Search This Blog

Wednesday, May 15, 2013

WAR DEGDEG AH: Shirwaynihii ka Socday Kismaanyo oo Doortay Madaxweyne iyo K/xigeenkiisa uu Yeelanayo Maamul Goboleedka Jubaland

War goor dhaweyd soo gaarey warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in ergada shirka jublaland ay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland u doorteen Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Axmed Madoobe ayaa ku guuleystey wareegii hore ee doorashada sida uu sheegayo warka soo gaarey Horseed Media.

Ergooyinka fadhiyey hoolka shirka ee Jaamacadda Kismaayo ayaa ahaa 500 oo ergay oo metalayey beelaha degan labada Jubbo iyo Gedo, waxaana xilka Musharaxnimada isu soo taagey 3 Musharax oo kala ah:
  • Axmed Maxamed islaan (Shiikh Axmed Madoobe)
  • Hilowle Aadam Muxumud
  • Maxamed Nuur
Isla wareegii hore ee doorashada ayaa Axmed Madoobe heley codad ka badan 480 oo cod, mana jirin musharax kale oo u soo dhawaadey, Musharixiinta la tartameysey Madaxweynaha loo doortey Jubaland Axmed Madoobe ayaa isla goobta ugu hanbalyeeyey.

Axmed Madoobe ayaa xilka Madaxweynaha Jubbaland loo dhaariyey saddexda sano ee soo socda, waxaana uu soo dhisi doonaa gole wasiiro, marka la doorto kuxigeenada isla markaana ergadu soo saaraan 65 Xildhibaan oo Dowlad goboleedka Jubaland yeelanayo.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa khudbad kooban oo ka jeediyey shirkii lagu doortey sheegay in uu si caddaalad ah u shaqeyn doono, u dhex yahay dhamaan gobolada maamulkaasi ka kooban yahay, kana shaqeyn doono sidii maamulka loo wada gaarsiin lahaa Jubbooyinka iyo Gedo loogana xoreyn lahaa kooxa nabad diidka ah ee al-Shabaab.

Gen. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil fartaag ayaa loo doortey madaxweyne ku xigeenka jubaland sida ay sheegayaan warar Horseed Media heshey inkasta oo khadadka telefoonadu weli ay yihiin kuwo xiran.

Waa Dowlad goboleedkii labaad ee shir ka dhaca dalka Gudihiisa ayna isugu yimaadaan ergooyin Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolo kala duwan lagu yagleelo, kaas oo ka mid noqonaaya Federaalka Soomaaliya ee lagu heshiiyey.

Doorahsda Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maanta laga xusaayo Soomaaliya markii dhidibada loo taagey ururkii Xornima doonka Soomaaliyeed ee SYL kaas oo la asaasey 15 May 1943, ayna asaaseen 13 dhalinyaro ah oo ka dhiidhiyey xumaanta gumeysiga. Dhanka kale Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaaneysa iyada oo maanta Raysalwasaaraha Soomaaliya soo saarey wareegto uu ku magacaabayao 16 Xildhibaan iyo wasiir in ay galaan xalka Jubaland, kana shaqeeyaan dhismaha maamulkaas iyo sidii dowladdu isu fahmi lahaayeen, waxaa la isweydiinayaa shaqada u horeysa ee guddigan ma noqon doontaa in ay la fariistaan Madaxweynaha Jubaland loo doortey ee Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee Doorashada Axmed Madoobe waxay dhidibada u taageysa maamulka Jubland oo loo fadhiyey muddo ka badan 4 bilood, halka loo gogol xaarayey muddo sanado ka badan, Waxaa shirka lagu dhisay Jubaland ka soo horjeestey kuna tilmaamey mid aan sharciga waafaqsaneyn Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Xukuumadda Federaalka, waxana ay ku muteysteen in bulshada degta goboladaas ay marar badan ku banaanbaxaan muujiyaana carada ay ka qabaan diidmadooda.

No comments: