Wednesday, July 17, 2013

Dowladda Ireland oo magangelyo siisey qaxooti Soomaali ah


War saxaafadaed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha jasiirada Malta ayaa lugu caddeyey in tiro ka mid ah Soomaalida qaxooti ku ah Malta inay magangelyo ka helen dowladda Ireland.

Illaa 10-qof oo ka socdey saddex qoys ayaa maanta ka ambabaxay dalka Malta kaddib markii ay dowladda Ireland u ogolaatay in ay siiso magangelyo,qoyosaskaan ayaa ka mid ahaa kuwo muddo ku jirey xaro ku taala jasiirada Malta.

Manuel Mallia wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dalka Malta ayaa sheegey inay ka mahadcelinayaan magangelyo siinta ay ufudisey Ireland qoxootiyada Soomaalida ah,waxana uu ugu baaqey in dowladda caalamka ay soo dhugtan shacabka Soomaaliyed ee dhibta badan u soo marey inay helan nolal dhanta tan Soomaaliya taala.

“Waxaa caalamku dhan uu ka dharagsan yahay dhibta iyo amnidarada ka jirta Soomaaliya,marwalba waxana Tv-yada iyo wargesyadda ka aragna inay dhibaateysan yihiin qoysas Soomaali ah waa in ay helan caawinad si ay nolal wanagsan u helan”ayuu yiri Manuel Mallia wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dalka Malta.

Ireland ayaa noqonaysa inay markeedi saddexad siiso magangelyo qaxooti Soomaali ah oo ku nool dalka Malta.

Waxaa wali ku nool dalka Malta kumaanan Soomaali ah kuwaaso qoxooti ah ujooga dalka iyagoona kusoo safra badda,waxana ay Malta ka mid tahay dalalka dadka Soomaali ah ay ka galan wadamada reer galbeedka.
Kadib markii warkaan u kasoo baxay safaaradda Ireland ayaa waxaa markiba ka jawaabey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dalka Malta Manuel Mallia kasoo ku tilmamey talaabadan mid farxad galineysa shacabka Soomaaliyed ee dhibatoyinka dalkood ka jira kasoo cararey si ay u helaan nolal dhanta tan hadda dalkooda ka jirta.

No comments: