Wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia iyo Masar Tedros Adhanom iyo Kamel Amr |
Wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia iyo Masar Tedros Adhanom iyo Kamel Amr ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxa ay ku saxiixdeen halkaas heshiis ah in la qabolojiyo xiisadda ka taagan labada waddan ee ku qotanta wabiga Niil.
“Waxaan ku heshiinay in si degdeg ah labada wadan ay u magacaabaan guddi farsamo oo ka soo tala bixiya heerka ay hadda wax marayaa xag farsamo iyo siyaasad,” Sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Salaasadii wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom
Wasiirka arrimaha dibedda Masar Kamel Camr oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa in dhammaan wax yaabaha ay ka wadahaleen isaga iyo dhiggiisa Ethiopia ay ahaayeen wax aad u wanaagsan.
Wakaalada wararka AFP ayaa ku soo warrantay in la badan wasiir arrimo dibadeed ay muujiyeen in mustaqbalka la qaban doono kulamo kale oo dheeraad oo looga hadlo xaaladda biyaha wabiga Niil.
“Xiriirka Masar iyo Ethiopia waa weli mid jirra waa wadamo walaalo ah, waxaa noo furan labo arrin waa in aan si wadajir ugu dabaalano ama aan u quusno . waxaan u maleenayaa in dooq Ethiopia uu yahay dooq Masar in si wadajir ah loogu dabaasho,” sidaas waxaa yiri Mr Tedros oo ay soo xigatay wakaalada wararka AFP..
Kulankan ayaa yimid markii dowladda Masar ay ka soo horjeesatay Ethiopia in ay biyo xireen ka sameesato wabiga Niil taasoo ay dooneyso in ay koranto ka dhaliso.
Masar waxa ay ka digtay yaraansho ku imaanaya biyaha la siiyo 84-milyan oo qof oo ku nool dalkeeda.
Toddobaadkii horre, madaxweynaha Masar Mohamed Morsi ayaa sheegay in aaney doonin dagaal balse in aan laga waantoobi doonin wax kasta oo lagu difaacayo biyaha ay lee dahay Masar.
Mr Morsi ayaa yiri wax kasta oo noo furan kama laaban doono si aan u difaacno biyaha aan lee nahay, taasoo dadka wax odorasa ay lee yihiin waxaa loo fasiran karaa in Masar ay diyaar u tahay dagaal.
Baarlamaanka Ethiopia ayaa toddobaadkii horre isku raacay in wax la badalo heshiiskii lagu qaybsaday wabiga Niil, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in wax badan la siiyay waddamada Masar iyo Sudan.
Waddamoi badan oo ku yaalla qaaradda sida Rwanda, Tanzania, Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa dhawaan ku heshiiyay in wax laga badalo heshiiskii lagu saxiixay wabiga Niil, sannadkii 1929-kii kaasoo ay garwadeen ka ahayd dowladda Britain.
Dowladda Ethiopia wayaa sheegtay in biyo xireenka ay dhisaneyso ay uu ku kici doono ilaa $4.7bn (£3.1bn) kaasoo bixinaya mashruuc koranto oo gaaraya ilaa 6,000 megawatts.
Wabiga Niil waxaa uu wuxuu biyo siiyaa 11 waddano oo sida laga soo xigtay dadka ku xeel dheer arrimahana wuxuu gaarayaa 6,695.
No comments:
Post a Comment