Tuesday, July 23, 2013

PRESS STATEMENT - WAXAANU SOO DHAWAYNAYAAN IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH EE LAGA FURAY SOMALILAND


“inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah ay uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland ayaa waxan is waydiiyay oo tolow ma ILAAHII abuuray ayay Mucaaridadii Siilaanyo la gashay Boobe” .......................Gudoomiyaha HORNWATCH




Date:                         22 July 2013

Subject:       Press Statement

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda markii ugu horaysay caasimada Somaliland.
“Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu Madaxwayne Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah oo  24 saacadood 7 maamlmood ee todobaadkii dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo nasahnaaye” sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland taasi oo aan anigu is waydiiyay oo tolow ma ILAAHII abuuray ayay Mucaaridadii Siilaanyo ula gashay Boobe mise .... waxa uu ka dhex arkay .....”.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan, waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano xafidka mujtamaceena.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch, waxay EEBE uga baryaysaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada iyo dhamaan cid kasta oo hirgalinteeda kala qaybqaadatay ka hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah dalka Somaliland in uu RABI ajar iyo xasanaad ugu bedelo, ugana dhigo sahay ay si fudud kaga gudbaan Jidka Siraad maalinta xisaabta wayn ee Aakhiro.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay ku dhiirigalinaysaa xukuumada Somaliland in ay magaalooyinka kale ee Somaliland ka hirgaliyaan idaacadan oo kale, sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa Ganacsatada Somaliland in lacagtooda ku iibsadaan inta aanay dhiman ka hor Janadda EEBE oo ay qaybo ka mid ah maaliyada ILAAHAY siiyay ku bixiyaan sidii looga hirgalin lahaa Idaacado Quraanka Kariimka ah Gobolada iyo Magaalooyinka dalka ee wali dhegaysiga Idaacada Quraanka Kariimka ahi aanay gaadhin.

ILAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HornWatch)

No comments: