Friday, December 14, 2012

Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Oo Madaxtooyaddu U Xidhay Eedaymo Ururada Xuquuqal Iisaanku U Jeediyeen Wiil Madaxwaynuhu Sodog U Yahay




Thursday, December 13th, 2012


Ciidamadda dambi-baadhista ee CID-da ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama holding his Award

Ciidamadda CID-da ayaa Wariyaha xidhay ka dib markii saraakiil Madaxtooyadda ka tirsani soo gaadhsiiyeen waaran qabasho ah oo ay ka soo samaysteen Maxkamada Gobolka Hargeysa si loo xidho Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen.

Wariye Xuuto ayaa la xidhay ka dib markii Taliyaha Ciidamadda CID-da Maxamed Muuse Abraar uu la soo xidhiidhay isla-markaana uu ugu tagay xaruntooda, iyaga oo markaa ka dib u sheegay inuu xidhan yahay, haystaana waaran Maxkamadeed.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ciidamada CID-du u sheegeen in lagu haysto war ku soo baxay Wargeyska Waaheen, kaasi oo ku saabsanaa Wiil Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay oo Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq uu ku eedeeyay inuu sanad kasta boqolaal kun oo doolar ka qaato telefiishanka qaranka.

Ciidamadda CID-da ayaa Guddoomiye Xuuto u sheegay in looga baahan yahay inuu soo caddeeyo halka Wiilkaasi uu lacagtaasi kaga qaato telefiishanka iyo musuqmaasuqa uu ku kacay.

Warka baahintiisa lagu haysto Xuuto ayaa waxa uu afkiisa ka soo baxay Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq, balse Madaxtooyadda oo waarankan soo goosatay waxay ka warwareegtay inay toos u abaarto masuulkii hadalkaasi ka soo baxay, balse sida cad waxay waaran u soo samaysatay Guddoomiyaha Waaheen.

Short URL: http://waaheen.com/?p=55540


No comments: