Hargeysa
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto- Cabdilaahi Fadal Iimaan,
ayaa dadweynaha Somaliland ugu baaqay
inay ilaaliyaan nabad-gelyadda dalka maalinta Sabtida ee loo dabaal
degayo sanad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii
madax-banaanida Somaliland.
Taliyuhu
waxa uu soo bandhigay lambarada Telefoono dadweynuhu Booliska kala soo
xidhiidhi doonaan haddii ay arkaan waxa
ay uga shakiyaan nabadgelyada dalka.
Sidaasna
waxa uu taliyuhu ku sheegay jaraa’id oo uu galabta xafiiskiisa ku qabtay
Waxaanu halkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-
Sidaad
la socotaan waxa fooda innagu soo haysa sannad-guuradii 22aad ee Qaranimada JSL
oo ku beegan maalinta Sabtida ee 18 May 2013.
1. Marka hore waxaan guud ahaan
muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka Somaliland aanu la socodsiinayaa in
nabadgelyada guud ee dalku wanaagsan tahay.
2. Waxaan idiin sheegayaa
maadaama lagu jiro dabaal-dega 18 May in Ciidanka Booliska JSL dhammaan
gobolada dalka uu heegan buuxa ku jiro (Full Alert) iyagoo kaashanaya Hay’adaha
Amniga ee wada shaqayntu ka dhaxayso iyo dhammaan Ciidamada kala duwan ee
qalabka sida, waxaana idin la socodsiinayaa in dadweynaha Reer Somaliland oo gacan
weyn oo buuxda ka siiya Ciidanka Booliska ilaalinta nabadgelyada wax kasta oo
dareen ka galena soo gaadhsiiya Ciidanka Booliska waxaan halkan uga soo
jeedinayaa mahad balaadhan, waxaanan ka codsanayaa inay sii laban-laabaan
maadaama lagu jiro 18-ka May.
Waxa
kale oo aan dadweynaha Reer Somaliland la socodsiinayaa in goobaha ay Ciidamada
Qalabka sida ka dhaqaaqi doonaan iyo Ururada Bulshadu ay tusi doonaan Ciidanka
Nabadgelyada ilaalinaya goobaha loogu talo-galay inay dadweynuhu ka daawadaan.
Waxa
kale oo jira shaashado waddooyinka dhinacooda ku yaala oo si toos ah looga
daawan doono. Waxaan Bulshada Reer Somaliland si mug leh uga codsanaynaa inay
baraha loo cayimay ay ku ekaadaan.
Waxa
kale oo la xadidi doonaa dhaqdhaqaaqa Gaadiidka dhammaan dalka JSL inta
dabaal-degu socdo. Taas oo Ciidanka Boolisku uga dan leeyahay adkaynta
Nabadgelyada, waxaana Ciidanka Boolisku diyaariyay Tilifoono Landline ah oo
lagala soo xidhiidho doono oo Online ah, kuwaas oo kala ah:
SHIRKADA SOMTEL
Telephone
Number 7923169
Telephone
Number 7923170
SHIRKADA TELESOM
Telephone
Number 520175
Telephone
Number 520257
Telephone-nadaas
oo dadweynuhu wax kasta oo ay la kulmkaan la soo socodsiin doonaan.?