Waxan halkan ka salaamayaa dhammaan muwaadiniinta dhabta ah
ee reer-Somaliland. Marka labaad waxa
ayaan darro ah in ay wali laalantahay ku-dhawaaqista sidii loo kala helay
doorashadii ka dhacday degmada Hargeisa.
Waxa loo badinayaa hadal-haynteed aad la isula dhex-marayaa in murankaa
iyo qalalaasahaa ka dhacay caasimadda Hargiesa uu gacan weyn ku leeyahay
Maayar-Jiciir, waayo isaga dan ayaa ugu jirta in doorashadaa la isku
qab-qabsado oo haddii au u suurto gashana gabigeedaba la baabi?yo si isaga iyo
xaaraan-quutayaasha ka ag-dhaw uu cimrigu ugu sii dheeraado inta ay
is-kaba-raacinayaan jajabsiga iyo ruugidda lafiyihii ka soo hadhay dhulkii
danta-guud ee hareeraha iyo gudaha caasimadda Hargeisa, waaba haddii ay wali
wax uga hadhsanyihiine, waxayse aad u jecelyihiin in ay sii leef-leefaan oon
waxba looga dambaynin.
Habeen wal oo ay ku dhawaaqista go?aankii doorashooyinka
degmada Hargeisa dib usii dhacdaaba wuxuu caasimadda Hargeisa u yahay habeen
baas oo murugo leh, waayo wuxuu ku sii dheeraynayaa dhibaatada iyo dib-u-dhaca
ay ku hayaan Maayar-Jiciir iyo xulafadiisa ma-naxayaasha ahi; Maayar-Jiciirna
waxay u tahay bash-bash iyo badhaadhe waayo ma doonayo in uu gacanta kala baxo
subaggaa dufanka badan ee uu sida dhib-yaridah u malafsanaayo, wayse ka
qarsoontahay oo ma oga in uu balaayo iyo baas caloosha ka buuxsaday oo uu goor
aan fogayn si weyn uga qoomamayn-doono.
Waxaynnu Ilaahay ka baryeynaa in uu Maayar-Jiciir iyo
Ina-Uurcadde si deg-deg ah ummadda reer-Somaliland iyo caasimadda Hargeisaba
uga soo gaadho si dibin-daabyadooda iyo boobka bilaa-naxariista ah ee ay dhulka
iyo ummaddaba ku hayaan looga raysto, kuwo khayr-qaba oo daacdnimo ummadda ugu
shaqeeye oon ka shaqaysanna oo beddelkooda keeno.
Wa-Billaahi-Tawfiiq
Somaliland-ha-noolaato
Fareh Abdu Mohammed
farehabdu@yahoo.com
No comments:
Post a Comment