siilaanyo ee Somaliland - Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Danta xisbiyada laga yeeshaa haddii ay tahay dimuqraadiyadayn, dawladnimo wanaag iyo xaqsoor, oo ay tahay in ay weel u noqdaan aragtiyaha iyo danaha ka la duduwan ee qaybaha bulshada, kuwa Somaliland iyaga ayaa sabab u noqda qabyaaladda iyo qaybinta dadweynaha, waayo fikir kale oo ay ku dhisan yihiin baan jirin.




Sannadkii 1992 ummad caydhowday oo wada qaawan oo qori garabka u saaran mooyee aan wax kale haysan baa dawladnimada Somaliland laga dhex yagleelay. Haddana fawdo iyo colaad lagu ka la irdhoobay baa maamul dhab u shaqaynaya loo gudbiyay. Haddana reero qabyaaladaysan iyo afmiishaarro bahaloobay baa hannaan dimuqraadiyadeed laga suurtageliyay oo habsami iyo nabad madaxnimada lagu la ka la wareegay. Hawlahaasi ma ay fududayn ee mar walba arrintu waxa ay saarrayd mindi jirjirkeed. Maantana maamulka jira waxaa laga sugayaa dawladnimadaa in uu sii ambaqaado oo waxa ka dhiman ku kordhiyo. Taas ayaa noqon lahayd tallaabadii ugu dambaysay ee lagu gaadhi lahaa maamul wanaag, caddaalad iyo xasillooni bulsheed oo buuxda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ”Siilaanyo” iyo jaalleyaashiisa Kulmiye waa la ogaa wixii ay qoob iyo qaylo dalka ku waaleen xilligii ay Rayaale iyo Udub talada hayeen. Eedaha iyo foolxumada ay sheegi jireen soohdin ma lahayn. Dacwad ay joogto carrabka ugu hayn jireen waxa ay ahayd garsoorkii iyo hantidhawrkii in ay xukuumadda ku milmeen, sidaa darteed dulimiga iyo musuqu faraha ka baxeen. Tu kale ha joogtee taasi runtood bay ahayd. Waxaa kale oo run ah maantaba taa in aan waxba iska beddelin. Wax waliba waa tabtii ay ugu yimaaddeen. Maanta madaxweynaha iyo wasiirradiisa yaa la xisaabtama? Marka ay xilkooda iyo hantida yare ee umadda ku tagrifalaan awooddee baa qabata ama qaban karta? Sidaas ayay ahaanaysaa ilaa la helayo hay’ado dawladeed oo xukuumadda ka madaxbannaan.

Dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland sidiisaba waxaa ku jira laba cilladood oo ragaadiyay. Ta hore waa bulshada oo aan ka la garanayn dawlad iyo reer, cudurkaas oo siyaasiga xumi weligiiba ku shaqaysto isaga oo ay la tahay in ay tol’la’ayda ugu badinayso. Ta labaadna waa hay’adihii dawladnimada oo isugu urursan golaha fulinta (xukuumadda), golahaas oo ay awoodda oo dhami gacanta ugu jirto. Garsoorka iyo hantidhawrka oo ah laba tiir oo aanay la’aantood dawladnimo hagaagsani suurtoobi karin maanta Somaliland laga ma yaqaan, haddii ay jiraanna ma aha wax xukuumadda ka madaxbannaan. Inta aanay labadaasi awood iyo madaxbannaani lahayn laga ma yaabo in la helo dawladnimo hagaagsan, ama in musuqmaasuqa laga baxo, ama xaqsoor la helo.

Bulshaduna dhaqanka caynkaas ah ayay qaayibtay oo maalinba kooxda talada haysa ayaa ah “dawladda”, kooxdaas ayaana dalka waxa ay doonto ka samaysa. Muwaaddinku waxa uu xabsiga ku galaa telefoon nin siyaasi ahi diro. Wargeyska sidii Xiddigta Oktoobar noqon waayaa waa xaraan. Khasnadda qaranka iyo jeebka siyaasigu waa isku mid qudha. Madaxweynuhuna waa ilaah la caabudo iyo sheyddaanka la iska naaro isku mar qudha iyada oo labada jeerba lagu qiimaynayo maskax garashadeedu liidato.

Bilawgii waxaa wax lagu soo dhisay habka tolnimada iyo hiddihii soojireenka ahaa. Berigaa dad baa moodayay in ay tahay si badownimo ah oo aan dawladnimo ku shaqayn karin. Guul bay se dhashay oo maanta shisheeye iyo sokeeyaba waxaa la isla qiray fikraddaasi in ay ahayd mid kudayasho u leh Afrikada burburtay oo dhan. Ha ahaatee maalintaaba qof waliba wuu garan karayay in ay tahay xaalad kumeelgaadh ah oo laga bixi doono. Mar uun bay garashada qummani diidi doontaa dawladnimo casri ah in aan lagu wadi karin ”reer hebelow waa idinku intaa annaga waa nagu intan”.Laba iyo labaatan sannadood ka dib arrintu weli waxa ay taagan tahay bartii laga soo unkay. Waxa qudha ee soo kordhay waa ururrada siyaasadeed oo qudhoodu tolal ku wada tiirsan.

Danta xisbiyada laga yeeshaa haddii ay tahay dimuqraadiyadayn, dawladnimo wanaag iyo xaqsoor, oo ay tahay in ay weel u noqdaan aragtiyaha iyo danaha ka la duduwan ee qaybaha bulshada, kuwa Somaliland iyaga ayaa sabab u noqda qabyaaladda iyo qaybinta dadweynaha, waayo fikir kale oo ay ku dhisan yihiin baan jirin. Dadka xisbiyada ku wada jiraa ma laha aragti midaysa aan ahayn in ay madaxnimada wadajir u ugaadhsadaan. Haddii wax kale oo mideeyaa jiri lahaayeen qofku sida xoolo baadi ah marba dhan u ma tasoobeen ee xisbiga ay isku fikirka yihiin buu ku ekaan lahaa. Fariidnimada ugu weyni maanta waa in ay dhawr nin oo ka la reero ahi calan xisbi isku wada sawiraan si ay u qaldaan bulshada miskiinadda ah ee indhaheedu ina hebelkooda uun garanayaan. Wax kale oo meesha yaallaa ma jiraan. Udub oo ahaa xisbigii ugu adkaa waxa uu jiray oo keliya intii ay kooxdiisu talada haysay, maalintii xilka laga wareejiyay ayuuna nin waliba reerkoodii u carraabay. Ifafaalaha Kulmiye ka muuqdaana kaa ka ma duwana. Doorashadooda soo socota haddii ay isla dhaafaan ayay nasiib lee yihiin.

Dawladnimada sidaa u aragga xun nin wal oo maanta hoggaamiye ka noqda hawl weyn baa hor taalla. Haddana dhanka kale madaxnimada xilligan waxaa ku jirta fursad taariikheed oo wanaagsan, waayo waxa aad reebi kartaa raad iyo waxqabad qiimi leh oo lagugu xusuusto. Haddii halkaa laga eego Axmed-Siilaanyo dharaartii uu xilka la wareegay guul baa u dagatay. Waa ruugcaddaa aan Geeska Afrika oo dhan cidina ugu aqoon iyo waayo’aragnimo badnayn dawladnimo waxa ay tahay. Sidaa darteed qabyada iyo cudurrada jira oo dhan wuu ka dheregsanaa. Wax walba in lagu bixiyo in la ka la furfuro tolnimada iyo dawladnimada, iyo hirgelinta hay’adaha dawladnimada isu dheellitira, ayaa ah labada waajib ee ugu horreeya waxqabadka laga sugayay.

Axmed-Siilaanyo in uu garsoorka iyo hantidhawrka curyaansan dhaqaajiyo ilaa imika Ilaahay ma waafajin. Mar haddii aanay taasi dhicin wax waliba waxa ay isaga socdaan sidii xumayd ee uu ugu yimid. Musuqmaasuqa aan cidina ka xisaabtami karin, ku tumashada xorriyadda muwaaddinka iyo batraannimadii siyaasigu weli waa tabtii. Weli se waqti buu haystaa. Inta xilligiisa ka hadhay ma ku dhacaa taabbagelinta hay’ado dawladeed oo hawlahooda u madaxbannaan, gaar ahaan garsoor iyo hantidhawr masuuliyiinta la xisaabtami kara? Ma ka badbaadi karaa muddada xilkiisa in aanu ku dhammaysan in uu madaxweyne uun iska ahaado dabadeed wax walba sidoodii kaga tago ee wax looga aayo ka tago? Wayddiintaasi macno weyn bay u lee dahay taariikhda Somaliland iyo ta qof ahaaneed ee Axmed-Siilaanyo labadaba.

Rabadaan wanaagsan!

No comments: