Search This Blog

Sunday, December 16, 2012

EEBOOW KA SOO GAADH JICIIR IYO UURCADE MAGAALADA HARGEYSA EEBOOW MUSTAQBALKII UBADKAY CUNEEN EE IFKA UGU SOO QADIN CADAABKAAGA

December 15, 2012
 

Waxan halkan ka salaamayaa dhammaan muwaadiniinta dhabta ah ee reer-Somaliland.  Marka labaad waxa ayaan darro ah in ay wali laalantahay ku-dhawaaqista sidii loo kala helay doorashadii ka dhacday degmada Hargeisa.  Waxa loo badinayaa hadal-haynteed aad la isula dhex-marayaa in murankaa iyo qalalaasahaa ka dhacay caasimadda Hargiesa uu gacan weyn ku leeyahay Maayar-Jiciir, waayo isaga dan ayaa ugu jirta in doorashadaa la isku qab-qabsado oo haddii au u suurto gashana gabigeedaba la baabi?yo si isaga iyo xaaraan-quutayaasha ka ag-dhaw uu cimrigu ugu sii dheeraado inta ay is-kaba-raacinayaan jajabsiga iyo ruugidda lafiyihii ka soo hadhay dhulkii danta-guud ee hareeraha iyo gudaha caasimadda Hargeisa, waaba haddii ay wali wax uga hadhsanyihiine, waxayse aad u jecelyihiin in ay sii leef-leefaan oon waxba looga dambaynin.

Habeen wal oo ay ku dhawaaqista go?aankii doorashooyinka degmada Hargeisa dib usii dhacdaaba wuxuu caasimadda Hargeisa u yahay habeen baas oo murugo leh, waayo wuxuu ku sii dheeraynayaa dhibaatada iyo dib-u-dhaca ay ku hayaan Maayar-Jiciir iyo xulafadiisa ma-naxayaasha ahi; Maayar-Jiciirna waxay u tahay bash-bash iyo badhaadhe waayo ma doonayo in uu gacanta kala baxo subaggaa dufanka badan ee uu sida dhib-yaridah u malafsanaayo, wayse ka qarsoontahay oo ma oga in uu balaayo iyo baas caloosha ka buuxsaday oo uu goor aan fogayn si weyn uga qoomamayn-doono.

Waxaynnu Ilaahay ka baryeynaa in uu Maayar-Jiciir iyo Ina-Uurcadde si deg-deg ah ummadda reer-Somaliland iyo caasimadda Hargeisaba uga soo gaadho si dibin-daabyadooda iyo boobka bilaa-naxariista ah ee ay dhulka iyo ummaddaba ku hayaan looga raysto, kuwo khayr-qaba oo daacdnimo ummadda ugu shaqeeye oon ka shaqaysanna oo beddelkooda keeno.

Wa-Billaahi-Tawfiiq

Somaliland-ha-noolaato
Fareh Abdu Mohammed

farehabdu@yahoo.com

Wasiirka Madaxtooyadda oo ay dhalinyaro Reer Axmed Dhagax ahi ku hor istaageen Cisbitaalka Adna oo uu Xaaskiisa keenay


Dadweyne u badan Dhalinyaro ayaa caawa fiidkii ku soo xoomay Cisbitaalka Adna Maternity ee magaaladda Hargeysa oo uu ku sugnaa Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi  X Cali  Xasan, kaasoo keenay xaaskiisa.
Dhalinyarada Cisbitaalka Hor tumani waxay ku dhawaaqayaan in loo soo saaro Xirsi, balse Adna Aadan oo ku sugan ayaa la sheegay inay u soo baxday si ay u kala dareeriso, hase yeeshee ilaa hada waxa la sheegayaa qaarkood inay diidan yihiin.
Dad goob jog ah oo Waaheen u soo waramaya ayaa sheegaya Xirsi inuu wali ku sugan yahay Cisbitaalka oo ay u suurtogeli kari la’dahay inuu ka soo baxo.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55614

Xukuumadda oo ku jirta qal-qaalo ay ku Iibinayso Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club



Saturday, December 15th, 2012

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta ayaa qoraal ay ku Amrayso inuu ku baneeyo Hotelka u qortay Maareeyaha Hargeysa Club, qoraalkaasoo lagu xusay inaanu wax faa’iido ah u soo hoynin Dawladda.

Inkasta oo aanu qoraal kaasi Waaheen si rasmi ah u soo gaadhin, hadana waxa u xaqiijiyay Ilo wareed rasmi ah oo arkay Amarkaasi ay wasaaraddu ku dalbanayso in lagu baneeyo.

Ilo wareedkaasi waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu qorshaynayso maadaama aanu Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club wax faa’iido ah u soo hoynayn inay Iibiso, isla markaana wax kale ku bedelato.
Hore Xukuumaddu waxay u iibisay wasaaraddii Duulista Hawada iyadoo sheegtay inay dhisme kale u samaynayso hase yeeshee waxa ay dib u kiraysatay isla xaruntii wasaaradaasi kadib markii ay dhisi weyday meel kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Hawlaha Guud ba waxay dhawaan soo kala saareen Digreetooyin ay Guryaha iyo dhismayaasha Dawladda gacantooda ugu soo celin lahaayeen.
Sidoo kale Hore waxa ay Xukuumaddu u soo saartay Qorshe ay ku doonayso inay Guryaha Dawladda Iibin doonto isla markaana ay ugu bdedli doonto dadweynaha Mashaariic Horumarineed oo ay shaqo ka helaan balse ilaa hada Qorshahaasi muu hirgelin.
Toddobaadkii horwena Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu si rasmi ah ugala wareegay Gurigii uu ku jiray wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda ee xukuumaddii Rayaale C/laahi Maxamed Ducaale kaasoo ku dhegsan Xarunta Madaxtooyadda.

source: http://waaheen.com/?p=55619



Friday, December 14, 2012

Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Oo Madaxtooyaddu U Xidhay Eedaymo Ururada Xuquuqal Iisaanku U Jeediyeen Wiil Madaxwaynuhu Sodog U Yahay




Thursday, December 13th, 2012


Ciidamadda dambi-baadhista ee CID-da ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama holding his Award

Ciidamadda CID-da ayaa Wariyaha xidhay ka dib markii saraakiil Madaxtooyadda ka tirsani soo gaadhsiiyeen waaran qabasho ah oo ay ka soo samaysteen Maxkamada Gobolka Hargeysa si loo xidho Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen.

Wariye Xuuto ayaa la xidhay ka dib markii Taliyaha Ciidamadda CID-da Maxamed Muuse Abraar uu la soo xidhiidhay isla-markaana uu ugu tagay xaruntooda, iyaga oo markaa ka dib u sheegay inuu xidhan yahay, haystaana waaran Maxkamadeed.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ciidamada CID-du u sheegeen in lagu haysto war ku soo baxay Wargeyska Waaheen, kaasi oo ku saabsanaa Wiil Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay oo Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq uu ku eedeeyay inuu sanad kasta boqolaal kun oo doolar ka qaato telefiishanka qaranka.

Ciidamadda CID-da ayaa Guddoomiye Xuuto u sheegay in looga baahan yahay inuu soo caddeeyo halka Wiilkaasi uu lacagtaasi kaga qaato telefiishanka iyo musuqmaasuqa uu ku kacay.

Warka baahintiisa lagu haysto Xuuto ayaa waxa uu afkiisa ka soo baxay Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq, balse Madaxtooyadda oo waarankan soo goosatay waxay ka warwareegtay inay toos u abaarto masuulkii hadalkaasi ka soo baxay, balse sida cad waxay waaran u soo samaysatay Guddoomiyaha Waaheen.

Short URL: http://waaheen.com/?p=55540


Somaliland Court Orders the Arrest of a Journalist for Covering Human Rights Day Events and Reporting on Corruption Allegations against the President’s Son-in-Law Lodged by Activists


Friday, December 14th, 2012 


Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama


The Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama, was summoned to the Criminal Investigation Department (CID) and detained on a court warrant issued by the Hargeisa regional court.  CID officials told the editor that the warrant was based on the paper’s coverage of events organized by independent human rights activities commemorating the 2012 Human Rights Day.

At the event the Chairman of the independent human rights activist spoke about rampant corruption by the government of public funds and in particular that funds for the National TV are diverted by the Son-in-Law of the President.  Other speakers made similar corruption allegations.  CID officials told Mr. Jama that he must prove the allegations made by the speakers and that he will be brought in front of a judge on Saturday 15 December.

Transparency has recently included Somaliland as one of the most corrupt countries in the world.
Mr. Jama has been detained many times and served more than a month under a three-year sentence imposed on him in 2010 for covering an interview by the then police commissioner.  He was subsequently awarded the 2011 CNN Africa Freedom of the Press Award.  This will be the second time Somaliland courts find fault for reporting on what officials say at public events. 

Short URL: http://waaheen.com/?p=55543

Abaarso Tech Headmaster calls Halbeegnews article false and misleading


Thursday, December 13, 2012

Abaarso Tech Press Release:

A recent article in Halbeeg News falsely claimed that one of our teachers was the headmaster of Abaarso Tech, and that Halbeeg has proof that this teacher told female students not to wear headscarves.


 I am the Abaarso Tech Headmaster and I can strongly say that Abaarso Tech is a Muslim school that would expel any female student who does not wear a headscarf, and would discipline or fire any teacher who told students not to wear a headscarf.  It is in the Abaarso Tech Student Handbook that all female students must wear head-scarves.  In addition, it is expected that even all female American teachers at Abaarso Tech wear head-scarves in public.  Anyone who has seen the Abaarso Tech female teachers would know that in fact they always respectfully cover themselves in class and when in public.

Unfortunately, this type of misleading story about Abaarso Tech is often told by individuals who try to damage Abaarso Tech for their personal benefit.  These individuals cannot attack Abaarso Tech’s academic success, so instead they try to portray the Americans as corrupting the religion.  Here are the facts:

Abaarso Tech has a large mosque on campus and all teachers sign a document that they will respect Islam and will not teach any other religions.

Abaarso Tech has recently implemented intense measures to keep male and female separation at all times.  Students breaking the rules face harsh punishments including long suspensions and expulsions.

Abaarso Tech has extremely tough policies against cheating and Abaarso Tech teaches Muslim values such as honesty and integrity.  Students who break the cheating policies face suspensions and expulsion.

If anyone has evidence of Abaarso Tech students or teachers acting in an inappropriate manner against Islam, then please bring this evidence to my attention so we can immediately act to correct the situation.  This includes any evidence that Halbeeg News claims to possess.

Finally, anyone who wants to know more about Abaarso Tech’s commitment to Islamic values should come visit the school so they can make their own judgement   Abaarso Tech is committed to becoming a great school that properly respects the Islamic religion.

Sincerely,

Jonathan Starr , Headmaster , Managing Director , Co-Founder 
Abaarso Tech