Sunday, November 4, 2012

Murugada taal Somaliland Doorashada Horteed & Mawqifka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland




HORNWATCH Index:   S/land 119/1/12
Ku:       H. E. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’
Madaxwaynaha JSL
Xarunta Madaxtooyada Somaliland
Hargeisa, Somaliland

Ku:       Komishanka Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Xarunta Komishanka Doorashooyinka
Hargeisa, Somaliland

Og:      Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada Somaliland

Og:      Qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland

Og:      British, US, Denmark, Norway, Holland Embassies & EU, AU, IGAD regional offices in Ethiopia, Kenya

Og:      Human Rights Watch, Amnesty International, East &Horn of African Human Rights Defenders Network in Kampala, Uganda

Og:      National Endowment of Democracy, DANIDA, UN Somalia/Somaliland Political Office,  UN Independent Monitoring Committee on Somalia and Eretria embargo

Og:      Warbaahinta Gudo iyo Dibad





Public Statement                                               Released Today: 30 October 2012

Ujeedo: Murugada taal Somaliland Doorashada Horteed & Mawqifka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

Mudane Madaxwayne,

Difaacayaasha Dhexdhexaadka ah ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyad doonka ah oo ixtiraam farobadan kuugu haya xilka qaran ee ay shacabka Somaliland kuu doorteen, waxanu si xushmad leh kuula socodsiinaynaa werwerka aanu ka qabno xaaladaha uurku taalada leh ee haatan dalkeenu maraayo gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo amaanka muwaadiniinta, xadhiga sharcidarada ah, jidhdilka iyo gabood falada kale ee lidka ku ah xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee dastuuriga ah oo hay’adaha sharcifulinta Somaliland ay la beegsanayaan muwaadiniinta iyo ajaanibka dalka ku sugan, farogalinta ay xukuumadaadu la bartilmaameedsanayso xisbiyada iyo ururada mucaaridka ah
qaarkood, iyadoo ay xukuumadaaduna u isticmaalayso hantidii qaranka ku soo saarista musharixiinta ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye. Sidoo kale falalka lidka ku ah maamul wanaaga ee ka jira hay’adaha sarsare ee xukuumada iyadoo Komishanka Sare ee Doorashooyinka Qarankana ay dibada haatan u soo baxeen falal musuqmaasuq oo ay ku kaceen.
Waxanu Mudane Madaxwayne quudaraynaynaa in aad talaabooyin wax ku ool ah ka qaadi doonto dhibaatooyinkan aanu kuu soo bandhigayno.
Xadgudubyada lidka ku ah Suxufiyiinta Madaxabanaan ee Somaliland:
Tan iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo haatan laga joogo 22 sanadood waxa markii ugu horaysay dalka Somaliland gudihiisa qudha lagaga jaray wariyihii ugu horeeyay oo ka tirsanaa saxaafada madaxabanaan Wariye Ahmed Saakin Farax oo telefishanka Universal uga soo warami jiray magaalada Laascaanood isla markaasina ahaa wakiilkii ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee gobolka Sool. Dilka wariyahan ayaa imanaya iyadoo doorashooyinkii dawladaha hoose ay ka hadhsan yihiin in ka yar bil iyo badh, iyadoo xukuumada Somalilandna aanay ka hadal falkaasi tacsi mooyaane, iyadoo tan iyo markii xukunka dalka uu la wareegay madaxwayne Siilaanyo uu kor u kac xaddhaaf ahi ku yimi tacadiyada ay xukuumadiisu ku hayso warbaahinta madaxabanaan iyo hawlwadeenadaba oo si joogto ah ula kulma handadaad, xadhig sharcidaro ah, iyadoo laga maanaco helida wararka. Waxana ay diiwaangaliyeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland xadgudubyo aad uga tiro badan tacadiyadii ay saxaafada madaxa banaan u gaysan jireen xukuumadihii ka horeeyay xukuumadan Siilaanyo.

Hay’adaha Sharcifulinta Somaliland iyo Xadhiga Sharcidarada ah, Jidhdilka ee Muwaadiniinta:

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa xogogaal u noqday in xadhiga sharcidarada ah, jidhdilka, bahdilaada iyo gaboodfalada ay hay’adaha sharcifulinta Somaliland la beegsadaan muwaadiniinta iyo ajaanibka ku sugan dalka gudihiisu uu aad u kordhay xiligan ay kaabiga inagu soo hayso doorashooyinkii dawladaha hoose. 20 October 2012 Ciidamada Qaranka ee fadhigoodu yahay Bariisle oo duleedka Lawyocado ku taal ayaa 18 ruux oo rayid ah kuwaasi oo isugu jiray 15 reer Somaliland ah, 2 reer Somalia ah iyo hal Itoobiyaan ah ka soo qabqabteen magaalada xuduuda ku taala ee Lawyo-cado, iyadoo markii ay qabqabanayeen ciidanku ragaasi si fool xun u garaacay, habeenkii koowaad waxa lagu xidhay Lawyo-cado, habeenkii labaadna waxa loo qaaday oo lagu xidhay tuulada Geerisa, iyadoo aroornimadiina lagu soo qaaday baabuur Ciidanka Qaranka Somaliland leeyihiin iyagoo dhamaan ragaasi xadhko loogu xidhxidhay dhigahii baabuurka ayaa si toos ah waxa loo keenay oo lagu xabisay xerada ciidamada qaranka ee Birjeex oo ku taal Hargeisa. Qaar ka mid ah dadkan rayidka ah waxa ay ka mid ah
  1. Jamaal Cabdi Habane
  2. Ahmed Cabdi Habane
  3. Maxamed Carab Maxamuud
  4. Cabdi Farax Samade
  5. Ahmed Abdilaahi
  6. Liibaan Sahal
  7. Cabdixakiim xuseen Liibaan
  8. Cilmixakiim Xaashi Hufane
  9. Maxamed Barkhad Aanayte
  10. Muuse Xasan Warsame
  11. Faarax Maxamed Xasan
  12. Najax jaamac Roble
Markii ay labo maalmood ku xidhnaayeen xabsi ciidan oo ku dhexyaala xerada ciidanka qaranka ee Birjeex ayaa la horgeeyay dhamaan dadkan maxkamada ciidamada taasi oo waydiisay maxaabiistan in ay ka tirsanaayeen Gaaska 1aad ee ciidanka Qaranka, waxayna maxaabiistani ugu jawaabeen ma nihin ciidan waligayana ciidan ma aanaan noqon. Kadib waxa loo qaaday dhinaca xabsiga Hargeisa si loogu xidho balse waxa ku diiday oo ku gacan saydhay in ay qabtaan maxaabiistan maamulka Xabsiga Dhexe ee Hargeisa, kuwaasi oo u sheegay in ay kaliya qabtaan maxaabiista sifo sharci ah loogu soo gudbiyo. Kadib waxa dib loogu celiyay maxaabiistan xabsigii ciidanka ee ku yaalay xerada Birjeex dhexdeeda.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa layaab iyo fajac ku noqotay tan iyo markiii dalka laga xoreeyay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Siyaad Barre oo xerada ciidanka ee Birjeex u isticmaali jiray tacadiyada iyo naxariisdarada ee uu u gaysan jiray muwaadiniinta reer Somaliland ayaa nasiibdarada dhacday waxay in 22 sano kadib markii ugu horaysay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay bilowday in sifo sharci daro ah oo lafjab ku ah xoriyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee uu jideeyay dastuurka Somaliland dalka ay kula kacdo qaar ka tirsan muwaadiniinta Somaliland oo haatan mudo toban habeen ah ku xabisan xerada ciidamada ee Birjeex, goobtan lagu xabisay muwaadiniintan ayaa ah goob gabi ahaanba ay xaaraantinimaynayaan shuruucda dalku in lagu xidho dad rayid ah, sidoo kale ilaa iyo haatan lama horgaynin maxaabiistan maxkamada sharcigu ogol yahay.

Farogalinta Xukuumada ee Xisbiyada/Ururada mucaaridka Qaarkood: 

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay diiwaangaliyeen falal farigalin toos ah oo ay xukuumadda Somaliland la bartilmaameedsatay labada Xisbi/Urur siyaasadeed ee ugu waawayn asxaabta siyaasada ee mucaaridka Somaliland, kuwaasi oo kala ah Xisbiga UCID iyo ururka UMADDA, iyadoo Xukuumada Siilaanyo qaaday talaabooyin ay ku kala furfurayso hogaamada sarsare ee labadan xisbi mucaarid iyadoo ugu balanqaadaysay xilal iyo lacag tiro badan waxayna weeraradan noocan ah xukuumada Siilaanyo u adeegsatay hogaamiyayaal dhaqameedyada gaar ahaan salaadiinta iyo cuqaasha beelaha Somaliland, shirqoolkii ugu dambeeyay waxa xukuumadu la beegsatay gudoomiye ku xigeenkii 3aad ee xisbiga UMADA oo isagu iska casilay xilkii sare ee uu ururkaasi UMADA ka hayay. Gudoomiyaha Ururka UMADA ayaa isagoo arintan ka hadlayana waxa uu warbaahinta u cadeeyay in Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururkiisana ay si toos ah xukuumada Siilaanyo ula soo xidhiidheen iyagoo kula baayactamay in uu iska casilo xilka uu ururka UMADDA taasi badelkeedana uu heli doono lacag aad u farobadan iyo waliba xil sare.

Sidoo kale musharaxiin ka tirsan Xisbiga UCID oo u tartamaya doorashada dawlada hoose ayaa u xaqiijiyay in xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga taladda haya ee KULIMIYE ay la soo xidhiidheen oo ay ku qalqaaliyeen in ay ka tanaasulaan tartanka ay xisbiga UCID uga sharaxanyihiin taasi bedelkeedana ay xukuumada ka heli doonaan hanta iyo xilal u qalma.

Falalka noocan ah ayaa gabi ahaanba wajigabax fool xun ku ah geedi socodkii dimuquraadiyada Somaliland taasi oo dhaawac xun u gaysanaysa isla markaasina shaki galinaysa in Somaliland ay ka dhici karto doorasho xor ah oo xalaal ahi.

Haddii ay xukuumada Somaliland sii wado talaabooyinka noocan ahna waxay fashil ku keenaysaa doorashada haatan ay ka hadhsan tahay 30 maalmood, sidoo kale waxay dhaawaci kartaa hantida ugu qaalisan ee umadda Somaliland haysato oo ah nabadgalyada.

U Isticmaalka Ololaha Doorashada Hantidii Qaranka ee Xukuumada: 

Dhinaca kale waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay xogogaal u noqdeen in ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay u isticmaalayso hantidii Qaranka ololahooda doorashada Dawladaha Hoose, iyadoo ay xafiisyo ugu furayso dadka ka sharaxan xisbigooda, isla markaasina hantidaasi siinaysa cuqaal, salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedo ay filayso in ay saamayn ku yeelan karaan cida ay beelaha ay ka soo jeedaan u codayn karaan.

Talaabooyinka noocan ah ee xukuumadu ugu tagrifalayso hantida umadda u dhexda ahi waxay dhiirigalisaa in habdhaqanka xun ee laaluushka iyo musuqmaasuqu ay ku sii xididaystaan shacbiga dhexdiisa oo uu ka mid noqto caadooyinka lama dhaafaanka ah taasi oo naafaysa danta guud ee dalka. Sidoo kale waa xanuunada ugu xun ee burburiya nidaam kasta oo dimuquraadi ah.

Sidaasi darteed, waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland cod dheer ugaga codsanayaan Madaxwayne Siilaanyo in uu sida ugu dhaqsaha badan u joojisaa in ay shilin ka mid ah hantida qaranka u isticmaalin ololahooda doorashooyinka nooc ay doonaanba ha ahaadeene. Waxana aanu xasuusinaynaa in haddii hanta qaran dawladi ku sii joogi karayso in ay UDUB ku sii joogi lahayd.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo in sida ugu dhaqsaha badan u dajiyo sharcigii damaano qaadi lahaa in aanay olole doorasho u isticmaalin HANTI QARAN xukuumad kasta oo qaranka Somaliland uu yeesho, sharcigaasi marka ay samaysayso oo golaha wasiiradu ansixiyaan waa in ay Madaxwayne Siilaanyo si degdeg ah ugu gudbiyaa golayaasha sharci dajinta si ay uga doodaan una ansixyaan isagoo ka codsanaya madaxwaynuhu golayaasha sharci dajinta in ay degdeg u gudo galaan sharciga ugana qabsadaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Musuqmaasuqa Komishanka Sare ee Doorashooyinka Qaranka iyo Madmadowga ku jira Xeerka doorashooyinka D/hoose: 

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si taxadar badan ugu dhabo galayay xilgudashada Komishanka Sare ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayay ku ogaadeen in qaab uu madmadow badani ku jiro ay u maamulayaan qadaraasyada gudigaasi bixinayaan si ay u qabtaan doorashadan Dawladaha Hoose, iyagoo bixinta qandaraasyadaasi aan u marin habkii sharcigu ogolaa oo ah in ay si dhex ah u naadiyaan. Balse taasi bedelkeeda waxay qandaraasyadaasi siiyeen shirkado iyo ashkhaas ay masaaliix gaar ah ka helayaan.

Waxana talaabooyinkan musuqmaasuq ee hogaanka sare ee  Komishanka Doorashooyinka Qaranku samaynayaan meesha ka saaraysaa sidii ay ku dhaarteen oo ahayd in ay dhex u noqdaan tartamayaasha iyo axsaabta siyaasada oo dhan. Waxana ay horseedi kartaa in ay ku dhawaaqi karaan go’aamo aan xalaal ahayn. Iyadoo dhinaca sharciyada lagu dhaqayo doorashada dawladaha hoosena uu galdaloolooyin badani ka jiraan gaar ahaan qodobka 6aad ee xeer lambar 14, oo ilaa hadda si sugan oo cad oo cadaalad ku salaysan aan loo fasirin inkastoo ay ka kulmeen jilayaasha doorashooyinka Somaliland. Marka lagu daro musuqmaasuqa ka jira hogaanka sare ee doorashooyinka Somaliland ayaa tani waxay daaha ka faydaysaa in gabi ahaanba ay macno ahaan dhabarka ay ka jaban tahay nidaamkii tacabka badani kaga baxay umadda reer Somaliland ee ay ku dhisayaan nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya.

Ilaalinta Hantida Muwaadiniintu waa waajib saaran xukuumada Somaliland:

Sanadihii ugu dambeeyay waxay shacbiga reer Somaliland dhibanayaal u noqdeen oo hantidoodiina lagu dhacay falal dhac ah oo ka mid ah kuwa ay umaduhu ka samaystaan dawladaha si ay uga ilaaliyaan hantidooda in lagu dhaco. Waxa ka mid ah falalkaasi kii loo yaqaanay Jiif oo jaq kaasi oo hanta malyuumaad dollar ah lagaga dhacay shacbiga saboolka ah ee ruuxii uu maalintii ku nool yahay in ka yar hal Dolarka Maraykanka ah.

Markale muwaadiniin farobadan ayaa saamiyo ku yeelatay shirkaddii xawaaladaha ee Qaran Express, maadaama oo ay dawlada Somaliland siisay ruqsadii ay dalka kaga shaqaynayso.

Balse xawaaladaasi waxaynu ognahay in ay masalaftay iyadoo tusaale ahaan reer Hargeisa oo kali ahi sheerarka ay gaadhayeen labo milyan iyo lix boqol oo kun oo Dolarka Maraykanka ah (US$2,600,000). Hantidan oo ilaa hadda wax war ah aanay ka haynin muwaadiniintii reer Somaliland ee iska lahaa, balse waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, nasiib wanaag u arkaan in hal fooq oo yar oo shirkadaasi ku leedahay badhtamaha farasmagaalaha caasimada Hargeisa, fooqaasi oo ah hantida kali ah ee shirkadaasi kacday ku leedahay guud ahaan dalka Somaliland.

Nasiibdaro, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay heleen xogo iyo xaqiiqooyin rasmi ah kuwaasi oo xubno ka tirsan hogaankii sare ee maamulka shirkadii Qaran Express ku doonayaan in si qarsoodi ah u iibiyaan fooqaasi. Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan Wasiirada labada wasaaradood ee Cadaalada iyo Maaliyadu arinkaasi hantida muwaadiniinta Somaliland ka jirtay Shirkadii Qaran Express u saaraan Gudi heer qaran ah oo culimada waawayn ee dalku ku jirto kuwaasi oo lagu wareejiyo Fooqaasi shirkadu ku lahayd dalka si ay ugu kireeyaan saamilaydii sifaha sharci saamiyada ugu lahayd shirkadaasi ee dalka Somaliland u dhashay. Habkaasi oo kali ah ayaanu u aragnaa in muwaadiniintaasi ku heli karaan hantida lagaga dhacay shirkadaasi, maadaama oo aanay dawlada Somaliland Bangiga Dhexe ee Qaranka ka dhigin shirkadaasi xawaalada ee kacday wax hanti damaanad ah oo hadii dhac ay u gaysato muwaadiniinta ay adeegyada u hayso la siiyo.

Waxa kale oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ugu baaqayaan Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada Maaliyadu in ay ku soo rogaan dhamaan xawaaladaha tirada badan ee sidii madaariska oo kale uga shaqeeya dalka oo qaar badan oo ka tirsan ay iska leeyihiin dad aan u dhalan dalku in lagu soo rago in ay baanka Dhexe ee Qaranka Somaliland ku soo shubaan hanta lacageed oo adag oo damaanad ka noqota hantida iyo adeega maaliyadeed ay ay shacbiga Somaliland u hayaan shirkadahaasi haddii dhac ku yimaado.

ILAAHAY AYAA MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch
Isla markaasina ah
Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

No comments: