Baraawe - Hogaamiyaha Kooxda Alshabaab Ahmed Abdi Godane
ayaa ku amray guutooyin uu sheegay inay ku sugan yihiin Gal-guduud iyo Bay iyo
Bakool inay gacanta kusoo dhigaan Xasan Daahir Aways iyo Muqtaar Rooboow Abu
Mansuur.
Amiirka Al-shabaab wuxuu sidaa ka sheegay mar uu Maanta Shir jaraa,id kuqabtay Magaalada
Baraawe ee Gobolka Sh/Hosse, kaas oo uu
kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Ururka Alshabaab iyo sida uu kusoo
bilaabmay.
Wuxuuna Xusay in khilaafka intiisii badnayd la
xaliyey, balse ay hadhsan tahay oo
kaliya in gacanta lagusoo dhigo Hasan Dahir Aways iyo Abuu-mansuur Muqtaar Roobow, wuxuuna
wacad kumaray inuu gacanta kusoo dhigayo idanka eebe maalmaha soosocda. Sidoo
kale wuxuu sheegay inay Amar ku qabaan Mujaahidiintu inay ku beegsadaan
goobkasta oo ay kusugan tihiin.
Amiirka Alshabaab ayaa arrinta khilaafka ku macneeyay
inay jiraan kuwa diinta Alleh ku
gadanaya waxooggaa saldanad ah, Balse
waxaan marsiin doonaa shareecada waxay kaqabto cida kahortimaada uulu-amriga,
ayuu yidhi, wuxuuna sheegay inay heshiis Hosaad kujireen mudo dheer laga soo
bilaabo sanadkii 2012 bishii August ilaa iyo xiligaan ayuu yidhi Abuu-zubayr.
Dhinaca kale Amiirka Al-shabaab wuxuu sheegay
inuu dilay shaqsiyaad basaasiin ku ahaa islaamka, kuwaas oo uu xusay
inay banaan-tahay in ladilo Cidkasta oo
falkaasi ku cadaado.Wuxuuna ugu baaqay guutooyinka ku sugan Galgaduud iyo sidoo Bay-Bakool inay gacanta Kusoo dhigaan Hassan
Daahir Aways iyo Roobow Abuu-mansuur.
Hase yeeshee Ahmed Godane ayaan soo hadal-qaadin
Ibaraahim Afqaani oo weerar lagu soo qaaday todobaadkan guriga uu degnaa ee
Marka ku dhaawacmay, isla markaana dhaawaciisa ka dib wararka qaar sheegayan
inuu dhintay.
Weerarkaa oo malayshiyo 800 gaadhaya oo kooxda Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane
ku qaadeen kooxda ay hogaaminayeen Xasan Daahir Aways iyo Ibraahin Afgaani ayaa
la sheegayaa inuu ku waajahnaa Afgaani iyo nin lagu magcaabo Burhaan oo mar
madax ka ahaa garabka lagu magcaabo Jabhada ee sida Milateriga u dagaalanta.
Wuxuuna weerarkaasi sababay dhaawac soo gaadhay Afgaani
iyo saraakiil kale iyo sidoo kale qabashada ilaa 7 ka mid ah saraakiil madax ka
ah Al-shabaab, balse garabka mucaaradka ah la safnaa, iyadoo dhimashada
khasaaraha weerarkaa aan war cad laga hayn, balse Sheekh Xasan Daahir iyo
saraakil kale ay u firxadeen dhinaca Cadaaddo, halka Muqtaar Rooboow Abu
Mansuur u firxaday dhinaca Bay iyo Bakool.
Hogamiyaha Al-shabaab Abu Subayr kama hadlin dhacdooyinkaa, mana soo hadal
qaadin halka ay ku danbeeyeen rag badan oo la layahay meel ay u firxadeen iyo
kuwa dhaawaca lagu qabtay, ama is dhiibay markii loo awood sheegtay, balse
wuxuu shaaca kaqaaday inay Gacanta ku Dhigayaan shaqsiyaad lashaqayn jiray kuwa
falaagoobay.
Amiirka Alshabaab ayaa hanjabaada uu jeediyay weerarka uu
ku qaaday kooxda ka dib, waxa lala xidhiidhiyay khilaaf mudo soo jiitamayay oo
u dhexeeyay garabka uu hogaamiyo iyo garabka kale ee ay ka mid ahaayeen Xasan
Daahir Aways, Ibraahin Afgaani oo loo yaqaan Sheekh Ububakar Al-selici, Abu
Mansuur (Muqtaar Rooboow), Shafiiq Hammami oo loo yaqaan Al-amerki, Bilaal
Barjaawi (Burhaan), Fu’aad Shangole iyo rag kale, kuwaas oo ka hor intii aan
weerarka lagu qaadin doonayay inay ku dhawaaqaan Urur ka madax banaanAxmed Cabdi
Godane.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ibraahin
Afgaani dhaawaciisa loo qaaday dhinaca Diinsoor, halkaas oo looga sii gudbiyay
dhinaca Bu’aale oo ka mid ah deegaamada kooxda Amiirka Al-shabaab gacanta ku
hayso, balse warar kale ayaa sheegaya in Afgaani uu dhintay kadib dhaawac kasoo
gaadhay Lugaha iyo Caloosha, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya
dhimashada Afgaani.
HALKAN KA DHAGAYSO SHIR JARAA'ID OO AY AL SHABAAB GARABKA AMIIRKA AHMED ABDI GODANE KAGA HADLAYAAN DILKA BARAAWE OO MADAX SARE ALSHAAB KA TIRSAN AY KU KHAARAJIYEEN:
http://radiohadhwanaag.net/Audio/ShMuscabIyoDilkiiBaraawe.mp3
Source: Baligubadlemedia.com & hadhwanaagnews.com
No comments:
Post a Comment