Bosaso - Dhacdadaan oo ah mid
ugub ah oo ka dhacday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxay dareen
naxdin leh ay ku beertay dadweynaha Soomaaliyeed, ee Magaaladaasi ku dhaqan.
Ciidamada Booliska ee Magaalada Boosaaso, ayaa waxay maanta soo bandhigeen meydka nin, muddo shan bilood kahor lagu dilay Boosaaso.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bashiir, ayaa waxaa dilkiisa geystay seddex ruux, oo ay kamid tahay xaaskiisii, oo lagu magacaabo Iftin Maxamed Cusmaan.
Iftin, ayaa waxaa lala soo qabtay laba nin oo kale, oo iyaguna lagu kala magacaabo Tamaam Axmed iyo Cabdi Shakuur. Inkastoo Iftin iyo Tamaam Axmed ay qirteen inay dileen marxuumka. Halka Cabdi Shakuur isna la sheegay in uu goobjoog uun uu u ahaa dhacdada.

Saciid
Cali Ibraahim, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Baal-lade, ayaa wuxuu sheegay in
muddo shan bilood kahor, ay si xun dadkaan u dileen Maxamed Bashiir. Kadibna
inta ay meydkiisa jar jareyn, ay ku dhex aaseen, gurigii uu ka degganaa
Magaalada Boosaaso.
Taliyaha, ayaa sidoo kale waxa uu bidhaamiyay in dadkaan dilka lala xiriirinaayo, ay ka soo jeedaan qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya.
Ugu dambeen Taliyaha, ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in ogaanshaha dhacdadaan, ay gacan ka siiyeen ehelada marxuumka, sida xun loogu dilay Magaalada Boosaaso.

No comments:
Post a Comment