Thursday, May 16, 2013

WARGALIN DEGDEG AH: DHAMAAN SAAMILAYDII SOMALILAND EE XAWAALADII QARAN EXPRESS WAXA LA OGAYSIINAYAA


GUDIDA SAAMILAYDA SOMALILAND EE XAWAALADII QARAN EXPRESS waxay ku wargalinaysaa Dhamaan Saamilayda Somaliland ee Xawaaladii Qaran Express in Mudo 15 Maalmood ah Gudahood oo ka bilaabmata 16/5/2013 kuna Eeg 30/5/2013 kula soo xiriiraan Xafiiska Gudida Saamilayda Somaliland Ee Xawaaladii Qaran Express oo ku yaala Fooqa Baxsane ee Galbeed kaga soo jeeda Ex-National Cenima Dabaqa 2aad Qolka 111, si loola socodsiiyo Arimo Muhiim ah oo ku saabsan Saamiyadoodii. waxa lagu adkaynayaa in ay hore ka soo qaataan sawirka Photocopyga ah ee Shaahadadooda cadaynaysa Saamiyadooda.

Wixii Faahfaahin ah kala Xiriir Lamabarada Telephonadan hoos ku qoran oo ka mid ah Gudida Saamilayda

Mohamoud Haji Ali Bootaan:         0634429552
Mohamoud Abdi Hassan:                0634429998
Suleiman Ismail Bulale:                   0634426377 

No comments: