Friday, June 28, 2013

Kooxaha Ictisaam iyo Salafi oo Khilaaf ka Dhex Curtay

Burco - labada koox Diimeed ee la kala yidhaahdo Ictisaam iyo Salafi ayuu ku dhex taagan yahay khilaaf muddo soo socday, kaasoo toddobaadkan si rasmi ah uga soo shaac baxay qaar ka mid ah masaajidada ay gacanta ku kala hayaan ee magaaladda Burco, kuwaas oo ay isku weydaarsadeen Qudbado is-duraya.

brekingKoox dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dibeda ka timi ayaa toddobaadkan oo dhan Qdbado ku lidi ah kooxda Salafka ka jeedisay masaajid ay maamulaan oo ku yaala magaaladda Burco, Qudbadahaas oo wariyaha gobolkaasi sheegay in ay ku wajahnaayeen kooxda kale ee Salafiyiinta la yidhaahdo, balse wax jawaab ah intii hore marna may bixin kooxda Salafiyiintu.

Sida uu wariyuhu ku soo waramayo xalay ayaya markii ugu horeysay kooxda Salafiyiintu jawaab ka bixiyeen qudbadihii Kooxda Ictisaam ku bar tilmaameedsanaysay, waxaanay qudbadaasi sii xoogaysay khilaafkii jiray oo marka hore dhinac ka socday.

Qudbadaha iska soo hoorjeeda ayaa magaaladda Burco ka dhex abuuraya xaasaasiyad Diimeed oo u dhaxeeya labada kooxood, kuwaasoo saamayn ku yeeshay bulshada inteedii kale, isla markaana waxa uu khilaafkoodu noqday mid laga hadal hayo goob kasta oo la isugu yimaado magaaladaasi.

Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) ayaa manta qudbadii Salaada Jimce kadib labada kooxood kala hadlay mid ka mid ah masaajidada Burco, waxaanu ka dalbaday in ay joojiyaan khilaafka ka dhex curtay, isagoo ku soo rogay in aanay masaajidada ka jeedin Karin qudbado danbe oo ay isku weerarayaan.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ilaa hada kamay hadal khilaafka u dhaxeeya labada kooxood,

Source: Waaheen

No comments: