Diyaaraddii SH Xasan Daahir Aweys galabta Maqribkii kasoo qaaday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa gaadhay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Waxana markiiba la wareegay ciidanka sida gaarka u tababaran ee wajiyada duubta oo loo yaqaano ALPHA GROUP.
SH Xasan Daahir Aweys oo 3dii maalmood ee u danbeeyey ay wadahadallo
isdaba joog ah magaalada Cadaado kula yeelanayeen wafti ka socday
dowladda Soomaaliya oo gaaray Cadaado,wufuud ka yimi magaalooyinka
Guriceel, Dhuusamareeb iyo masuuliyiinta maamulka Ximan iyo xeeb ayaa
kusoo dhammaaday in SH Xasan Daahir Aweys lagu qanciyo inuu Muqdisho
yimaado.
Diyaarad gaar ah oo galabta Gabbal dhicii magaalada Cadaado ka soo
qaadday SH Xasan Daahir Aweys ayaa daqiiqado ka hor kasoo dagtay
garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, SH Xasan ayaa waxaa la socda
madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb,waftigii ka socday dowladda ee
Cadaado gaaray masuuliyiin kasoo raacay gobolada dhexe iyo 20 askari oo
ka tirsan ciidanka maamulka Ximan iyo xeeb oo loogu tala galay sugidda
amniga Waftiga,SH Xasan iyo masuuliyiinta maalmihii danbe la shirsanaa
ayaa la sheegayaa iney gaareen heshiis afka ah oo aan ilaa hadda la
qeexin waxa uu ka kooban yahay.
SH Xasan Daahir Aweys ayaa maalmahan oo idil ka dhega adaygayey
talooyinka waftiga Cadaado gaaray ee ku saabsanaa inuu waftiga Muqdisho
usoo raacay iskuna dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya.
Amniga garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Caawa la wareegay ciidamada
gaarka ah ee nabad sugidda ee loo yaqaano Gaashaan kuwaas oo gabi
ahaanba Ciidankii garoonka hore u joogay kala wareegay sugidda
amniga,Wariyaasha ayaa loo diiday iney gudaha u galaan
garoonka,masuuliyiinta garoonka ayaa sheegay inaan saxaafadda loo
ogoleen iney wax sawir ah ka qaataan SH Xasan Daahir.
Waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay si faah faahsan uga
hadasho saacadaha soo socda arinta SH Xasan Daahir Aweys iyo
imaanshihiisa magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay muddo dhowr sano
ah.
No comments:
Post a Comment